Q1: Ujeedooyinka Waxbarashada Qaranka:
Hordhac:
Wasaarada Waxbarashadu waa wersheda qarankeenan Somaliland u soo saarta dadkii maalmaha dhaw iyo kuwa dheerba geyigeenankan hogaamin lahaa, markaa sida ku cad xeerka qabyo qoraalka ah ee Waxbarashada Qaranka; waxbarasho waxaa looga gol leeyahay hiraaladan u cadeeyey Qodobka 5aad ee ah ujeedooyinka Waxbarashada Qaranka.
Markaan maqaalkan qoraayo ugama jeedo inaan dhaliilo wasaarada waxbarashada qaranka sababtoo ah aniga ayaaba k tirsan balse waxaan doonayaa in aynu ogaano dhaliilaha rasmiga ah ee aynu leenahay, sidoo kale in aynu u diyaar garoowno sidii loo xalili lahaa waxna looga qaban lahaa, sidoo kale waxaa muhiim inaad si mug leh uga war hayso dalkeena waxkastoo ka jira. Sidoo kale maaha in aan anigu ka tirsanahay xisbi mucaarad ah balse waxaan rabaa in dedaalkeena isku biirino oo wax kaga qabano arimahaas oo dhan.
Hadaba walaalahayga akhrisanaya maqaalkan runtii ila fahma halka uu daaran yahay maqaalkaygu, runtiina in aynu ku kala duwanaanaa maaha ceeb iyo fool xumo adiga iyo aniga midkeen gaar u leeyahay ee waa in aynu cabirkeena garaad ahaan iyo gorfaynba isu geyno oo wax ku qabano.
Ujeedooyinka Waxbarashada Qaranka:
Waxbarashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kastaa leeyahay, Dowaladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muwaadinka siinaysaa waxbarasho ujeedadeedu tahay in:
- La dhiso โbulshoโ ama ummad ku salaysan dhaqanka Diinta Islaamka, aqoonโahaan, anshaxโ ahaan iyo akhlaaqโ ahaan;
- la cidhib-tiro wax-akhris-qoris laโaanta, lana kobciyo barashada diinta iyo ku-dhaqankeeda iyo ku xeel-dheerida cilmiga Sayniska, Tiknolojiyadda, aqoonta maamulka, xirfadaha aqooneed ee kala duwan iyo barashada xisaabta,
- Ardayda inta ay daโ yarta yihiin lagu ababiyo dareen wadaninimo si ay u yeeshaan qiiro waddaniyadeed, isdhexgal waara, deganaansho iyo hodantinimo.
- La helo aqoon, xirfad iyo aqoon lagu ilaalinayo deegaanka si ubadka dambe looga tago dhaxal waara;
- La helo xirfado iyo aqoon dhiirrigelisa koboc dhaqaale, caddaalad, xil-kasnimo iyo qiimeynta aayaha nabadda;
- Ubadka lagu tallaalo jacaylka iyo dhowridda sharafta shaqada
- Fiiro gaar ah loo yeesho horumarinta, fidinta iyo gudbinta aqoonta iyo waxbarashada;
- La soo saaro qof ah Muslin wanaagsan, kana dhisan dhinacyada maskaxda, ruuxda, fikirka,jidhka iyo aqoonta diinta kaa soo si laxaad leh uga qayb qaadan kara horumarka qowska, bulshada iyo qaranka;
- Kor loo qaado barashada Diinta Islaamka ee heer kasta iyo horumarinta โMadrasadahaโ Qurโaanka ee dalka oo sal u noqonaysa waxbarashada dugsiyada;
- Mudnaanta la siiyo waxbarashada aasaasiga ah iyada oo lagu fidinaayo gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan
- Kor loo qaado waxbarashada dadka waaweyn, lana dhiirri-geliyo Jidh-dhiska iyo ciyaaraha
- La helo bulsho ka dhisan aqoonta Diinta Islaamka, akhlaaqda toosan iyo xirfadaha anshaxa waafaqsan.
- Ardayda lagu beero hawlkarnimo, korna loo qaado ilaalinta nabadda, lana kobciyo xidhiidhka ka dhexeeya qofka iyo qoyska, bulshada, qaranka iyo caalamka
- Kor loo qaado daacadnimada, isku-tashiga, isu-dulqaadashada, iskaashiga, is-xil-qaanka, laab-xaadhnaanta, saraaxadda, is-dhaliilka fekerka ku dhisan, cadaaladda, xaq-soorida iyo nabadda;
- Lagu barbaariyo walaaltinimada Islaamka,isqadarinta iyo iskaalmaysiga fiican
- La dhiirrigeliyo cadaaladda bulshada oo ku salaysan Diinta Islaamka.
Haddaba sida ku cad faqrada 3aad ee qodobka 5aad kaasoo odhanaaya sidatan (Ardayda inta ay daโ yarta yihiin lagu ababiyo dareen wadaninimo si ay u yeeshaan qiiro waddaniyadeed, isdhexgal waara, deganaansho iyo hodantinimo).
Waxbarashada qarankeenan JSL ma tahay mid abuuri karta muwaadin leh qiiro wadani amaba ma lagu ababiyaa waddaniyad? Taas markaynu ka warcelinayno waxaa hubaal ah in aan jirin maadaama aanay jirin wax waddaniyad ku saabsan oo ubadka la baraaba, waxaan cidna ka qarsoonayn in ubadkeena aan wasaarada waxbarashadu u dhigin barina taariikh ahaan mid ku filan ubadku in ay dalkooda wax badan kaga ogaadaan sooyaalkiisii, sidoo kale wax iyaduna cadaan ah in aan ubadka ama ardayda aan la barin Juquraafiga dalkeena, sidoo kale ma jirto maadadii la odhan jiray Degaamaynta Aqoonta (Civic Education). Balse bedelka arimahaas muhiimka ah waxaa la baraa taariikhda yurub iyo Juquraafiga Yurub, taasina waxay ka dhigan tahay wasaaradeena waxbarashadu soo saarto ubad Yurub u dhashay balse jooga Somaliland, taasina waa sababta ugu weyn ee ay tahriibayaan dhalinyarteenu maadaama oo magaalo magaalo loo kala baray dalalka yurub halka aan waxba laga barin dalkoodii hooyo.
Waxaa arintan kuu cadayn kara Barnaamijkii la odhan jiray KASMAAL ayaa waxaa habeen habeenaduu socday ka mid ah ka soo qayb galay Bare ka tirsan Barayaasha dhiga Maadada loo yaqaano Juquraafiga waxaana la waydiiyey DAALLO gobolka ay ku taalo; iyadoo weliba la siiyey afar gobol oo ka mid Somaliland balse Barahaasi waa garan waayey, markaa marka Barayaashii Juquraafigu aanay dalkooda dhulka ugu caansan aanay garanayn ma bari karaan ubadka?
Waxaa iyana barnaamijka kasmaal ka dhacday nin jaamici ah oo ka soo baxay jaamacadaha Somaliland in la waydiiyey diinteena islaamka kitaabkeenu waa
- Furqaan
- Tooraad
- Injiil
- Sabuur
Balse jaamicigaasi ma garan wuxuuna dalbaday in laba laga tuuro ka dibna waxaa loo soo reebay furqaan iyo injiil, jaamicigu wuxuu ku jawaabay injiil, markaa mar hadaan manhajkeenu diin, dal, iyo dhaqan midkoodna ina barayn muxuu ina barayaa?
Waxa iyana sidoo kale dhacday in aqoonyahan ka mid ah aqoonyahanada Somaliland la waydiiyey suโaashan inta loo soo qoray hees hawleedkan:
Ayaa dilay oo dagaalay
Ninkii dilay ee dagaalay
Dagaal baa naga dhexeeya
Ka dibna la waydiiyey hees hawleedkan waxaa loogu heesaa
- Geela
- Adhiga
- Caruurta
- Loโda
Balse aqoonyahankaas maadaama aan manhajku waxba ka barin dhaqankeena wuxuu ku warceliyey waxaa loogu heesaa GEELA! Ma kula tahay dadkaasi waa soomaali ama manhajkeenaa wax baray? Mise manhaj kale oo qalaad ah ayaa la baray?
Gebagebo:
Hadaba waxaa muhiim ah in manhajka qarankeenu uu ahaado mid
- Ka warceliya dhibaatooyinka dal ahaan ina haysta wixii guud ahaan caalamku ka siman yahay mooyaane mid Somaliland si gaar ah uga jawaaba.
- Mid ubadkeena ku abuuri kara waddanimo iyo qiiro muwaadinimo
- Mid kalifin in ubadkeenu u tacabiraan dalalka shisheeye ee gaalada weliba taas oo iyaduna ah dhibaato hor leh oo manhajku abuurkeeda ugu weyn leeyahay
- Mid dhadhanka iyo dhosoga ka qaada dalkeena halka uu bedelkeeda macaaninaayo qaarado kale
- Mid soo saara arday ama ubad isku dal u dhashay, dalkooduna yahay Somaliland, halka manhajkeenu iminka soo saaro dadyow ka kala yimaada waddamo shisheeye
- Mid aan soo saarin dad iyagu hadhaw markay wax bartaan cadaw isu noqda; halka qaybi tahay dimuqraadi kuwo kalena ay yihiin islaamiyiin ku adag diintooda. Kuwaasoo marka ay maamulka dalka isugu yimaadaan iyagu abuuri doona khilaaf hor leh oo dumin kara dalkeena
- Mid ka saara meesha fool-xumada iyo gabood fallada ay qabyaaladu leedahay
- In aanuu soo saarin budhcad si mug leh u taqaana musuqmaasuqa, Qabyaalada, dilka, dhaca, iwm.
Intaas aan halkan ku xusay iyo kuwo kale oo aad u badan markaa maxaa xal ah? Xagee wax ka khaldan yihiin?
Waxa Qoray: Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax