Gorgortanka Keli-taliyaha (WQ: Imaam Cabdiraxmaan Cismaan)

In aad la gorgortanto keli-taliye waxay u baahan tahay xeelad aad u saraysa. Horrayso waa in aad maanka ku hayso marka qudha ee keli-taliye aqbalo ergo dhexdhexaadin gasha waa marka qudha ee uu dareemo in awooddiisii maamul ay wiiqantay.

Keli-taliyaha dabcigiisa ayaa ah inuu had iyo jeer ka baxo qodobbada lagu heshiiyay si uu u gaadho hadaf isaga u qarsoon. Waa sababta Muuse Biixi uga baxay heshiiskii asxaabta u dhaxeeyay ee sida badheedhka ah uu u keenay Cabdirashiid Riyo-raac.

Heshiiska wuxuu keli-taliyuhu u yaqaannaa daciifnimo mana aqbalo inuu u hoggaansamo. Ergada uu soo diray maanta ee ay hoggaaminayaan madasha wada-tashiga iyo kooxaha kale ee diran waxaa ka danbaysa isagoo dareemay in isku soo baxyada iyo mudaharaadadu ay khatar gelin karaan awooddiisa.

Madasha wada-tashigu waa hangool u adeegga Muuse Biixi. Hadalkii caddaa ee Xasan Guure wuxuu kalsooni siinayay Cirro si uu berri ugu qabsoomo halka Maxamed Xaashi ka badheedhay jacaylka uu u qabo Biixi oo ay isku adeegtaan. Qofka yaqaan sida calancastu u shaqayso ayaa arki kara.

Aqbalaada Cirro ee ergada waxaa loo macnayn karaa laba; in ay niyad-wanaag ka tahay iyo inuu dareemayo nugayl aanu ku sii waddi karin halganka shacab ee lagu raadinayo in lagu badbaadiyo xoriyada dadka. Cirro ma hoggaamin karo halgan ummadeed oo wax lagu saxayo laguna baadi-goobayo barwaaqo iyo hodantinnimo lagu badhaadho.

Keli-talisku waa daciif oo uma awood badna sida dadku moodayaan. Keli-taliyayaashii Carabta waxaa lagu riday wax ka yar toddobaad.

Krishnalal Shridharani wuxuu yidhi “keli-taliyuhu wuxuu haystaa awoodda uu innagu cabudhin karo inta ay innaga maqan tahay awoodda aynu isaga caabin karno.”

Muuse Biixi na wuxuu innala meeraysan karaa inta aynu isku maqannahay ee aynu reer reer u kala fadhino.

Meel dheer ayaan ka eegayaa oo u dhow in sannadka 2022 ay midoobi doonaan shacbigu oo meel la iska saari doonno nidaamka fashilmay ee asxaabta badan.

 

Inta ka horraysa!