Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybtii 4aad (W.Q. Xasan Ciise Raage)

Masar

Masar waa dal can ah oo ku yaal waqooyiga Afrika iyo Bariga dhexe labadaba. Waxa uu sidoo kale ku yaallaa labada qaaradood ee Aduunka ugu guunsan, waa Aasiya iyo Afrika, walow uu dhulka Masar intiisa badan ku yaalo Qaaradda Madow.

Waa dal ilbaxnimo fac weyn leh wakhtiyo badanna hormuud u aha adduunka. Haddii aan si kooban u guud maro waxaa soo maray oo ka soo taliyey dawlado ay ka mid ahaayeen Faraacintii oo waqti dheer soo xukumay, Giriika, Roomaanka, Beershiyaanka iyo ugu danbeyntii Muslimiinta oo dawlado kala duwan soo xukumeen.

Waxaanu ka mid noqday gobolladii dawladdii Islaamka ee uu Cumar binu Khadaab (RC) xukumaayey qiyaastii sannadkii 16H ama 632CD. Haddana waxaa xukumay Umawiyiintii,Cabaasiyiintii,Doolooyintii, Faatumiyiintii, Zankiyiintii,Ayuubiyiintii, Mamaaliiktii, Cusmaaniyiintii ugu danbeyn waxaa madax banaani ka qaatey tan u danbaysa nin la odhan jirey Maxamed Cali Baasha oo Masarta aan maanta naqaano dhisay badhtamihii qarnigii 18aad wallow Boqortooyadii Ingriisku ay xukuntay Masar waqtiyadii u dhaxeyay 1889 ilaa 1922 kii inkasata oo xukunkaasi jiray hadana waxaa jiray dawlada boqortooyo ah iyo badanaa axsaab tartanta oo doorashao ku kala baxda oo kan ugu kuraas bata Baarlamaanka uu soo dhisi jiray Ra’iisal wasaare iyo xukuumad.

Waana dalka ugu dadka badan wadama Carabta oo dadiisa waxaa lagu qiyaasaa boqol milyan qaarada Afrikana waxa uu ka yahay dalka labaad ee ugu dad badan waxaan ka horeeya dalka Nayjeeriya oo kaliya,waxaanu saameyn weyn ku leeyahay Bariga dhaxe iyo dunida Carabtaba.

Si aan u fahamno dhib ka jira maanta wadankaas Masar iyo Kacdoonka waxa sababay waxaan dib ugu noqonaynaa sanadkii 1952kii gaar ahaan bishii Juulay 23dii, markaas oo ciidanka Masar afganbi milatari kula wareegay xukunkii boqortooyada, boqorkii ugu danbeeyeyna ay masaafuriyeen kaasi oo la dhan jiray Boqor Faaruuq.

Waqtigaa uu dhacaayey afganbiga ciidanku waxaa ugu waaweynaa axsaabta iyo ururada siyaasad xisbi ilaa hada jira oo la odhan jiray Wafdi, mid kale oo la odhan jiray Wadani iyo ururka Akhwaanul Muslimiinka oo 1928kii la aas-aasay laakiin 1949kii ayaa la dilay hogaamiyihii ururkaas oo la odhan jiray Sheekh Xasan ALbana,inkasat oo anay xukuumada markaa inqilaabku dhacay ku jirin hadana waxa ay matalayeen mucaaradka ugu balaadhan wadanka.

Kooxda ciidanka ee afganbiga horkacaysey waxaa la odhan jiray saraakiisha xor ah ( Dubaad Al Axraar) waxen madax u ahaa Kornayl waqtigaa da’ yaraa oo la odhan jiray Jamaal Cabdinaasir, inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin in Jamaal xubin Akhwaanka ka ahaa hadana waxaa uu aad saaxiib dhaw ula ahaa madaxda ururkaas iyo saraakiil milatariga ku jiray oo ka mid ahaa ururkaas.

Markii hadaba uu soo dhawadey in ay afganbiga sameeyaan ayaa waxa ay iska dhaadhiciyeen in saraakiishii waaweyneyd aanu nina kaga jirin urukan saraakiishu sameysteen waxaana la isku qanciyey raga sar saree e Qasriga boqotooyadana ka fog in lagu soo daro ururkaas saraakiisha ee Dubaad Al axraar, waxaana arinkaas loo bandhigay Janaraal Maxamed Najiib oo rug cadaayada ciidanka ka mid ahaa nin aad daacad u ahan aka mid ahaa waanu la qaatey fikradaas, sida uu ku sheegayo xusuus qorkiisa la yidhaahdo “waxen madaxweyne u ahaa Masar” ( kuntu Ra’iisal Li-Misra).

Janaraal Najiib waxa kale oo u sheegay waxen aad uga niyad jabsanayn ayuu yidhi markii dagaalkii Israa’iil aan la galnay 1948kii ay na jabiyeen jabku kama iman buu yidhi Yuhuuda oo nu xoog sheegatey ee waxa u ka yimid ciidanka Masar ayaa lagu cameeyey hub khaayisay ama waqtigiisii dhacey kaasi oo ragoodii uun laayey taasi waxaa masuul ka ahaa buu leeyahay Janaraalku boqrtooyada oo doonaysay rag gaar ahi in ay dhamaadaan iyo xukumadii markaa jirtay oo musuqmaasuq diloodey,markii ay saraakiisha yar yari ii soo bandhgeen fikrada ururkan ay sameyteen iyo in wadanka wax loo qabto aad ayaan u soo dhaweeyey waanan ka aqbalay ayuu yidhi Janaraalku, waliba waxaa loogu darey madaama  uu yahay ninka ugu darajo iyo da’ weyn in uu ururkaas hogaamiyo.

Waxaan soo jeediyey ayuu yidhi Janaraal Najiib markii aan guntii ogaaday in sax ay tahay in ay dhibka jira badalaan afganbiguna noqdo waxa ugu danbeeya ee ay adeegsadaan, marka aan guulaysanana waa in aan dawlad Rayid ah xukunka ku wareejinaa ciidankuna xeryahooga ku noqdaan waana la iga aqbalay buu yidhi. Markaa intii aan afganbiga lagu kicin waxaa jiray Naadi la odhan jiray Naadiga saraakiisha waxen dhawrkii sanaba loo dooran jiray nin ka mid saraakiisha ciidanka waxaana maalmahas soo dhawaa doorashada Naadiga dhinac qasriga wax aka sharaxnaa nin Janaraal ah oo la is lahaa ciidanka wuu xakamayn karaa qoladan la baxdey saraakiisha xorta ahna waxa ay soo sharaxdeen janaraal Maxamed Najiib waxaana guuleystey janaraal Najiib arinkaas oo aanay boqortooyada iyo axsaabtuba soo dahweyn kana walwaleen.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Xasan Ciise Raage:

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybtii 3aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybtii 2aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybtii 1aad

Gabadh quruxdeeda darteed ku seegtay in ay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Tahraan!

Islaan caqli badan

raagesom@gmail.com