Maayarrada Hargaysa iyo Ceerigaabo ha isu dhiibaan Xisbiga Kulmiye. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Afar jug oo weyn ayuu Xisbiga Kulmiye ee xukunka hayaa ku dhuftay xisbiga uu loollaanka weyn ka dhexeeyo ee Waddani. Xisbiga Waddani oo ku naaloonaya inay gacanta ku hayaan Maayarrada magalooyinka waaweyn marka Berbera iyo Gabiley laga reebo, ayuu jab weyni soo gaadhay.
= Waxa farahooda ka baxay Maayarrada magaalooyinka Caynabo, Burco, Oodweyne iyo Boorama. Waxa la yidhi ” meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido”. Boorama ayaa maanta farahooda ka baxday. Waxa hadhay Hargaysa iyo Ceerigaabo. Waxa jirtay in wakhtigii xukuumaddii Cigaal uu wasiirradii SNM ka soo hadhay ninkii ugu dambeeyey ee xil ka haya xukuumaddii Cigaal. Markaasay SNM-tii kale ku odhan jirtay raggii maadigaa ka hadhay.