Guurka haweenka badan (W.Q. Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Alle (SW) ayaa baneeyay in raggu guursan karaan hal gabadh, laba, saddex iyo tu afraadba. Haa aayad ku jirta Qur’aankeena kariimka ah ee Alle (SW) samada inooga soo dajiyay ayaa cadeynaysa (Suratu Nisaa) oo cidi kama horjoogto laakiin shuruudo ayay wax kastaa leeyihiin iyo heer aad ku gaadhi kartid.

Noloshu sideedaba way caqabado iyo turaxaamo badan tahay qofkuna si uu ula tacaalo waxa loo baahan yahay in uu yeesho dhabar-adayg iyo sabir, gaadhana go’aamo uu ka fiirsaday aadna usoo lafo guray ileen watii Soomaalidu waa hore ka maahmaahday oo tidhi:

“Taladaan la Ruugin Waa lagu Rafaadaa”

Waa murti micnaheeda xambaarsan.

Marka aynu waaqica waddanka ka jira ka hadalno noloshu sidii hore maaha, dadku dadkii hore maaha, magaalooyinkuna kuwii hore maaha. Waxyaabo badan ayaa isbadelay oo noloshii way sii adkaanaysaa maalinba maalinta ka danbeysa, oo dadkeenii reer guuraaga iyo beeralayda ahaa 50 sano ka hor ee isku filnaa 10% ayaa miyigii kusii hadhay, bandarkiibaa loo soo wada hayaamay si loo raadsado nolol tii lagu noola dhaanta.

Waxa dadka hamigoodii koowaad noqday sidii ubadka loogu barbaarin lahaa xayndaabka waxbarasho, kolba ishii soo koradhaba cidbaa ka faa’iidaysanaysee bulshada qaybo badan oo ka mida waxay isku hawleen sidii ay bulshada usiin lahaayeen goobo waxbarasho iyo agab tayo leh taasna waxa kuu goynaysa lacag badan oo aad u hurto.

Waxa soo kordhay iyaguna adeegyadii caafimaadka oo waxyaabaha aasaasiga nolosha u ah ka mid ah oo iyagana aynu la socono heerka ay taagan yihiin kharashaadkoodu. Intaa waxa dheer noloshii kale ee maalinlaha ahayd iyo sidii loo heli lahaa deegaan nololi ka suurtawdo oo cunto iyo cabitaan iyo hoyba leh.

Isku soo wada duubo waxaan uga gon leeyahay iyadoo xaaladu halkaa marayso ayaa waxa jira rag badan oo guursada laba iyo saddex iyo afarba hadday doonaane iyagoon ka fakarin horta xaaskii hore iyo carruurtii hore ee Alle ku siiyay xuquuqdoodii ma dhamays tirtay nololshii ay ahayd inay ku noolaadan maku nool yihiin waxbarasho iyo hoy intii aad u heli karaysay si hagar la’aana ma ugu hurtay, ma tahay mid kala qayb qaata qoyskiisa kana xaal waraysta waxa uu ugu soo dhamaadey waayihii malintaa.

Markii aad kasoo hoyatid goobtaada shaqo carruurtaada ma ka caawisaa oo mala eegtaa duruusta loo soo dhigay oo maka waraysataa dhacdooyinkii ay kala soo kulmeen dugsiyadii iyo goobaha waxbarasho ee ay wakhtiga ku soo qaateen, ma tahay saaxiibka dhabta ah ee ay haystaan ubadkaagu ileen marka aad wakhti ku filan u heshid iyaga ayaad kuwo kalena ku hamiyi kartaaye.

Mise sida boqor geeso leh ayaa guriga markaad imanaysid isku soo qaad-qaadaa oo wajiga giir ka kicisaa, gafuurkana dhankaa utaagtaa, markaasa guriga waxa noole jooga bisadana dhahoo midba meesha u dhaw ee uu iskaga kaa qarin karo ayuu madaxa la gaadhaa, cunto diyaar ah oo aan saxar lahayn oo miis kaligeed qotontana waad dul tagtaa, hadday wax khaldamaana saxanka yar ee aan waxba galabsan baad gidaarka ku nacala qaashtaa, haddii ilmaha ugu yar guriga oohintiisu dhagahaaga soo ku soo dhacdana cadho iyo canaan aan kala joogsi lahayn u bilawda, is daji haddaanad ahayn adigu waa xaalada ay ku sugan yihiin qoysas badan oo gayigeena ku dhaqan.

Noloshu intaa wey ka balaadhan tahay waxa loo baahan yahay in aad xaaskaaga iyo ubadkaagaba dhadhansiiso nolol farxad leh intii awoodaada ah, wakhtiyada aad fasaxyada ku jirtana aad isku daydo inaad guriga dibrdda uga saarto oo bulshada wakhti farxad leh aad la soo qaadato.

Marka aad masuuliyadaada si fiican uga soo baxdid waxa aad awood u leedahay in aad guursatid xaaskale, Rasuukeeni suubanaa (NNKH) waxa uu inagu dhiiri galiyay inaynu tarano, guurkana dhiiri galino. Taasi maaha khasab ee waxay ku xidhan tahay hadba halkay awoodu taagan tahay.

Waxa kale oo jira in mararka qaar ay dhacdo in ninku u kala eexdo haweenka uu qabo oo laga yaabo in mid ka mida ka jecel yahay kuwa kale daryeelka, dhaqaalaha iyo wax-qabadkiisoo dhana dhankaa u badiyo, halkaa waxa ka dhasha dhibaatooyin badan oo sababa in ay ubadkaa walaalaha ah hadhaw cadaawad xoogleh ka dhalato heer ay gaadhaan inay qudha iska jaraanba.

Ugu danbeyn waxaan ku soo gabagabayn lahaa in xoog loo daraaseeyo sunihii Rasuulkeeni suubanaa Maxamed (NNKH) iyo hab dhaqankiisii dhinaca qoyska, waa in aad loogu fiirsada xuquuqda labada qof ee is nolosha wadaagayaa midba midka kale ku leeyahay, si aynu uga hortagno dhibaatooyin badan oo bulshadeena alaaba soo wajahda.

Halkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

W.Q. Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com