SNM Nin Keligii Taliye ah Ayay Soomaali oo dhan ka Xorraysay. W/Q; Cali Cabdi Coomay

= Fahamka ay dad badani ka haystaan ururkii SNM ee xaq-u-dirirka ahaa ayaa khaldan. Waxa aanay faham darradaasi ka muuqatay hadalkii musharrax Cirro uu SNM ka sheegay. SNM reero lamay dagaalayn, waxa ay se dalkii Soomaaliya la odhan jiray ka saartay nin yidhi kursiga xoog ayaan ku qabsaday, anigana xoog ayaa la igaga qaadi karaa. Muddo 10 sanno ah ayey dagaal hubeysan kula jirtay keligii taliye cid kasta xabbad kala horyimid. 1981—–1991.
= Reer Awdal Maxamed Siyaad xil wasiir A ah muu siin. Sidaasi darteed haddii aanay SNM dalka ka xorrayn MSBarre, 8 sannadood madaxweyne kamay noqdeen iyo 23 sanno oo madaxweyne ku xigeen may yeesheen.
= Dhulbahante Sayidkii ilaa Siyaad basaasiin iyo askar may dhaafin. Haddii aanay SNM dalka xorrayn may yeesheen guddoomiye Baarlamaan 31 sannadood.
= Soomaaliya madaxweyneyaal kamay noqdeen, Cali Mahdi, Cabdi Qaasim, C/laahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo.