Geeska Afrika: Gayigii Xasaradaha & Qaxoontiyada (WQ: Cabdiraxmaan Cadami)

 

Inkasta oo dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseya ka siman yihiin dib u dhaca iyo horumar la’aanta haddana intooda badan waxa ka jira xasillooni, dawladuhuna waxay ku wada nool yihiin nabad iyo daris wanaag xattaa haddii aanay wada lahayn iskaashigii loo baahna, marka la barbar dhigo waddamada Geeska Afrika oo iyagu mar kasta dhexdooda xiisadi ka jirto iyo dagaallo u dhexeeya marba laba ka mid ah.

Marka aan dagaal toos ah ka jirina waxay ku hawlan yihiin hub urursi iyo u diyaar garow-ga dagaal ay la gali doonaan mid uun ka mid ah dalalka la jaarka ah.

Xasaraduhu kuma eeka oo kaliya dagaallada u dhexeeya dawladaha ee islamarkaa wax jira dagaallo sokeeye oo gudaha kaga socda wajiga uu doonaba ha lahaadee, sidaas daraadeed Geeska Afrika waxa loo yaqaana hoygii Xasaradaha iyo meel markasta qalalaase ka jiro.

Alex De Waal isaga oo cabiraya baaxadda iska hor imaadyada ka dhaca Geeska Afrika wuxuu qoray “ The Horn of Africa is a laboratory of conflicts,” mar kasta laba dal ayaa isku foogan ama iyaga gudahooda ayaa isku foogan.

Haddaba xaaladda gobolku ma saamaxayso in waddan ka mid ahi wax horumar ah ku tallaabsan karo. Colaaddaha, is aamin la’aanta iyo iskaashi la’aantu waxay sababeen in dalalka Geesku noqdaan kuwa ugu saboolsan qaaradda madow, waxa ka barakacay malaayiin, tiro inta ka sii badan ayaa iyaguna ku sii barakacay gudahooda(IDPs). Dhalinyarada ka tahriibta Eritrea, Somalia, Sudan, Ethiopia iyo Somaliland waxay ka badan yihiin kuwa ka tahriiba dalalka Afrikada kale oo dhan iyaga oo ka cararaya dagaallada, busaaradda iyo hubaal la’aanta mustaqbalka.

Akhriste bal u fiirso dagaallada ka socda Galbeedka fog iyo Bariga Sudan, bal u fiirso khilaafka dami waayay ee Koonfurta Sudan, bal eega xiisadda ka taaggan kilalo ka mid ah Itoobiya.

Eritrea waxay dagaallo iyo xaalad abuur kula jirta dhammaan waddamada la dariska ah.

Somalia iyadu xisaabtaba kuma jirto oo laguma tilmaami karo in ay tahay Qaran madax bannaan waxa si dadban u maamula ciidamada AMISOM iyo Beesha caalamka.

Haddaba maxaa sabab u ah degenaansho la’aanta gobolka? Burburkii midawgii Soofiyeti iyo dhammaadkii dagaalkii qabooba ee u dhexeeyay quwadihii Bariga iyo Galbeedka ka hor waddamada Geeska Afrika waxay la kala safnaayeen labadaa oo midba dhinac u jiidayay. Waxa iyaguna colaadda iyo kala fogaynta dawladaha Geeska Afrika door weyn ku lahaa dalka Masar oo degenaansho la’aanta Gobolka uga faa’iidaysanayay in ay ku kaliyaystaan qulqulka iyo isticmaalka biyaha wabiga Nile-ka iyaga oo kaashanaya awoodda Jaamacadda Carabta iyo dhaqaalaha dawladdaha Carabta ee hodanka ah.

Tusaale: Kooxda dabagalka hubka ee Somalia iyo Eritrea (UN Monitoring Group) iyo safaaradda Maraykanka ee Asmara mid kastaaba gaarkii wuxuu farta ku fiiqay dawlado Eritrea dhaqaale ku siiya in ay xasilooni darro ka abuurto gudaha Itoobiya. Warbixintu waxay magacowday Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qadar.

Haddaba haddii Eraan lagu xanto in ay maalgaliso argagixisada dawlado kalena waxay maalgaliyaan xasaradaha markasta ka oogan Geeska Afrika. Waxa se baryahan dambe xaaladda uga sii daray xifaltanka dawladaha Khaliijka, loolanka Iraan iyo Sucuudiga, dagaalka Yemen iyo waliba Turkiga oo isaguna isku soo fidinaya mandaqada gaar ahaan dalalka agagaarka Badda Cas.

Faro gelinta xooggagii hore iyo kuwa ku soo biiray iyo danahooda iska soo horjeeda waxay sii murginayaan xaaladihii iyo xasaradihii markii horeba ka jiray dalalka Geeska Afrika.

W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com