Gorfayn waxbarashada Qaranka Somaliland Q2aad (WQ: Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax)

 

Q2: Ujeedooyinka Waxbarashada Qaranka:

Hore waxaynu uga soo hadalnay qormadii 1aad ee ujeedooyinka Waxbarashada Qaranka Somaliland, qormadaas oo aynu ku soo eegnay dhinacyo bandanna ka istaagnay faqrada sadexaad ee qodobka waxbarashada qaranka xeerkeeda qabyo qoraalka ah, kaasoo ahaa (Ardayda inta ay da’ yarta yihiin lagu ababiyo dareen wadaninimo si ay u yeeshaan qiiro waddaniyadeed, isdhexgal waara, deganaansho iyo hodantinimo).

Qormada 2aad ee ujeedooyinka waxbarashada qaranka JSL waxaynu kaga hadlaynaa faqrada 5aad ee ujeedooyinka waxbarashada qaranka, isna wuxuu odhanayaa sidatan:

(In La helo aqoon, xirfad iyo aqoon lagu ilaalinayo deegaanka si ubadka dambe looga tago dhaxal waara).

Haddaba helitaanka aqoon, xirfad iyo aqoon lagu ilaalinaayo degaanka si ubadka danbe looga tago dhaxal waara, sidee ayaa lagu heli karaa? Kolkaynu ka hadlayno sida lagu heli karo aqoon iyo xirfad kuwaas oo badbaadiya degaanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxaa loo baahan yahay in la raaco talaabooyinka:

  1. In ubadka wax badan laga baro degaankooda iyo khayraadka uu leeyahay
  2. In ubadka loo dhigo hanaanada kala gedisan ee lagu ilaaliyo degaanka midkaas oo ay ku qaadan karaan maadada la yiraahdo juquraafiga, barashada degaanka (inkastoo aanay ku jirin maadooyinka ka baxa waxbarashada heerarkeeda hoose iyo dugsiyada sare) balse loogu dhigo dhanka jaamacadaha.
  3. In sameeyo dugsiyo si gaar ah loogu barto xirfadaha kala duwan, sida farsamada gacanta, aqoon u gaar ah degaanka Somaliland.
  4. In madaxda qaranka Somaliland ay ka muuqato jacaylka degaan wuxuu yahay si ardaydu ay ugu dayato.
  5. In manhajka qaybihiisa kala duwan ay si mug iyo miisaan leh xadidaan aqoonta u gaarka ah degaanka Somaliland kuwaasoo sanadkasta lagu sameeyo horumarin iyo kor u qaadis.
  6. In la abuuro barnaamijyo wacyi gelin ah oo guud ahaan bulshada lagu wacyi gelinaayo degaankeena iyo ilaalintiisa, iwm

Hadaba waxaa mudan in aynu eegno manhajkeena ma ku jiraa barashada gaarka ah ee degaankeena Somaliland? Hadii jawaabtu tahay HAA waa maxay sababta ay u hirgeli waayeen? Hadiise jawaabtu tahay MAYA waa maxay sababta loogu dari waayey?

Markaynu goobahaas cabaar ku negaano waxaa hubaal ah in manhajka Somaliland ee iminka la deegsado aanay si toos ah ugu cadayn ilaalinta degaanku! Tolow maxaa diiday?

Dhinaca degaanka ilaalintiisa markaynu ka nimaadno waxaa iyaduna meesha taala maye dugsiyadii xirfada lagu baran lahaa? Maxaa loo yagleeli waayey?

Gunaanad:

Sida ku xusan qormadan 2aad waxaa hubaal ah in baylahdaasi inoo taalo, hadaba lama waayin cidii dhigi lahayd mawduucyadaas ee siyaasada iyo qorshaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaan lahayn habkii loo gun dhigi lahaa! Is waydiintu waxay tahay miyaanay madaxda qaranku ahayn kuwo ah muwaadiniin? Mise dad dool inoogu yimid oo inaga danaysta?

 

Barre – sare Maxamed Cumar Dhagax