Gabiley, guyaal tagay iyo gobolnimo-raadiskii, Q.9aad (Cabdilaahi Maxamed Cumar)

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Allaha weyn ee waaxidka ah ee inagu simay akhriska qormadeennii sagaalaad ee taxanaheennan la magac baxay, gobolnimo raadiskii Gabiley.

Qormadeenan maanta waxaynnu shiishka saari doonnaa- haddii Ilaahay idmo- lafogurka waxa Gabiley u galay gobolnimadan ay ku xiiqday!

Ma xuma oo waa su’aal la isweydiin karo oo jawaabteeda u baahan. Waxase barbar taalla su’aal kale oo ah, maxaa Gabiley gobolnimada buuxda loogu diidan yahay illaa iyo taariikhda aynnu soo tilmaanay?

Haddii aynu ku horrayno jawaabta hore ee aynu kaga jawaabeyno, maxaa Gabiley ka soo gelaya gobolnimada buuxda? Waxan filayaa in aynaan jawaabta meel fog ka raadineyn; Waana sida tan:

  1. Gabiley gobolnimada buuxda sharaf ayaa ugu sugan (Pride).

Halhaysyada haweenka Soomaaliyeed waxa ka mid ah:

 Wixii qayrkaa qabo, qosol kuugu dhan!”

 Gabileyna waxay leedahay:

Anigoo guyaal hore

Gayaankay ka roonaa

Maxaa guunta iga dhigay?

Een guurkii u seegaa?

 

Marka golaha loo baxee

la gorfeeyo xaajada

maxaa lay giriifee

garta layga qadiyaa?

 

Marka gool la qalo ee

hilbihii la kala guro

Meesha lama gayaaniyo

Maxaa gowraca i baday

 

Marka gogosha loo baxee

gadhmadoobe taliyiyo

raggu ay gabyaayaan

Miyaan sii gandoodaa?

 

Gasiinkii dalkeenniyo

Anoo guunyo haystoo

gaajoonin waligey

Sidee lay gumeeyaa?

 

Gobolnimada dhimaniyo

Gefka iyo xumaantiyo

Guux aan dhammaaneyn

Goormaan ka baxayaa?

 

2) Gabiley waxay dooneysaa, in ay qayrkeed ku dherersato oo ay weliba dhaafto!

3) Waxay Gabiley rabtaa – haddii Rabbi la qabto, in aanay dhinnaan ee ay dhammays noqoto!

4) Waxay Gabiley rabtaa, caddaalad iyo sinnaan Somaliland u siman tahay oo aan la kala sed roonaan.

5) Waxay Gabiley rabtaa, ka dhabaynta iyo dhammaystirka halgankii gobolnimo ee guyaasha ku qaatay!!

Haddaba, su’aasha taagani waa sidee sedkaa maqan lagu gaadhayaa?

Waa innoo qormada dambe iyo qaadaa dhiggeeda – haddii Eebbe idmo.

Wa bilaahi At-towfiiq

 

Cabdilaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com