Taxanaha Sirdoon Iyo Ammaan: Waa Maxay Counter Intelligence? Q.6aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Ka hor inta aynaan u gelin shaqada labaad ee hay’adaha sirdoonku qabtaan aan soo af-meerno wax yar oo innuugu qabyo ahaa shaqadii koowaad oo aan ku sheegnay DATA COLLECTION AND ANALYSIS. Hannaanka xogta sirdoonnadu ururiyaan marto waxa la yidhaa Intellegency cycle. Waxaanu ka kooban yahay.

1. Planning and direction

2. Collection

3. Processing

4. Analysis and product

5. Dissemination and feedback

Sida oo kale xog-ururintu waxa ay yeelan doontaa ama lagu soo lifaaqayaa caddaymahan hoos ku qoran;

– physical information,

– testimonial information,

– documentary information,

– and analytical information.

Marka la hubinayo tayada xogta waxa miisaamaya qodobbadan;

• Reliability:

• Completeness:

• Precision:

• Integrity:

• Timeliness:

Ugu dambayn xogta hay’adaha sirdoonku marka ay soo dhammeeyaan ee ay soo sigib tiraan waxa la yidhaa; Product.

2. COUNTER-INTELLEGENCE; Waa hannaan lugu ogaado lugu na difaacdo siraha dadkaaga iyo dalkaaga.

Waxa aan shaki ku jirin in cadowgaaga oo meelo aanad ka filayn ka kala yimid isla markaana adeegsanaya farsamooyin heersare ah oo laga baaraan-dagay ayaa dalkaaga kuugu imanayo isaga oo raba in uu ogaado siraha qaran ee isugu jira;

-Siyaasad

-Ciidan

-Ganacsi.

Cir iyo dhul ba wuxu cadowgu dalkaaga uga soo geli doonaa si uu u gurto hantida wax la arko ugu qiimaha badan ee garashada Aadamaha ee dalkaaga “Human Intellectual assets” Sida oo kale iyana waxa ahmiyad weyn u leh hal-abuur maskaxeedka dadkaaga “Intellectual property”

Counter-Intellegence waxa laga yaabaa in ay woxogaa u ekaado mid yar kakan hadda ba si aan u fududayno maxaa innaga la innaga xadi karaa ee xog ah ama xoolaha?

Haddaan su’aashaa jawaabteeda u nimaadno tusaalaha ugu fudud ee aan wada-fahmi karnaa waa;

Lacago aad iyo aad u badan oo haddii la innaga khalkhal geliyo dhabarka ka jabin kara dhaqaalaha dalka jaho-wareer iyo khilaaf aan maare loo heli karinna sababi kara ayaa shirkado aan aqoon ahaan iyo xirfad ahaan ba illaa heeraa diyaarsanayn ay gacanta ummadda ugu hayaan waa Zaad iyo E-dahab.

Saddex haddii la is la helo ayay suurto-gal u eg tahay in qaddar kalsooni ah lugu qabi karo adduunkaas badbaadadiisa.

A. Foreign Intellegence; Hay’ad ammaan dibeddeed.

B. Law Enforcement; Boolis xirfad aad u sarreysa oo tiknooniyeed adeegsada.

C. Counter-Intellegence; Ciidan u gaar ah ka shaqeynta illaalada siraha dad iyo dal ee cadowga noocyadiisa kala duwan duulimaadka ku yahay.

Yaa looga cabsi qabaa in ay xogahan halis ku yihiin?

– Terrorist Organizations; Urrurada Argagixisada

– Criminals ; Dambiileyaal

– Foriegn Intellegence Service, Hawl-gallo sirdoonno shisheeye.

– Economic Competitors; Kooxo tartan dhaqaale innaga dhexeeyo.

– Private spies for hire; Basaasiin gaar ah oo la hawl-geliyo

Hadda ba tallaabada ugu horreysa ee loo baahan yahay in la qaado si looga samato-baxo halisahu waa;

Counterintellegency program risk assisment. Barbaanij lugu qiimaynayo xaddiga halisaba innagu soo wajahan.

Intaas kaddibna qodobbadan hoose ayaa looga gudbiyaa in xoogga la saaro.

1. Threat awernass and training

2. Analysis reporting and response

3. Suspicious activity responding

4. Counter intellegency audit

5. Counter intellegency investigations

6. Liaisons

Ugu dambayna afartan shaqo oo la isku yidhaa Counter intellegency fuctional service ayaa laga dhalinayaa qorshaha difaac.

– Investigations; Baadhitaanno

– Operations; Hawl-gallo

– Collections; Xog ururin

– Analysis and product; Lafo-gur iyo wax soo saarka xogtii ugu dambaysay oo la shiilay una diyaarsan qaab la adeegsan karo.

Hadda ba waxa ilbaxnimo iyo aqoon u baahan in aad dhiiri-geliso in dalkaaga loo yimaaddo dalxiis, ganacsi,waxbarasho IWM. Haddana aad dhammaan dadka dalkaaga soo galaya dhaqdhaqaaq yadooda iyo ujeeddooyinka safarkooda aad ula socon lahayd!

 

La Soco…