Ducada iyo dikriga wadajirka ah ee salaadaha faralka ah kaddib la sameeyaa, asal ma ku leedahay shareecada islaamka (WQ: Cabdiraxmaan Bare)

Ummadda islaamka ahi waqtigan waxa lasoo gudboonaaday loollan adag oo u dhexeeya mid wax taageersan iyo mid diidaya , mid odhanaya waa Sunne iyo ku Bidcaynaya. Loollankaasina wuxuu marin habaabiyey guud ahaan muslimiinta isaga oo waydaariyey , illowsiiyeyna ujeedkii ay ahayd in ay ka mideysnaadaan oo ah in la helo muslin saf qudha ah oo isjecel .

Waxaan shaki ku jirin in gaaladu ay ahayd mid ka haybadaysata islaamka , kana baqdaan isku xidhnaanshaha muslimiinta iyo awooddooda. Sababta maad garanaysaa ? Laba siyood ba way u awood badnaayeen muslimiintu :

B) Awood hub iyo saanad ciidan oo la taaban karo, iyo T)Ducada wadajirka ah oo ah Hubka mu’miniinta meel kasta, sidaad xagga dambe ku arki doonto axaadiista kusoo aroortay.

Balse qarniyadan dambe waxay gaaladu ku guuleysteen  in ay ka faa’ideystaan khilaafaadka u dhexeeya muslinka dhexdiisa , iyaga oo usoo dirsanaayey kuwo diinta barta oo isku daya in ay khalkhal geliyaan (Mustashriqiin) , taasina waxay usoo maraan in ay usoo maleegaan shirqoollo khatarahooda leh oo qorshaysan gees walba , si wadajirka muslimiinta loogu wiiqo , iyo  si aan loo helin muslin midaysan, iskooxaysi iyo cadaawadna dhexdooda loogu beero , dabadeedna ay ka fogaadaan barashada diintooda , la quusiyana badwaynta xumaha kala geddisan iyo macmacaanka maaddada , halkaasina wadajirku ku baaba’o.

Raadadka barakaysan ee hore-u-marka islaamka ku xardhan waxaa kamid ah : Muslimiinta oo u jeedsaday dhisidda masaajidda iyaga oo iska kaashanaya binaha , kuna cammiraya salaadaha faralka ah meel kasta oo ay ka joogaan qaaradaha dunida oo dhan. Ta caadada u ahayd muslimiinta gees walba oo ay Carro-edeg kaga noolyihiin waxay ahayd :

1. Dikriga salaadaha ka dambeeya oo kor loo qaado, si wadajir ah, iyo

2. in ay ducaystaan salaadaha faralka ah gadaashood ,

Iyaga oo raacaya Jidkii/hadyigii Nabigooda Muxamed calayhi salaam iyo Dadkoodii wanaagsanaa (Salafu Saalix) ee ka dambeeyey ba , iyo Culimadii islaamka ee waqti kasta iyo goob kastaba jiray.

Maadaama dunida muslinku ay ka sinnayd ducada iyo dikriga wadajirka ah ee salaadaha faralka ah ka dambeeya , ay iska soo dhaxleenna qarniyo , Culimada , guud ahaan cidna isku may mashquulin in ay baadho mas’alo tan oo kale ah oo la wada garanaayo , waayo ? waxa lagu foogganaa fidinta diinta , barashada cilmiga , la dagaallanka cadowga islaamka , ka feejignaanta shirqoolladooda iyo caabbinta (raddinta) kooxaha weecday iwm.

Haddaba waxaad arkaysaa dad xamaasadaysan oo diiddan in si wadajir ah loo ducaysto loona dikriyo salaadaha faralka ah dabadood , Iyaga oo aan keenayn dood cilmiyeysan oo qancisa dadka ,muhiimmad badanna aan siinayn Aasaarta (Nusuusta) saxiixa ah ee kusoo aroortay , iyada oo marka dambe aad arkayso iyaga oo bidcaynaya dadka sida wadajirka ah u Alle-baryaya amba dikri u akhriya ! .

 

La soco………..

 

Cabdiraxmaan Barre