Xukuumadda oo fulisay xukunno dilal ah

Xukuumadda ayaa waxay maanta fulisay xukunno dilal a, xukunnadan ayaa waxa fuliyey ciidanka oo ku oogeen gacan ku dhiigle kuwaas oo lagu helay in dhammaantood in ay si badheedh badheedh ah u toogteen askar iyo masuuliyiin kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Adan ayaa BBC u sheegay in maanta dil lagu fuliyay Cabdirisaaq Maxamed Kheyre, oo hore ugu dilay magaalada Berbera toogasho xiddigle Adam Guuleed Daahir taliyihii ciidanka birmadka booliska ee Berbera.

Waxaa kaloo maanta dil lagu fuliyay Cabdicasiis Saciid Warsame oo hore u toogtay taliyihii guutada 93aad ee ciidanka Somaliland ee gobolka sanaag Bashe Cabdi Cali.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu kaloo sheegay in isla maanta dil lagu fuliyay Cabdillahi Cabdi Cilmi, oo hore ugu dilay Hargeysa nin shicib ahaa oo magaciisu ahaa Cabdi Cismaan Cali.

Qofka afraad ee maanta dilka toogashada ah lagu fuliyay waa Cismaan Hirad Diiriye, oo hore ugu dilay gabolka Awdal sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland oo magaciisu ahaa Axmed weli.

Xukunnadan dilalka ah ayaa waxa ay noqonayaa markii labaad ee xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo ay fuliyaan dilal

Warar aanan wali xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in ay dadka qisaasta lagu oogay ay ku jirto gabadh iyo carruurteediii oo xaafadda New Hargeysa gabadh kale ku aastay sannadkii hore.

Sida warku sheegayo looma oggolaan saxaafadda goobihii dilalkaasi ciidamadu ku fulinayeen. Dadweynaha ayaa si isdaba joog ah ugu boorinaayay xukuumadda in la dilo qofkii qof dila haddii aan qoyska wax laga dilay cafinin.

 

bandhige@gmal.com