Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkigu waa laba mid uun. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Wasiirkii arrimaha dibadda ee Turkigu wuxuu sheegay in la soo dedejiyey kulankii dhexmari lahaa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ballansanaa bisha soo socta labadeeda. Wasiirku wuxuu ka soo noqday booqasho afar cisho uu Itoobiya kala hadlayey in la isu soo jiido Soomaaliya oo meesha looga saaro heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Soomaalilaan iyo Itoobiya. Wasiirku wuxuu si cad u sheegay inay Itoobiya badd hesho, iyada oo Soomaaliya qaranimadeeda la ilaalinayo. Dhinaca Itoobiya wax war ah weli lagama hayo.
= Caadi ahaan haddii aad aragto ballan wakhtigeeda laga soo hormariyo, waxbaa is-beddelay. Waa laba mid uun inuu is-beddelka ku yimid jedwalkii wadahadalka. 1. In Soomaaliya dhinaceeda wax iska beddeleen oo ay kulankan deg deg ah codsatay. 2. Iyo inay dhinaca Itoobiya wax iska beddeleen oo kulankan ay codsatay. Waa se la dhawri wixii la soo kariyey.