Gorfeynta buugga 100 tallaabo hore u qaad (WQ: Cabdinaasir Axmed Ibraahim)

Buuggan oo uu qoray aqoon-yahan Maxamed Cali Bile, magaciisuna yahay “100 tallaabo hore u qaad,” ayaan jeclaystay inaan intii RABBI iga waafajiyo ka tilmaamo guud ahaan wanaagga iyo dhalliilaha iiga muuqda labadaba. Buug yarehanni waa buug noociisu ku cusub yahay guud ahaan dalka, waa buug dhiiri-galinneed aad iyo aad u soo jiidasho badan, muuqaalka jaldiga iyo magaca buugga marka aad isha ku dhufato, waxa aad dareemaysaa in awood qarsooni kuu jiidayso gudaha buugga.Haddaad gudaha buugga gasho tallaabooyin wax ku ool ah ayuu qoruhu buugga ku soo ururiyay. Waxa aan filayaa in dad badan ka faa’iidaysteen, waana tallaabooyin qofkii sidooda u raaca noloshiisa wax badan ka beddelaya.

Shakhsiyadda qoraa Maxamed Cali Bile

Inkastoo aqoon-qofeed aanan u lahayn, waxa aan asaxaab ka nahay bar kulanka (facebook) inta badan waxa aan arkaa wacyi galin iyo waanooyin wax ku ool ah isagoo la wadaagaya dhallinyarta.Waxaa qoraalkiisa iiga baxay laba shay oo kala ah 1. inuu yahay qof xidhiidhka ku wanaagsan oo dad badan ku xidhan 2. Inuu yahay qof hurumarka jecel isla-markaa da’yarta hurumarkooda jecel. Xaasha, lagama yaabo inaan asaraar galiyo, Inuu waayo arag aqoon yahan ah yahay oo meelo badanna ka soo shaqeeyay.
Gefefka buuggan ku jira: Dhowr jaad gef qoraal ayaa ku jira buugga waxay se u badan yihiin qaar dhinaca higgaadda ah, haba ugu badnaato xarfaha labinlaabma’e. way jiraan gefef kale oo dhinaca Naxwaha ah,hasa yeeshee, sidaa uma sii badna. Buuggan haddaad haysato lambarka khaladka aan tilmaamay, bogga,tallaabada iyo meeriska si toos ah haddaad u tagto waxaa kuu muuqanaya gefka aan tilmaamay.

FG. Maxamed Cali Bile oo kaliya si gaar ah uma bartilmaameedsan, qoraalkaygu waa u dhex qofkasta oo wax qora, buuggan kii iiga horreeyayna wuxuu ahaa ‘Hagar laawe,’ sidoo kale xafiiska af-hayeenka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland 28 warqadood oo gef qoraalkooda aan ku tilmaamayo ayaan qoray, meelaha kale ee aan gef qoraalkooda wax ka sheegay waxaa ka mid ah; Telesom, Dahabshiil, Somcable iyo meelo kale oo badan. Ujeedada ugu weyn ee aan ka leeyahayna waa in dadku xil iska saaraan qoraalka Soomaliga sida ay qoraallada afafka kale’ba xilka iskaga saarayaan.

1. Casharro aan lagu baran jaamacadda; jaldiga buugga ayuu qoruhu ku qoray, waxaa’se iga la habboonnayd inuu ka dhigo “Casharro aan lagu baran jaamacaddaha,” sababtuna waxa weeyaan dadka uu qoruhu buuggan ugu talo galay waa dad jaamacado kala geddisan ka soo baxay, wuxuuna qoraalka Maxamed Cali Bile u muuqdaa in uu tilmaamayo jaamacad la isla yaqaan.
2. Buuggani ma leh tusmo: Buugta la qoro tusmadu waa u laf-dhabar waana fallaadhaha haga akhristaha una fududeeya in uu si sahlan u tago akhristuhu qodobka uu jeclaysto.
3. Buuggani ma leh xigasho: Qoruhu waxa xigasho ah oo uu buuggiisa ku bixiyay ma jirto, haba-yaraatee, taa macneheeduna waa in qoruhu hal erayna ha ahaadee aanu meel kale ka helin, xataa buug uu akhriyay. Haddii dhammaan tallaabooyinkan uu qoruhu buugga ku soo ururiyay ay yihiin waayo aragnimo uu isagu soo tijaabiyay, taa lafteeda ma caddayn!
4. Buuggani ma leh mahadnaq: Hal qofna ha ahaadee qoruhu cidna kuma mahaddin buuggan, waxaanay marag u noqonaysaa in aanu cidna ka talo galin buugga.
5. Buuggani wuxuu ku bilaabayaa bogga 2aad : boggii 1aad mooyi meel uu maray.
6. Iminka: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 10 aad
7. Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 12 aad
8. Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 13 aad
9. Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 14 aad
10. Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 15 aad
11. Cusubyihiin: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 7 aad
12. Wareysta: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 14 aad
13. kaMaqnow:Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 2aad
14. isbitaalada: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 6aad
15. xanuunsanaya: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 11aad
16. inad: Tallaabada 2aad bogga 6aad meeriska 2aad
17. maqantihiin: Tallaabada 3aad bogga 7aad meeriska 19aad
18. Qumanaan: Tallaabada 4aad bogga 8aad meeriska 10aad
19. Ixtiraamaan; Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 14aad
20. Duwantihiin: Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 15aad
21. Guracan: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 7aad
22. Badanyahay: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 8aad
23. Adagtahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 3aad
24. Falantahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 9aad
25. Illaahayna: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 20aad
26. Awoowadaa: Tallaabada 8aad bogga 12aad meeriska 14aad
27. Aabahaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 3aad
28. Walaaladaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 4aad
29. Adeerada: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 15aad
30. Arin: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 9aad
31. Arinkuba: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 16aad
32. Wadareed: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 2aad
33. Qumantahay: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 13aad
34. Arintaas: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 4aad
35. Haboon: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 9aad
36. Hadaladaada: Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 13aad
37. Degantahay: Tallaabada 13aad bogga 18aad meeriska 7aad
38. Xoogagaasi: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 3aad
39. Xoreeyey: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 16aad
40. Hadalada: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 11aad
41. Niyadjabinaya: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 15aad
42. Doqonimadu: Tallaabada 17aad bogga 22aad meeriska 2aad
43. Awoodaadii: Tallaabada 19aad bogga 24aad meeriska 9aad
44. Bedeli: Tallaabada 20aad bogga 25aad meeriska 2aad
45. Arimahan: Tallaabada 25aad bogga 31aad meeriska 9aad
46. Bedesho: Tallaabada 27aad bogga 33aad meeriska 4aad
47. Haboon: Tallaabada 28aad bogga 34aad meeriska 1aad
48. Arkaainuuwanaagsanyahay: Tallaabada 29aad bogga 35aad meeriska 4aad
49. Labisto: Tallaabada 29aad bogga 4aad meeriska 2aad
50. Kartidaadadadladalkaiyohadalka: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 2aad
51. Aftahanimo: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 5aad
52. Wajigaagaiyoindhahaaga: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 6aad
53. Dhameeyo: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 12aad
54. Talaabada: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 2aad
55. Dhamayso: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 4aad
56. ingiriisiga: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 1aad
57. yaqaanaan: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 12aad
58. Aduunku: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 13aad
59. Joornaalo: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 8aad
60. Xirfadaada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 12aad
61. Cinwaanada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 16aad
62. Amaaradeysto: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 3aad
63. Fariimo: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 14aad
64. Qoraaladaada: Tallaabada 45aad bogga 53aad meeriska 11aad
65. Tababarada: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 2aad
66. Shirarka: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 1aad
67. Siminaarada: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska 8aad
68. Kumanaan: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska11aad
69. Badani: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 12aad
70. Hab nololeedkooda: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 14aad
71. Nolosho: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 1aad
72. Isbedel: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 12aad
73. Sahlanaanaysa: Tallaabada 53aad bogga 62aad meeriska 7aad

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham