Falanqaynta sheekada “Bakayle iyo Diin” (W.Q. Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim)

Sheekada gaaban ee “Bakayle iyo Diin” oo uu qoray Mukhtaar Xasan Maydhane, waa mid runtii xambaarsan duluc aad u ballaadhan. Waa sheeko uu qoraagu aad u qurxiyey isla markaana adeegsaday hummaag dugaag, kaasi oo inta badan laga dheegto sida uu u noolyahay. Waa sheeko ku soo biirtay kuwa Soomaalida waayo hore waxa aynu u haynay diin iyo dacawo ee maynu hayn diin iyo bakayle.

Yar iyo waynba sheekadani waa ay xiiso galinaysa marka ay akhriyaan. Carruurta way xiiso-gelinaysaa waayo dhaqan baynu u leenahay in ciyaalka aynu habar-dugaag uga sheekayno. Sidoo kale waxa ay macno badan u samaynaysaa dadka waaweyn, nin walibana meesha uu doonayo ayuu ula kacayaa. Mid siyaasad kala soo baxa; mid bulsho sida ay u dhisan tahay kala soo baxa; mid hab-nololeedka qoys kala soo baxa; iyo mid aragtidiisa ku kooba tolow maxaa iska soo galay Bakayle iyo Diin.

Ujeeddada dhabta ah ee uu qoraagu ka lahaa isagaa og, aniguse markii aan akhriyey waxaa iiga soo baxay arrimo fara badan oo runtii mid walba culayskeeda leeyahay.

Waxan isku dayayaa uun kaliya in aan cabbiro wixii aan ka fahmay ee aan is leeyahay bulshada afka Soomaaliga ku hadasha wuu anfacayaa gaar ahaan bulshada ku dhaqan Somaliland.

Bal ila eeg qodobadan aan hoos ku soo ururiyey ee aan kala soo baxay “Bakayle iyo Diin.”

  • Horaa loo yidhi “qunyar-socde qodaxi ma muddo” iyo “nabad-qabaa dheereeya.” Nolosha sideedaba laguma gaadho orad, cabsi, iyo tacab badan balse waxay u baahan tahay in aad miisaanto ta aad ku nooshahay isla markaana aad garab dhigto cida agtaada ku nooli sida ay u nooshahay si aad u dareento waxa kaa maqan una raadiso wixii kaa dhiman adiga oo miyir qaba isla markaana qiimayntaada ku salaynaya baahidaada.
  • In ummadi marka ay meel ku wada dhaqan tahay isla markaana hoggaan leedahay in talada la-wadaago oo aan laga dhigin uun ku- jiq-sii. In ummaddu waxa u dan ah dhinaca saxda ah ka eegto, balse hebelo aan laga dhex arag, isla markaana wixii go’aan lagu qaato ciddii u ehel ah loo diro.
  • Wixii lagu heshiiyey haddii uu ugub yahay in aan mar kaliya la wada qaadan balse la iska tijaabiyo in uu guul gaadhsiin karo bulshada iyo in uu haadaan ka tuurayo bulshada. Tani waxay la macno tahay “ Don’t but all your eggs in one basket” macnaheeduna yahay “beedkaga oo dhan hal salad ha ku wada ridin”
  • Marka wax la fulinayo waxaa la waydiiya waayo’arag iyo ninkii hawshan oo kale soo maray. Bakayle waxba iskamuu waydiin in arrinkani ceeb leeyahay iyo sida uu diinku ugu noolyahay dahaadhkan.
  • In aan hore la isku mahadin balse wax la iska su’aalo sababta ay waxani u dhici waayeeen . Sida uu qoraagu tilmaamay Bakayle waa uu dabaaldegay markii dayo ama dacawo isaga tagtay maalinkii koobaad ee ay aragtay laakiin uuna is odhan talow miyay dharagsanayd maanta.
  • Bani’aadam baa la yahay go’aan walba oo la qaataa sax ma noqon karo balse go’aan walba oo la qaata qiimayn ayaa lagu samayn karaa.
  • Marka go’aan la-qaatay uu khaldamo waxa uu u baahan yahay in waxa la iska waydiiyo oo talo qaran la isaga yimaaddo.
  • Ugu danbayn in aad taqaanno waxa uu Ilaahay adiga awoodda kuu siiyay. Maxay tahay waxa aad kaga duwan tahay ummadaha kale ee kula jaarka ah. Maxay yihiin fursadaha aad haystaa. Maxay yihiin awoodaha aad leedahay, waa maxay caqabadaha kaa hor iman karaa maxaad se ku liidataa. Intaa marka aad ogaato ayaad guul gaadhi kartaa balse haddii aad tidhaah dawladda aan jaarka nahay ayaa sidan ku liibaantay ana waan ku liibaani, waxay iila muuqataa arrinkaa bakayle ku hungoobay oo kale.

Gabagabadii, waa sheeko taabanaysa dhinac walba oo aad u qaado. Laga yaabaa qoraagu in uu dhawr ujeeddo ama hal u jeedo ka lahaa balse markaan turjuntay waxaa iiga soo baxay arrimahaa aan kor ku xusay oo dhan.

Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim
abadir01@yahoo.com