Guud marka Khudbada madaxwaynaha Somaliland ee shirka Djibouti (WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

khudbadu  waxay ahayd mid miisaaman si fiicanna loosoo diyaariyay. Saddex tiir oo culus ayuu u cuskaday dooda gooni isku taaga Somaliland. Arinta sharciga iyo in jiritaanka Somaliland ka horeeyay midowgii labada wadan, isla markaasna dib ula soo noqoshada dowladnimadu ay ku salaysan tahay dal jiritaan sharci lahaa. Arinka ah in midowgii fashilmay xadgudubkii dowladii somaliya dargeed; iyo xaqa aaya ka tashiga ee bulshoyinka.

 

Dadka Somaliland bilowgiiba may ku qancin midowga taasna waxay ku muujiyeen sidii ay u diideen aftidii dastuurka.

 

Dadka Somaliland oo si way ugu khasaaray midowgii laga soo bilaabo bilowgiiba.

 

Somaliland oo kala kulantay dowladii Somalia xasuuq iyo dabar-goyn wali si wayn u muuqato raadkiisii.

 

Dowladnimada Somaliland kuma salaysna oo keliya cabasho iyo dulmi ay tirsanayaan; laakiin waxay ku salaysan tahay sharci, taariikh, dhul, dhaqan iyo rabitaanka dadka iyo xaqa aaya ka tashiga.

 

Raali gelintii waanu aqabalay laakin erey-yada oo keli ahi kuma filna. waxaa dhamaystiraaya in aad aqoonsataan jiritaan Somaaliland oo aynu nabad iyo walaaltinimo ku wada noolaayo.

 

Somaliland waxay dalbanaysaa dhexdhexaadin dhab ah iyo cid damaanad qaada in wixii lagu heshiiyo ay Somalia fulin doonto oo aanay dafiri doonin sidii ay heshiisyadii hore u burisay.

 

Sifiican ayuu usoo dhigay garnaqsigiisa waxaanay tilmamaysaa in Somaliland ay dhab ka hadal taagan tahay ee aynu madadaalis u jeedin.

 

kala quusanaye qoomamo la’aada