Eydu waa bilicda magaaladda (W.Q: NuuR Xaaji Xiiray)

Way wanaagsan tahay in laga shaqeeyo bilicda magaaladda, laakiin su’aal baa ah halkee ayaa laga bilaabayaa ma maatada xoolahooda ayaa la qal qalanayaa, kolay imika adduunkan aynu ku nool nahay sharcigu wuxuu qabtaa uun inta itaalka daran, dadka awooda leh iyo dawladdaha xooga leh sharcigu ma qabto oo waxaynu ku jirnaa sharcigii kaynta (survival for the fittest) ka xooga lihi in uu wax walba u hadho.

Aniga aragtidayda waxay ila tahay, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa:

“Ooda dhacmeed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa eh.”

Haddii ay dhab ka tahay in ay bilicda magaaladda wax ka qabanayaan ha  ka bilaabaan eyda dariiqyada buuxisay ee dad iyo duunyo halista ku ah, mise eydu iyagu bilicda magaaladda ayay qayb ka yihiin.

Midda kale waxa is waydiin leh miyaanay arag waxa xoolo ku nool magaaladda iyo abaaraha ka taagan magaaladda hareeraheeda, sidaa awgeed dad badan intii uga badbaaday abaarta ayey magaaladda miciin moodeen.

Inta badan dawladda hoose waxay iskaga dhaqaaqadaa ficilo aanay ka fiirsan dhibaatada uu u keenaayo bulshada iyo hawlaha ay bilaabaan in aanay sii joogtay ee ay halkaa kaga dhaqaaqaan.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com