Qaybtii 2aad
Waxay inoo joogtay qaybtii 1aad: Iyadoo aan idin idhi waxaan idinla wadaagayaa dhowr hogaamiye oo dad aan qabiilkooda ahayni si kalsooniyi ku jirto kuraas ugu doorteen:
1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Sanadkii 1956-dii Alle u naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo Xoghayihii Guud ee xisbiga SNL. Inkasta oo xisbiga SNL uu ahaa xisbi lagu wada jiro oo sidaan bilowgaba ku sheegay aa nuu waaga jirinba xisbi reer keligii samaysto hadana Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa laga doortay oo uu tartanka ka helay Ismaaciil Naxar Xasan oo ergada wax dooranaysay badankeedu haybtiisa ahayd.
Mar labaad Xisbiga gudoomiyihiisa oo ahaa gudoomiye sharafeed aan awood fulineed lahayn ayaa waxa u tartamay Ismaaciil Naxar Xasan iyo Xaaji Cumar Askar, markana waxa guulaystay Xaaji Cumar Askar. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xaaji Cumar Askar waxay kasoo jeedeen Isaaq Habar Awal, xisbiga SNL na golihiisa wax doortaa wuxuu u badnaa Isaaq Gaxajis siiba Habar Yoonis qiyaas tii 60 ilaa 70% ayaa Garxajis ahaa. Labada doorashaba ninka dhacay ee laga helay wuxuu ahaa Ismaaciil Naxar Xasan oo kasoo jeeday Garxajis siiba Habar Yoonis.
2. Axmed Xaji Ducaale Cabdalla (Axmed Kayse)
Axmed Kayse waxa uu ka mid ahaa hormoodkii SNL. Wuxuuna kasoo jeeday Gobolka Sanaag gaar ahaan Degmada Xiis, Qabiil ahaan Isaaq Habar Jeclo. Waxa uu xubin ka ahaa afartii wasiir ee ugu horreeyey ee Somaliland. waxaanu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha markii uu is raacu dhacay ee Hargeysa iyo Muqdisho ku midoobeen Jamhuuriyadii Soomaalida, 1st July 1960.
Axmed-keyse waxa uu ka mid ahaa barlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland ee Feb 1960 la doortay. Galbeedka Burco ayuu ka soo baxay, oo dadka doortay waxay u badnaayeen Habar Yoonis iyadoo ay joogaan ama tartamayaan siyaasiyiin Habar Yoonis ah.
Danjire ayuu muddo ahaa Axmed-keyse, wuxuu Soomaalida fadhiyi jiray wadanka Jarmalka. Intii uu Safiir ka Jarmalka ahaa ayaa wuxuu ka dhameeyey dawladii Jarmalka mashruuca waxbarashada farsamada ah (TVET) ama (Polytechnic education) qofba siduu u yaqaan.
Mashruucaas oo uu Burco galbeedkeeda ka dhisay. Wakhti xaadirkan dadka reer Burco waxay u yaqaan schoolka Jarmalka. Nin wayn oo ragii ay isku soo gaadheen siyaasada ka mid ah ayaa iiga sheekeeyey sheeko dhex martay Axmed Kayse iyo odoyaal ay tol ahaayeen markuu dhisayey Schoolka Jarmalka.
Axmed Kayse oo Jarmal ka yimi oo degan Hotel Nasiye Burco ayaa odayaal maqlay in uu wado mashruuc wayn oo tolkii ahi ugu yimaadeen Hotel kii, waxayna usoo bandhigeen in ay u hayaan dhulkii uu ka dhisi lahaa mashruuca, gara oo waxay sheegayaan dhul ku yaala daanta beriga Burco. Axmed Kayse wuxuu ugu jawaabay kaamkii la dejiyey dadkii hawd layga soo guray si ay iigu codeeyaan ayaan ka dhisayaa mashruucan farsamada gacanta ee raali ahaada. Goobta uu schoolka Jarmalku maanta ku yaalo waa meeshii geela loogu qalijiray ee saldhiga u ahayd dadkii u ololayn jiray Axmed Kayse Xaaji Ducaale February 1960.
La soco qaybta 3aadโฆโฆโฆโฆ