Qaramada Midoobay: Myanmar waxa ka socda gummaad lagu dabar-goynayo Muslimiinta

 

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan soo saartay warbixin murugo leh oo muujinaysa gummaad ba’an oo ciidamada Mayanmar, ama waddankii hore loo odhan jiray Burma oo ku yaalla Koonfurta Aasiya, ay u gaysanayaan muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaas ee loo yaqaan Rohingya-da.

Weerarka ay xukuumadda dalkaasi ku hayso Rohingya-da ayaa warbixintu tibaaxday in uu yahay mid aan loo kala aabo yeelayn oo u eg dabargoyn loo gaysanayo qoomiyaddan laga tirada badan yahay. Rohingyadu waa hal milyan iyo badh muslimiin ah oo la nool 52 malyuun oo Budhiis ah.

“Laga soo bilaabo bishii October ee sannadkii tagay, xukuumadda Myanmar waxay ku haysaa qowmiyadda muslimka ah ee Rohingya gummaad la rabo in waddankaas lagaga dabar-gooyo” ayaa lagu yidhi warbixintan oo ay diyaarisay waaxda Xuquuqal-Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Sayid Raad Al-Xuseen, madaxa Hay’adda Xuquuqal-Insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in haweenayda ka arrimisa Myanmar Aung San Suu Kyi ay Jimcihii ballan qaaday in ay baadhitaan ku samayn doonto waxa ka jira tacadiyada ay warbixintani soo bandhigtay.

Dhammaadkii bishii December ayay ahayd markii cod dheeri ka soo yeedhay xubno caalami ah oo dunida laga qaddariyo oo badankoodu haysata abaal-marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Price. Waxay dhaliil toos ah u jeediyeen haweenayda 71 jirka ah ee awoodda badan ee hoggaamisa Myanmar ee la yidhaa Aung San Suu Kyi oo iyadda qudheedu sannadkii 1991 ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Price.

Dadkii wakhtigaa dhalliilaha u jeediyey Aung San waa 23 xubnood oo caan ah oo ay ka mid yihiin gabadha Baakistaaniyadda ah ee la yidhaa Malala Yuusufsay iyo baadariga reer Koonfur Afrika ee Desmond Tutu.

Warqad furan oo ay warbaahinta u mariyeen  waxay ku sheegeen in ay hoggaamiye Aung San Suu Kyi kala quusteen in ay ku qanciyaan in xukuumadda Myanmar joojiso gummaadka ay ku haysto carruurta, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya, kadibna ay dan moodeen in ay dhalliishan warbaahinta u mariyaan si dunida oo dhami u ogaato.

Xukuumadda Mayanmar ayaa adeegsanaysa helikobtaro iyo diyaaradaha kale ee milatariga si ay dusha uga duqayso deegaannada ay ku nool yihiin Rohingya.

Hoggaamiyeyaasha Myanmar ayaa dhinacooga ku doodaya in ay baacsanayaan kooxo argagixiso ah oo ka dambeeyey dilkii 7-dii October loo gaystay 11 ka mid ah booliiska dalkaas.

Nidaamyadii isaga dambeeyey talada Myanmar midkoodna arxan uma lahayn umana aqoonsan Rohingya muwaadiniin dhammaystiran, waxayna ku hayeen cadaadis ka dhan ah aadaminimada. Rohingya-da looma oggola in qoyskiiba dhalo wax ka badan laba carruur ah, in ay safar uga baxaan dalka dibaddiisa iyadoo aanay xukuumadda Myanmar ka war qabin iyo in ay mulkiyaan dhulka ay ku nool yihiin sabab la xidhiidha diinta ay aaminsan yihiin.

Il-waraeed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka

Bandhige@gmail.com