Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo shalayto ciidammo beleed deeganka Buuhoodle ku sugan ay u diideen in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa xalay goordambe gaaray magaalada Burco isaga oo dhulka ku safray.
Cali Khaliif iyo wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan maamulka Khaatumo oo mudaba saldhigiisu ahaa Buuhoodle ayaa diyaarad ka raaci lahaa shalay magaaladaasi si ay Jabuuti ugaga qaybgalaan wadahadallo u socday Somalilanad iyo Khaatumo.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer ee xaruntiisu tahay magaalada Burco Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa BBCda u xaqiijiyay warkan.
Wuxuuna sheegay in Galaydh uu ku sii jeedo magaalada Hargeysa.
Cabdifataax Baydan oo ah taliyaha ciidan beeleedkii Buuhoodle ku xanibay Galaysh shalay ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn wadahadalada uu kula jiro Somaliland.
Xigasho: BBCSomali