Gabay: Dhaqan-lumayaal (Waxa curiyey Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale “Dhinbiil”)

Gabaygan waxa uu hal-abuurku kaga hadlayaa isbadalka ku yimid dhaqankii iyo sida ay dhallintii isku badashay, kuna canbaaraynayaa bulshada ka tegida ay ka tageen dhaqoonkoodii wuxuu gabayga ku bilaabay Abwaanku sida tan:

Bulshayahay wada dhaqaaqdayee, dhaqankii tuurtaay

Bulshayahay dhamaanteed cidlada,kolba dhan u guuraysaay

Bulshayahay gidigeed dhoofkiyo,dhul shisheeye rabtaay

Bulshayay wanaagii kadhaxashay, ceebtiyo dhiiladaay

Bulshayahay dharaarba ka dharaar, dhabbada u xaadhanaysa

Dhabarkiyo lafaha inay kajabto, een waxba dhaqanaynineey

Bulshayay waxba aan dhiganaynee, gabagabada ku dhoweey

Bulshayahay dhufaantay dhaqankii, een waxba u dhigan beritoy

Bulshayahay dhaqankii lumisee, dhaawacan u geysataay

Bulshayay u dhaga nugul gaalada, ee ka dhoohan teedaay,

Bulshayahay dheemanta moodaysa ,barashada dhaqan qalaad

Bulshayahay dhalinteediina ay, dhanxiirka maydhaniyo

Kuwa surwaalo dhuudhuubloo, dhinacyada ku dhejiyiyo

Kuwo badidood dhoor maydhan loo, dhayal u haysta diintiyo

Hablo afkoodu dhiinyahayoo,bahal dhiig aad moodid

Hablo markay dhawaaqaayaanna, dhiidhiibsiga aqoonin

Hablo xijaabkiina dhigayoo,dhajis maydhan xidhanaaya

Hablo dhinacyada qaawiyayoo, dhamaan jidhkoodu asturnay

Hablo dheehoogii badalayo, dhaldhalaal ka doortay

Dhallin markay ay soconaayaanna, dhulku uu gariiraayo

Bulshayahay waa dhowrasho li’ida ,dhaxalkeena weeyee

Nabarku inta uu dhowyahaybaa ,dhaymadu lagu badiyaaye

Aqalkaan sees loo dhiginna, dhakadiisu isma taagtee

Dhaqanku milgaheena weejee, hala dhowro bulshayahay

Waxa curiyey Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale “Dhinbiil”