Dulman: Sheeko, Q.6aad (W.Q. Faadumo Aadan Maxamuud Ina Buuni)

U sheegtay inay iyadu soo qaadatay hadday iska dayn lahaydna Eydu kala goosan lahaayeen mar hore. U sheegtay in aanay hooyadeed iyo aabbaheedna midna aqoon. U sheegtay inay iyadu u magac bixisay uguna wan qashay Suubban. U sheegtay inay odaygeedii marxuumka ahaa aabbo uga dhigtay magaciisiina raacisay maalintay dugsiga soo qoraysay. “Hooyo macaan waxan kuugu sheegi waayey in aanan ku dhalin maan doonayn inaan ku ciyaaro noloshaada. Ilmahaygii oo aanan naas nuujin baad tahay, adoo  xab ah baan ku soo qaatay. Anigaa hooyo ku soo korsaday inay dhib yarina ku soo gaadho ma ogoli.”  Ugu sii dartay iyadoo ilmaynaysa.

Maxay samayn hadda Suubban? Talaa ku ciirtay wax ay tidhaana way garan wayday. “Hooyo waan ogahay inaad i jeceshay oo aan inantaada ahay, balse kama maarmayo inaan arko hooyadaydii caloosha  igu qaadday iyo aabbahaygii i dhalay.” Ayey haddana u sheegtay Suubban, Gaasira. Gaasiri markan warcelin uma hayso. Talaa ku ciirtay wax ay samaysana ma garanayso sababtoo ah halkay ka doontaa Suubban hooyadeed iyo aabbeheed? Ayey se u taqaanaa? Hadday hadda ka soo hor baxaan ma taqaan. Naxdin ay ka naxday hadalkan danbe ee Suubban ayuu dhiig kar ku dhuftay, saacad ka dibna carrabkeedii bay calaashatay. La isku yaac. “Alla hooyoow….Alla hooyo maxaa igu watay een sidaa kuu idhi.” baa  ka soo hadhay Suuban. “Alla hooyaday bay dishay tii baasaydeey soo heshay.” Baa ka soo hadhay Hodan iyo labadii kale. Dhakhtarkaa la geeyey toddoba caano maal hadday ku jirtay, ballaayado maalina ma qaddee saacaddeedii way dhammaatay naftiina way ka baxday Gaasira!

Anfariir iyo af kala qaad kale baa dhacay . Saacaddu waa halkeedee, “Inantan yar baa u sabab ahayd.” baa lala taagan yahay. “Ha noolo xidho hooyaday iyada awgeed bay u dhimmataye.” Ayey la taagan yihiin. Suubban dhib kale oo ka sii darran tii hore baa ku dhacday. “Yaan hooyo ka dhigan doonaa toloow”. Ayey nafteedii wayddiisay. Maydkii Gaasira gurigeedii baa la keenay. Waa la maydhay waana la kanfay. Xabaalihiina la gee sidaana lagu sii galbi…………

La soco qaybta toddobaad hadduu Eebbe ogolaado.

Hoos ka akhriso qaybihii hore ee sheekadan:

Dulman: Sheeko, Q.1aad – Q.4aad

Dulman: Sheeko, Q.5aad