Jaaliyadda Haweenka Finland waxay lacag ugu deeqeen Waddada Cad

Jaaliyadda Haweenka Finland ee deegaanka Sallaxley ayaa maanta munaasibad kooban oo lagu qabtay Hargeysa waxa ay lacag deeq ah oo dhan 2,700 oo Yuuro ku wareejiyeen Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Cali Ibraahim Maxamed “Cali Sanyare”, Xoghayaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Faysal Cayuun. Lacagtaas waxa wareejiyey xubno haween ah oo ay ka mid ahayd Shuun Biixi Oday oo metelaysay Jaaliyadda Haweenka Finland ee ka soo jeeda deegaanka Sallaxley.

Guddoomiye Cali Sanyare wuxu ammaanay una mahadnaqay jaaliyadda haweenka ee lacagtan ugu soo deeqay mashruuca dhismaha waddadan, wuxuna xusay in deeqdani aanay ahayn tii u horraysay ee ay soo diraan isla markaana aanay noqon doonin tii ugu dambaysay. Guddoomiyuhu wuxu gaar ugu mahad-naqay Shuun Biixi oo wakiil ka ahayd jaalliyadda.

Shuun Biixi dhinaceeda waxa ay u mahadnaqday Guddida Waddada, Guddoomiyaha Guddidana waxa ay ugu ducaysay in caafimaadkiisa iyo cimrigiisuba ku simaan waddada oo dhammaystirantay. Shuun waxa ay sheegtay in deeqday aanay noqon doonin tii ugu dambaysay ee ka timaad jaaliyaddooda.

Bandhige@gmail.com