Urur-diimaadkan waxa la aasaaray sannadkii 1928-kii. Waxaana aasaasay Xasan Axmed Cabdiraxmaan Al-Banna. Ujeedada Xasan Al-Banna waxa ay ahayd in uu soo nooleeyo khilaafadii islaamka ee Cusmaaniyiinta ee Turkiga deganaa, ee burburtay sannadkii 1919-kii. Markii ugu horaysay waxa diidmo xoogan kala horyimid dariiqada suufiyada, ka dib ikhwaanku waxa ay ka fogaadeen in ay iska horyimaadaan kooxaha kale ee islaamiyiinta ah.
Hogaamiyeyaashii Soo Maray Ururka.
Xasan Al-Bannaโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ..1928โฆโฆโฆโฆ1949
Xasan Hudaybiโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ.1949โฆโฆโฆโฆ..1972
Cumar Al-Tilmisaniโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ.1972โฆโฆโฆโฆ.1986
Maxโud Hamid Abu-Al-Naserโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ.1986โฆโฆโฆโฆ..1996
Mustafa Mashhurโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ…1996โฆโฆโฆโฆ..2002
Maxโed Mahdi Akefโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ2004โฆโฆโฆโฆ..2010
Maxโed Badicโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ2010โฆilaaโฆโฆโฆโฆ.imika
Dalalka ay ku fidiyeen Ururkooda.
Dalka Baxrayn
Laanta ururka Ikhwaanu muslimiin waxay isticmaalaan magaca Al-islaax. Garabkooda siyaasadeedna waxa la yidhaa Al-Menbar. Waxay noqdeen urur xoogan sannadkii 2012-kii oo ay dhacday doorasho baarlaam waxay ku guulaysteen 8 kursi. Waxay taageeraan dawlada baxrayn.
Dalka Suuriya
Laanta ururka Ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay sannadkii 1930-kii. Doorashooyinkii dhacay sannadkii 1961-kii waxay ku guulaysteen 10 kursi, balse sannadkii 1963-kii ee dalka Suuriya uu inqilaabay xisbiga BACAS, waxa la mamnuucay jiritaankii ururka Ikhwaanu muslimiin way ka maquurteen dagaaladda ka socda Suuriya.
Dalka Joordan
Laanta ururka Ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay sannadkii 1942-kii. Waxay la baxeen Hisbut-Tahrir, balse markii dambe waa la mamnuucay xisbigaasi. Markii dambe waxa la sameeyey xisbi cusub oo loogu yeedho dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah. Wuxuu noqday xisbi siyaasadeed oo caan ah. Waxay leeyihiin kuraas badan baarlamaanka dalkaasi.
Dalka Ciraaq
Laanta Ikhwaanu muslimiin ee dalka Ciraaq waxa la yidhi xisbiga islaamka ee Ciraaq. Waxa la aasaasay sannadkii 1960-kii. Laakiin waxa la mamnuucay sannadkii 1961-kii waana wakhigii uu xukunka hayey Cabdal-Karim Qaasim. Waxa kale oo cadaadisku sii kordhay wakhtigii xisbul BACAS ee 1963-kii. Markii la riday SadaamXuseen ayay dib isu-habeeyeen oo soo shaac-baxeen. Waxay ka qaybqaateen doorashooyinkii ka dhacay dalka. Imika waxa hogaamiya Taariq Al-Hashmi Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaas.
Sucuudi Carabiya
Laanta Ikhwaanu muslimiin maaha qaar firfircoon oo Sucuudiga ayaa cadaadis saaray jiritaankooda. Laakiin waxa loo ogolaa in ay dalka joogi karaan, balse waxa lagu amray in ay ka fogaadaan saamaynta siyaasada. Markii laga shakiyay in ay abaabul wadaan, ayey dawladda Boqortooyadu ku eedaysay Ikhwaanu muslimiin inay dunida muslimka ah dhib ku hayaan. Sucuudigu wuxuu kula dhaqmaa siyaasad qabow, oo wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqooda.
Kuweyt
Laanta Ikhwaanu muslimiin waxa loogu yeedha HADAS. Waxa ku xoogan yihiin baarlamaanka dalkaasi. Waxay xidhiidh fiican la leeyihiin xukuumada dalka kuweyt. Waxay gacanta ku hayaan inta badan jaamacaddaha iyo dugsiyada dalkaasi.
Yeman
Laanta Ikhwaanu muslimiin ee dalkan waxay ku hawlgalaan magaca islaax. Waxay xoog ku leeyihiin ganacsiga, waxbarashada iyo siyaasada. Kacdoonkii lagu riday Madaxweynihii hore ee Cali Cabdulle Saalax ayey ahayd guushii ugu horaysay ee islaax gaadho. Waxay ahaayeen maskaxdii ka dambaysay kacdoonka ka dhacay dalkaasi. Iyagoo adeegsanaya ardayda dugsiyadda, jaamacaddaha iyo kuwa ka shaqeeya goobaha ay gacanta ku hayaan. Cali Cabdalle Saalax ayaa ku eedeeyey in ay xidhiidh la leeyihiin Al-qaacida sannadkii 2011-kii.
Cumaan
Laanta Ikhwaanu muslimiin ee Cumaan maaha qaar si fiican u shaqeeya ama firfircoon, waxaana culays saaray Suldaan Qabuus Bin Siciid. Suldaanku wuxuu ka cabsi qabay in ay ku sameeyeen kacdoon. Dhawaan ayey ahayd markii la xidhiidhay xubno tiro badan oo Ikhwaanu muslimiin ah. Suldaan Qabuus ayaa ku eedeeyey in ay taageero ka helayaan dadka aan aqoonta lahayn.
Aljeeriya
Laanta ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay intii u dhexaysay 1953-1954-kii waxay ka qayb qaateen halgankii gobonimo doonka ee lagula jiray Faransiiska oo dalkaasi gumaysan jiray. Sannadkii 1962-kii markii xornimada ay qaadatay Aljeeriya ayay is-habeeyeen, balse may noqon urur jira oo firfircoon. Sannadkii 1990-kii markii Aljeeriya laga sameeyey xisbiyada badan, Ikhwaanu muslimiin waxay la baxeen dhaqdhaqaaqa nabada ee bulshada. Laakiin ururkani muu noqon mid hanaqaada. Ikhwaanu muslimiinka Aljeeriya way diideen dagaalkii ay wadeen kooxda FIS ee dagaalka kula jirtay dawladda Aljeeriya.
Suudaan
Laanta Ikhwaanu muslimiin xoog badan ayey ku leeyihiin dalka Suudaan. Waxa la aasaasay sannadkii 1949-kii. Waxay gacan saar la leeyihiin Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir. Taariikhaha qaar ayaa sheegaya in ay inqilaabka kula socdeen Madaxweye Cumar Al-bashir. Xasan Al-Turabi ayaa ah xubinta ugu weyn ee Ikhwaanu muslimiinta Suudaan hoggaamiya. Ikhwaanu muslimiin waxay gacanta ku hayaan xarumaha bangiyada, ganacsiga iyo maamulayaasha jaamacadaha.
Tuuniisiya
Laanta Ikhwaanu muslimiin waxa lagu magacaabaa Al-Nahda, waxana la aasaasay sannadkii 1981-kii. Waana ururka ugu saamaynta badan dalka tuunisiya. Waxay ku soo shaac-baxeen kacdoonkii lagu riday Madaxweyne Bin Cali. Waxay gacanta ku hayaan goobaha waxbarashada.
liibiya
Laanta Ikhwaanu muslimiin ee dalka liibiya waxa la aasaasay sannadkii 1949-kii. Ururku muu shaqayn karin jirin, oo dawlada liibiya ayaan ogolayn. Waxay soo shaac-baxeen markii la riday kornaly Qadaafi. Waxay la baxeen xisbiga dhimaha cadaalada. Doorashooyinkii ka dhacay dalka waxay ku guulaysteen 17 kursi.
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cali Cabdi Coomey qorey:
Sooyaalka calanka Soomaaliya ee buluugga ah
Noocyada Hagar-daamooyinka Tahriibka
Shirweyneyaashii Golaha Guurtidu dalka ku dhiseen
Xukuumaddi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee 1967-kii
Natiijadii codadkii ay heleen baarlamaankii Somaliland ee 1960-kii
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
Baadhis iyo Xog-Ururin