Guulaha shanta ah ee ay Qaramada Midoobay u dabaal-degayso maxaad ka og tahay (W.Q: Maxamed Ibraahim Saleebaan)

Waa maqaal si kooban uga waramaya dabaal-degii Qaramada Midoobay ee todobaadkii 24-kii bisha Oktoobar, 2015 kaas oo aan jeclaystay in akhristayaashu ay ila wadaagaan.

Cahdigii Qaramada Midoobay waxa uu u si too ah u shaqeeyay 24 Oktoobar 1945-kii, ilaa 1948-kiina waxa maalintaa hanaqaadkiisu bilaabmay loo tixgelin jiray maalintii taabo-galka cahdigii Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

Haddaba, toddabaadkii ugu dambeeyey bisha Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay ayaa la xusay oo ay ku beegnayd maalintaa taariikhda ururka ugu weyn adduunka ee Qaramada Midoobay(United Nations). Waxyaabaha dhextaalka u ahaa xafladaa la soo bandhigay ee ay ku faanaysay UN-tu waxa ka mid ahaa, Horumarinta Dimuqraadiyadda, la-dagaalanka saboolnimada iyo gaajada, kor-u-qaadida nabad-gelyada adduunka iyo arrimo kale oo muhiima laakiin u baahan in wax la iska weydiiyo.

Qaramada Midoobay waxa ay soo bandhigtay shan arrimood oo ay ku sheegtay in ay udub-dhexaad u yihiin wax-qabadkeeda ay adduunyaddu u wakiilatay marka loo eego toddobaatankaa sannadood ee ay jirtay. Waxa ka mid ahaa guulahaa ay sheeganayso:

  1. In ay daryeel iyo ilaalin joogta ah ku samaysay Meelaha Aasaarta taariikhiga( World Heritage Sites) ee u diiwaan gashan Hay’adda UNESCO oo ah  ta u qaabilsan arrimaha Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka. Meelaha ay lacagta ugu badan ku bixiyaan ilaalintooda waxa ka mid ah, Ahraamta Giza iyo Sphnix (Giza Pyramids waxa ay ku yaalaan dalka Masar, waana buuraha u samaysan qaabka saddex xagalka “Triangle”. Sphnix waa muuqaalka leh wejiga qofka oo kale ee sida libaaxana u fadhiya, madaxana ku xidha cumaamada yar ee ay faraaciyiintu caanka ku ahaayeen ee imikana ay xidhaan ciidanka baanbooyda Masar mararka qaar) Kuwaas oo ay 1995-kii ay u sameeyeen dhawr waddo oo loo arkay in ay muhiim u yihiin dhismaha Ahraamta.
  2. Dabargoynta xannuunka ay Soomalidu u taqaan Furuqa( Smallpox): Hay’adda u qaabilsan caafimaadka adduunka ee loo yaqaan Ururka Caafimaadka Adduunka (World Health Organization) taas oo hoggaamisa dhamaan dadaalada lagu la dagaalamayo cuddurada adduunka dabargoyntooda, waxa ay ku dhawaaqday 1980-kii, ka dib saddex iyo toban sanno oo ay ololaha talaalka cidhibtirka cudurkan Furuqa ay waday, in ay ka tirtirtay adduunka cuddurkaasi.
  3. Ilaalinta lakabka difaaca falaadhaha halista ah ee kulaylka cadceeda (Ozone Layer) Taariikhdu markii ay ahayd 1987-kii, Qaramada Midoobay waxa ay bilowday barnaamij aad muhiim u ahaa oo deegaanka ilaalintiisa ku saabsanaa. Barnaamijkaa waxa ka qayb galay 24 dawladdood oo ah kuwa xagga warshadaha ugu horeeya isla markaana balan qaaday in ay ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo deegaanka dhaawacaysa ama baabi’inaysa. Shan sanno oo dood iyo falaqeyn dheer ah ka dib, waxa la soo saaray heshiiskii la odhan jiray Montreal Protocol kaas oo ku saabsanaa in la yareeyo qiiqa hawada lagu sii-deynayo( Emission reduction) sida chlorofluorocarbons(CFS), suntani waxa ay dhaawacaysaa lakabka hawada ee falaadhahah khatarta ee ah ee cadceeda ka qabta dhulka. Sidaa daraadeed, Qaramada Midoobay waxa ay ku doodaysaa in ay wax weyn ka qabatay arrintan.
  4. Waxa kale oo lagu soo daray guulahaa, Sanduuqa u qaabilsan Qaramada Midoobay ilaalinta xuquuqda carruurta( UNICEF) oo badbaadiyay 90 Million oo carruur ah ilaa iyo 1990-kii ku na guulaysatay abaal marinta Noble Peace Prize wax ka yar laba sanno markii la aasaasay hay’addaa UNICEF.
  5. Ka hor-taga faafinta hubka culus ayaa ka mid ahaa guulaha ay suntatayQaramada Midoobay. Waxa jiray mashruuc ay soo diyaarisay hay’addani oo ku saabsanaa in laga hortago faafida hubka Nukliyeerka (Nuclear proliferation) iyada oo mashruucaana hor dhigtay waddamada shanta ah ee golaha ammaanka ku jira 1968-kii, iyada oo guddi loo saaray loogu magac daray, guddida hub-ka-dhigista (Disarmament Committee) waxaanay ka kooban tahay guddidaasi, Britain, USA and Russia awoodna loo siiyay in ay arintaa ka hawl galaan oo waddankii u baahan in uu samaysto ama kuwa aan samaysan loo balanqaado in la siinayo, kaafala-qaadid difaac nabadgelyada waddanka (Defence Assurance).Waa guulaha ay Qaramada Midoobay taariikhiga ku tilmaantay.

Haddaba akhriste, la soco qaybaha danbe ee qoraalka oo aynu ku soo qaadan doono, hawlaha Qaramada Midoobay ay duniddu u qaabilsan tahay oo aynu ka eegi doono laba dhinac oo kala ah, Siyaasadda iyo Nabad-gelyada, iyada oo aan la soo wada qaadi karin, haddana waxa aynu isku dayi doonaa in aynu si kooban u dul istaagno.

Hoos ka akhriso maqaalkii hore ee Maxamed Ibraahim Saleebaan qoray.

Maxaa sababay in ruushku siyaasad ahaan iyo millateri ahaanba difaaco Suuriya?

Maxamed Ibraahim Saleebaan

Hargeysa, Somaliland

Pro_Maxamed@hotmail.com