Madaxweyne Siilaanyoo waxa uu digreeto ku dhaqan geliyey xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur joogta

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenak Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu Madaxweynuhu maanta digreeto Madaxweyne ku dhaqan galiyey xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.

MADAXWEYNUHU:- 

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015

 Wuxuu soo saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta      Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.

 

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)