Heshiiska Dhexmaray Jamhuuriyada Somaliland iyo Itoobiya…..W/Q:(mubarik abdilahi daljir)

Heshiiska isfahamka ah ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya waa mid masiiri ah oo saamayn weyn ku yeelan kara mustaqbalka dalkeena iyo dadkiisa. Waa mid wax weyn ka beddeli doona xidhiidhka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee waddama gobolka, isbeddelna ku keeni doona isgarbinta quwadaha ku loolamaya Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Baabal Mandab. Weli si rasmi ah looma baahin nuxurka heshiiska oo dhammaystiran. Marka sadarrada dhexdooda la akhriyo, lana tixraaco waxyaabaha ay warbaahinta caalamku baahisay, faraq ayaa u dhexeeya sida ay heshiiskan uga hadleen Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

 

Saamaynta togan iyo ta taban ee heshiiskan ka dhalan karta midkee ayaa badan? Jawaabta su’aashani waxa ay ku xidhantahay jawaabaha laga bixiyo su’aalahan muhiimka ah:

 

1. Itoobiya ma saldhig ciidan badeed ayaa laga keerey mise saldhig ciidan iyo deked ganacsi oo wada socda? Marka laga duulo ereyada la adeegsaday ee warbaahinta la mariyey, heshiisku ma kiruu ka hadlayaa mise siin?

2. Haddii saldhig ciidan iyo deked ganacsi oo wada socda Itoobiya laga kireeyey, himiladii uu ku dhisnaa maalgashiga Dekedda Berbera ee ahaa inay u adeegto Itoobiya iyo waddama bariga iyo badhtamaha Africa ee aan badda lahayn muxuu xaalkiisu ku dambaynayaa? Miyaanu maalgashigii Dekedda Berbera dhaawac wayni gaadhaynin? Maxayse Dawladda Imaaraadka iyo Shirkaddeeda DP World ka aaaminsanyihiin arrintan?

3. Haddiiba saldhig ciidan badeed oo qudha Itoobiya laga kireeyey, dakhli intee leeg ayaa Somaliland kasoo galaya?

4. Marka la tixraaco wararka Dawladda Itoobiya baahisay ee heshiiska la xidhiidha, Dawladda Itoobiya miyey si rasmi ah u sheegtay inay Somaliland aqoonsan doonto? Haddiiba uu aqoonsigu jiro, ma arrin Itoobiya oo qudha ku kooban baa mise waa mid waddamo kale kula socdaan?

5. Haddiiba ay Dawladda Itoobiya Somaliland aqoonsato, marka heshiiskan lala akhriyo xidhiidhka aynu Taiwan la samaysanay iyo sida dalka Shiinuhu uga falceliyey, arrintani ma horseedi doontaa doontaa in Somaliland aqoonsi buuxa adduunka ka hesho oo kursiga Qaramada Midoobay ku fadhiisato mise xaalku sida Kosovo iyo Taiwan ayuu ku dambayn doonaa?

6. Haddii aqoonsi lagu heshiiyey, qooralka heshiiska la xidhiidha ee ay Dawladda Itoobiya baahisay, maxaa magaca Somaliland oo qudha loo adeegsaday? Maxaa Jamhuuriyadda Somaliland loo adeegsan waayey amma Dawladda Somaliland?

7. Heshiiskani ma horseedi doonaa in wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeyey burburaan? Haddii wada hadalladu burburaan yaa ku khasaaraya?

8. Haddii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu 2018-kii saxeexay heshiis dhigaya in Itoobiya afar (4) dekedood oo Soomaaliya ku yaalla maalgashato, maxay madaxda Soomaaliya ee hadda jooga iyo kuwii horeba uga qaliyeen heshiiskan Somaliland iyo Itoobiya dhexmaray?

9. Heshiishkani sidee buu wax uga beddeli doonaa loolanka Badda Cas/Gacanka Cadmeed/Baabal Mandab ee u dhexeeya quwadaha waawayn ee adduunka ee ay waddamada gobolkuna qaybta ka yihiin? Sidee ayey isula jaanqaadayaan heshiishka Itoobiya lala galayo iyo kan Maraykanka iyo Imaaraadka lala galayo?

10. Maxaa isku soo beegay ku biirista Itoobiya ee waddamada ku bahoobay uruka BRICS oo waddamada ku jira ay ugu tun weynyihiin Ruuska iyo Shiinuhu iyo heshiiskan?

11. Khatar intee leeg ayey Djibouti u aragtaa heshiiskan, haddii ay heshiiska ku jirto in Deked Ganacsi laga kireeyey Itoobiya? Maxaa saamayn amni iyo siyaasadeed ka dhalan kara?

12. Khatar intee leeg oo dhanka amniga qaranka iyo jiritaankeeda ah ayuu heshiiskani Somaliland ku yeelan karaa?

13. Wararka ay warbaahinta caalamku qortay ee la xidhiidha in Jamhuuriyadda Somaliland saami ka heli doonto Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ma runbaa oo heshiiska ayey ku jirtaa? Haddiiba uu jiro saamiga la sheegay, waa intee? Miyey heshiiska ku jiraan saamiyo kale oo ay Somaliland ka helayso ilaha muhiimka ah ee dhaqaale ee waddanka Itoobiya sida biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya iyo Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya?

 

Si ay dadka reer Somaliland ula socdaan xogahan muhiimka ah ee taabanaya masiirkooda, waxa aynu soo badhigi doonaa xaqiiqooyinka arrimahan la xidhiidha iyo lafagur cilmi ku dhisan. Ujeedada aynu arrintan ka leenahay waa inaynu taageerno wixii wanaag ah ee heshiiskani inoo horseedi karo, ka diktoonaano khataraha ka dhalan kara heshiiskan iyo inaynu talo ku biirino cidda miiska wada xaajoodka qaran ahaan innagu metesha.

 

AFEEF: QORAALKANI WAXA UU KA TURJUMAYAA FEKERKAYGA SHAKHSIGA AH.

Qore:mubarik abdilahi daljir

Bandhige@gmail.com