Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Khudbad Garnaqsi Ah Ka Jeediyey Shirka Waddamada Geeska Afrika Uga Qabsoomay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maanta gaadhay Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Kulan Afar Geesood ahaa oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Jabuuti isla mar ahaantaana ay goob joogayaal ka ahaayeen Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo garnacsi ah, ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladnimadeeda, waxaana uu si cad u qeexay Dimuqraaddiyadda buuxda iyo Hannaanka Dawladdnimo ee daahfuran ee ay ku caano maashay Somaliland, Nabada iyo Xasiloonida ay ku naaloonayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dib lasoo noqoshada gobanimadii hallowday Lixdankii oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay kana sheegay shirka ay maanta isugu yimaadeen madaxda dalalka Geeska Afrika iyo wufuudda kale ee dunida kale ka socotay in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu muddo sannado ah usoo dhabar adaygayay in mar uun ay beesha caalamka iyo afrikaba ay garawsadaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland in badana ay u dhegtaagaysay inay maqasho waxa ay shacbiga Somaliland ka mudan yihiin addunida kale, xaqana ay u leedihiin oo ah aqoon si buuxa, muddo badanna ay sugaysay madal sidan oo kale u furan ay garteeda iyo xuquuqdeeda ku sheegato.

Ugu dambayntii madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxa ay xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti si wada jir ah uga beereen geed loogu magac daray geedka Nabadda Geeska Afrika.