Gorfeyn: Buugga MAYAL Maxaa Ku Duugan Xumaan iyo Samaan?…Q…5AAD. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sida qoraalkii hore ka muuqatay, wuxuu abwaanku ku doodayaa in xafladdii shirkii Kulmiye lagu shirqoolay oo isagana looga dhigay inuu Madaxweynuhu doonaya, sidoo kalena xafladda laga dhigay inuu ka soo qaybgalay. Dhab ahaantii doodda dhinaca kale ee Kulmiye weli way maqan tahay in sidaasi arrintu tahay, waayo imika waxa aynu haynaa waa doodda abwaan Abees. Halkaasina waa halka uu cadhada ka qaaday abwaanku ee uu waxba uu xeerin waayey, waayo intii halkaasi ka dambaysay wuxuu soo bandhigay wixii uu la kulmay oo xumaan u badan. Waana qaybta inoo iman doonta. Haddii aynu buugga ku soo noqono Madaxweynaha ayaa khudbadiisii ka jeediyey xafladdi xisbiga Kulmiye ee Boorama. Markii ay khudbadii dhammaatay ayuu gacanta I qabtay aniga oo Abees ah, waxaanu yidhi” Waad  naga adkaatay, laakiin ha is dhigan oo ha moodin in aad mar walba naga adkaanaysid.” Bogga 139. Laakiin umaan jawaabin ayuu yidhi. Markii dambe ayey kulmeen madaxweynaha iyo abwaan Abees, waxa hadal dheer goobta ka jeediyey Abees oo weliba si adag ayuu u hadlay. Waxa ugu adkaa hadalladiisii in wixii uu Siyaad Barre ka diiday isna aanu ka yeelaynay inuu ku sameeyo.

Wuxuu sheegay inuu madaxweynuhu ku yidhi markuu qoyskayga ka hadlayey hadalka hoose” Adduunyadu inay is-beddeshay Cabdiraxmaan Abees oo reer Samatar ah oo weliba reer Xaaji Faarax ah ayaan xidhay, migaankii Barkhad Batuunna habeen walba wuu I caayaa, oo waan xidhi kari la’ahay. Xaaji Faarax haddii intaa qabriga loogu sheego tolow muxuu odhan lahaa.” Horta caddeyn looma hayo inuu madaxweynuhu yidhi iyo in kale marka caddaaladda la eego. laakiin haddiiba ay dhab loo qaato, wax nuxur ah oo ku jira in la soo bandhigaa kuma jiraan. Waayo wixii nuxur iyo micno sameynaya ayaa ummadda lala wadaagaa. Waa se cadho ka dhalatay shirkii Kulmiye ayaa la igu shirqoolay ana waan aargoosanayaa ayuu qoraalkani ka turjumayaa. Waxa se u banaanayd markuu arkay shirka Kulmiye haddii aanu raalli ka ahayn inuu hoolka shirka isaga baxo oo uu kulanka Madaxweynaha meel kale ku sugyo.

Markii uu shirkii Kulmiye ee Boorama ka soo noqday abwaanku wuxuu kulanno kala duwan la yeeshay dad fara badan, kuwaasi oo dhammaantood ka xumaaday inuu tago shirkii Kulmiye ee uu dhexfadhiyey. Qaybta buugga ee mowduucaasi ku xigtaa waa qaybyo uu kaga hadlaayo Distoorka siduu muwaadinka u siiyey xuquuqul gaar ah. Bogga 153. Haddan wuxuu abwaanku sharraxayaa meelihii lagu xidhay iyo wixii uu ku soo arkay. Macluumaad badan ayuu ka bixinayaa saldhiga dhexe ee Hargaysa. Wuxuu buuggu haddana sharraxyaa in dad badan oo la xidhay iyo kiisaskii lagu xidhay. Cutubka shanaad ee buuggu wuxuu sharraxayaa dawladnimada Islaamka iyo dhaqankeenna Soomaalinimo. Xadhigii Xildhibaan Dhakool iyo xadhigii Xildhibaanno reer Gabiley ah ayuu sheegayaa in aan waddo sax ah loo marin. Haddana wuxuu dhexjibaaxayaa heshiiskii Khaatumo ee Cali Khaliif Gallaydh ee xukuumaddii Siillaanyo la gashay ee aanu madaxweyne Muuse Biixi fulin. Marka la soo koobi waa uun eeddo culus oo uu xukuumadda Muuse Biixi kula hadlaayo. Waxaad mooddaa inuu buuggu qaybahan dambe yahay barnmaamij xisbi mucaarad ahi meesha ku soo qoray, waayo waa dhaliillo mutuxan oo meelna laga garaabeyn wixii keenay arrimahaasi. “ Xafiis Xeerilaalinta mise Xafiiska Xeerlaalidda.” Bogga.234 waa qoraal dagaal ah, oo weli daba-socda xadhigii abwaanka. Cutubka 6-AAD wuxuu ugu magaca daray “ Isma-qabatooyink is-barkan.” Dhammaan cutubkan wuxuu taxayaa sheekooyin lid ku ah xukuumadda Muuse Biixi, kuwa garaabis leh iyo kuwa aan lahayn ba.

Mowduc kasta kagga xun ayuu ku eegayaa, arki maysid meel uu wanaag ka sheegayo Abwaanku. “ Masuul Qaran mise mid qabiil. Maqluub iyo is-weydaar. Xabsi qaran mise xero nin.” Waa ciwaan-hooseedyo ku jira cutubka lixaad, kuwaasi oo ay ka muuqato cadho iyo ciil badani. Cutubka ugu dambeeya ee toddobaad waxba kama duwan ka horreya. Lifaaqyo ka kooban waraaqihii eedda markii la dacweynayey ayaa xagga dambe ee buugga ku lifaaqan. Abwaan Abees inta qof ee ku xeeran ee markasta uu soo qaadanayaa waa xubno taageerayaasha ama kaba tirsan xisbiga Waddani, haddana wuxuu meel badan ku sheegayaa inuu dhexdhexaad yahay, taasina waxba kama jiraan. Arkimeysid isaga oo dad dhexdhexaad ah tusaale u soo qaadanaya.

Dhammaad………………