Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo ma yahay mid soo af-jaraya siyasadii gobollada Bariga? (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Marka hore waxa aan halkan mahad balaadhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islaamnimada inagu galadaystay, kaas oo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Wakhti aad u badan ayaa waxa ay dhib aan dhammaad lahayni kasoo taagnayd gobollada Bariga ee Somaliland gaar ahaan qaybo ka mida gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhodle, goboladaasi oo ay adkaatay in marqudha la helo sidii nabad looga hirgalin lahaa.

Gobolladaasi waxa sida kubbada cagta isugu dhiib dhiibay koox siyaasiyiin ah oo aad moodo in ay u taba-baran yihiin sida kooxa kubbada cagta, kuwaasi oo is-reeb-reebkoodu yahay hirdanka siyaasadeed ee guddahooda ka dhaxeeya.

Kooxdani oo aan hoos magacyadooda kusoo gudbin doono, waxa ay tobankii sanno ee u danbeeyay si xawliya ugu jireen garoonka siyaasada ee gobolladaasi waxa aan si aan gabasho lahayn markasta uga soo hor jeedeen siyaasadaha Somaliland iyo Puntiland.

Magacyada siyaasiyiinta muuqda.

  1. Siyaasiga Koowaad

Taariikhdu markii ay ahayd 15-kii bishii tobnaad ee 2009-kii waxa guddoomiyaha SSC (Sool Sanaag iyo Cayn) loo magacaabay Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye taasoo hoolkii shirku ka socday lagu dhaariyay, Saleebaan waxa uu ahaa nin markaasi qurbaha ka yimi ay haysana hamuun siyaasadeed.

Xaglo’toosiye waxa uu ahaa nin dhallinyara ah oo ku dhiiran waxa uu doonaayo in uu sameeyo, kadib aasaaskii SSC Xaglo-toosiye iyo saaxibadii wax ay dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la galeen Somaliland iyo xataa Puntiland.

Muddo yar ka bacdi kooxdii SSC oo la qawaday qaabka ay wax u wadaan ayaa waxa la asaasay kooxdii Khaatumo, taasi oo sabab u noqotay in uu Xaglo’toosiye heshiis la galo Somaliland, kadibna waxa loo magacaabay wasaaradda dib-u-dejinta oo muddo jooga, kadibna waxa loo wareejiyey wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Xaglo-toosiye ilaa wakhtigan xaadirka ah waxba umuu soo kordhin siyaasad ahaan Somaliland, marka laga tago Cali Khaliif oo marka uu Buuhodle yimaado uu sidii shinbir geesaran ka eryi jiray mooyaane, waxa kale oo ku adkaatay in uu hanto deegaankisii Buuhoodle.

  1. Siyaasigii labaad

Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel) waa nin qurba joog ahaa in badan, waxa uu ahaa ninkii ku magacownaa Madaxwaynihii Khaatumo ee Cali Khaliif ka horeeyay, Indha-sheel waxa la odhan karaa waa laacibka kaliya ee malaha isku dayey in uu Khaatumo horumar gaadhsiiyo.

Inkastoo uu Indha’sheel ahaa nin aan dhinaca siyaasada wax badan ku firfircoonayn haddana waxa uu u muuqday nin dadaalaya oo la odhan karo waxa ka muuqday dacadnimo aan dhex oolin kooxda Khaatumo ee uu madaxda ka yahay.

Waxa uu ahaa nin balan qaad badan, waxa kale oo uu ahaa nin cabasho badan taas oo la odhan karo malaha xaq ayuu u lahaa sababta oo ah waxa uu arkayey in Khaatumo ay tahay dhago-Waraabe oo loo dhiibay, taasi waxa ay sababtay in markii danbe si sharafle uu Cali Khaliif ugu wareejiyo.

  1. Siyaasigii sadaxaad

Axmed Cabdi Xaabsade waxa lagu tilmaami karaa in uu ahaa Aabihii siyaasada ee gobolladaasi, Xaabsade waxa uu ahaa ninkii Somaliland u fudaydiyey in ay Laascanood ay soo gasho gacanta Somaliland.

Xaabsade waxa uu ku suntanaa nin Somalilandnimadu ay shaqo u tahay waxa uu ahaa marka dadka yaqaana ay ka sheekaynayaan nin dhaqaale aad u badan ka samaystay Somaliland guddaheeda.

Xaabsade waxa dadka yaqaana ay ku suureeyaan in uu yahay nin cadho badan isla markaana is-rog-rog badan oo ay adag tahay in uu mar qudha meel istaago, Xaabsade waxa lagu tilmaamaa in uu yahay nin ay siyaasada gobolladaasi ay u tahay gacansi iyo suuq uu ka baayac-mushtaro.

Xaabsade waa nin qalbi furan marka uu kuu sheekaynaayo, waa nin waxkasta oo uu jecel yahay in uu sameeyo aan qarsan, haddana iyada oo ay sidaasi tahay waxa lagu tilmaamaa in uu yahay nin muhani ah (faxal) oo dadka agtiisa jooga aanay gaajoon.

Xaabsade wali kama bixin kooxdan sida kubbada ugu cayaarta goboladaasi bariga, waxaana muuqata in uu imika raadinaayo kaadhkii u danbeeyay ee uu isleeyahay waa aad cayaari kartaa, taasi oo aan la garanayn halka uu ka bilaabi doono.

Inkastoo uu Xaabsade Somaliland kasoo qabtay jagooyin badan oo Wasiirnimo waxa uu wakhtigan xaadirka ah ku sugan yahay Maamul goboleedka Puntland oo la odhan karo waa meesha ugxantu u taala ee marka ay dacarta siyaasadu qabataba uu kasoo duulo, iyada oo magaalada Garoowe ay tahay saldhigiisa ugu wayn.

  1. Siyasiga afraad

Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii soo maray Khaatumo, waxa uu wakhti sii horeeyay uu ahaa Madaxwaynihii Khaatumo balse waxa uu xilka ku wareejiyay markii danbe Maxamed Jamac Yusuf (Indha’sheel).

Axmed Karaash 2-dii bishii koowaad ee 2014-kii ayaa wax uu si lama filaana uga hilaacay Maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo uu magaalada Garoowe kaga dhawaaqay in aanay jirin wax la yidhaa Khaatumo, dhulkaasina uu yahay dhul ka tirsan Puntland, kadibna waxa dawladdii Cabdiwali u magacawday wasiirka Arrimaha Guddaha ee Puntiland.

  1. Siyaasiga shannaad

Baashe Cali Jaamac oo laga yaabo in dadka badan kiisu aanay aqoon badan u lahayn, lana odhan karo kamuusan mid ahayn kooxihii dagaalada ka waday gobolladaasi, balse haddana waxa uu ahaa nin qurba-joog ah oo siyaasada Khaatumo ay si aad u wayn ay u madax marsan tahay.

Baashe Cali oo wakhtigan xaadirka ah wasiirka Biyaha ee Somaliland, waxa la odhan karaa waxa uu ka mid ahaa ragii sida aan gabashada lahayn uga soo horjeeday Somaliland iyo gooni-isu-taageedaba, taasi oo dad badan wakhtigaasiba ula muuqatay in uu yahay nin salaan siyaasadeed ka dhiganaya afkaartan uu rumaysan yahay ee afka baarkiisa ah.

Haddaba Baashe waxa uu wakhtigan xaadirka ah lug iyo farasba u saaran yahay sidii ay Somaliland u hanan lahayd gobollaadasi uu kasoo jeedo ee Bariga, taas oo aad arkayso in markaasba uu ku hawlan yahay shirarka ka dhacaya Bariga Somaliland.

Baashe waxa uu ka mid yahay raga fara kutiriska ah ee mararka qaar laga dhandhansan karo ama kaba baqanaaya in ay xilalkooda waayaan haddii Dr Cali Khaliif Galaydh uu Somaliland heshiis wax ku ool ah la galo, inkasta oo aan la garanayn Baashe iyo rag badan oo kale haddii xilalkaasi laga qaado waxa ay yeeli doonaan.

  1. Siyaasigii lixaad

Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo wakhtigan xaadirka ah ku magacaaban badhisaabka gobolka Xaysimo ee caasimada ay u tahay magaalada Taleex, waxa uu Cabdirashiid ahaa ragii qunyar socodka ahaa ee sida aan muuqan uga soo horjeeday Somaliland.

Cabdirashiid waxa uu ahaa ragii xildhibaanada baarlamaanka u tartamayay 2012 magaalada muqdisho, balse markii ay dhacday in uu ku guuldaraystay arrintaasi usoo diga rogtay dhinaca gobollada uu deegaanka ku yahay Cabdirashiid runtii waa nin lagu sheego in uu yahay nin mudakara isla markaana shaqo badan.

Cabdirashiid inta badan waxa uu deganaa waddanka Yeman gaar ahaan magaalada Cadan, Cabdirashiid waxa uu ka mid ahaa ragii dhidibada u taagay maamulka Khaatumo, inkastoo Cabdirashiid iyo odayaasha deegaankiisu markii gobolka loo magacaabay Xaysimo Cabdirashiid laga dhigay guddoomiyaha gobolkaasi.

  1. Siyaasigii todobaad

Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ayaa 18-kii bishii afaraad 2014-kii si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, garaadka oo ujeedadiisa ugu wayni ay ahayd in ay qayb laxaad leh ka qaato nabadaynta gobollada bariga ee Somaliland.

Garaad Jamaac oo ah Garaadka guud ee Jaamac Siyaad ayaa hawl aad u badan ka galay heshisiinta Jamac Siyaad iyo dawladda Somaliland, waxa la odhan karaa waa Garaadka kaliya ee si aan gabasho lahayn ugu hagar baxay sidii uu wax uga qaban lahaa hawlahaasi.

  1. Siyaasiga sideedaad

Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waa siyaasi ka mida qurba joogta Dhulbahante, waa nin in badan ku hawlanaa sidii uu mar uun ugu guulaysan lahaa in beesha Dhulbahante oo isku dhan ay garab istaagto Somaliland.

Yaasiin Faratoon inkastoo aanu waxbadan ka dhex muuqan is riix-riixa siyaasada Gobolladaasi haddana waxa uu ahaa nin marka dibedda iyo guddahaba la joogo la tirsado una muuqda nin wax ku ool ah.

Yaasiin Faratoon wakhtigan xaadirka ah waxa uu ka mid ahaa odayaashii iyo siyaasiyiintii ka qayb galay shirarkii wada xaajoodka ee ka dhacay Adhicadeeye.

Yaasiin haddaba waxa aad mooda in xiligan uu u soo suudh gashaday sidii uu uga mid noqon lahaa siyaasiyiinta Somaliland, iyada oo ay kulamo aad u badana ay yeesheen Madaxwaynaha Somaliland.

  1. Siyaasiga sideedaad

Cali Khaliif Galaydh waxa la odhan karaa waa siyaasigii ugu tunka waynaa kooxda Khaatumo, Cali waa nin ka duwan ragaasi aynu soo sheegnay waa nin lagu tilmaami karo in uu yahay aqoontii iyo Baarqabkii Khaatumo.

Cali Khaliif waa nin raysal-wasaare kasoo noqday dawladdii Soomaaliya ee lagu dhisay Jabuuti gaar ahaan tuulada Carta, Cali Khaliif muran kama taagna in aasaaskii iyo xilqabashadii Khaatumo ay ka ahayd aad Somaliland wax la qayb satid.

Cali Khaliif waa nin inta badan aan qarsan siyaasada iyo danta uu leeyahay waa nin hadalo cadcad, waa nin dhaar badan, waa nin dadka aan markaasi aan aqoonini ay ku dhago-barjoobi karaan hadaladiisa iska hor iyo daba imanaaya balse uu ugu talo galay ee aan ka ahayn siyaasad xumo.

Cali Khaliif waxa uu si toosa ugu dhawaaqay in uu heshiis waara la galaayo Somaliland, Cali Khaliif waa nin u cadhaysan dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntiland, waa nin ku taamaya in uu mar uun helo jaanis siyaasadeed oo uu kula gorgor-tamo Soomaaliya.

Inkastuu Cali Khaliif uu iminka yahay Madaxwaynaha Khaatumo cadeeyayna in uu Somaliland wada-hadalka u socda ka midha dhalinaayo, haddana isaga laftiisa waxa haysta ama ka hor iman karo mawjado siyaasadeed oo kaga yimaada dadkii uu matalayay.

Khasab maaha in uu Cali Khaliif ka duwanaado siyaasiyiintii hore ee gobolladaasi kasoo jeeday kuwaasi oo dhammaantood heshiisyo gaar ah iyo kuwo gobolba la galay Somaliland, kuwaasi oo ilaa hadda qaar ka mida aan lagu sheegi karin in heshiis koodii uu midha dhalay sida Xaglo-toosiye oo ay ku adkaatay in uu Buuhodle heshiis ka keeno.

Cali Khaliif waxa uu rabaa in uu isagu dadka uu wakiilka ka yahay iyo Somalilandba isu tuso in uu yahay Aktarkii u danbeeyay ee jilaayay filimkii la magac baxay Khaatumo, balse haddana dadka siyaasada u dhuun daloola ee gobolladaasi waxa ay aaminsan yihiin in Cali Khaliif uu yahay Aktarkii ugu waynaa ee jilayay Filimkii Hindigii ugu waynaa.

Waxa aan odhan karaa anigu Khadar ahaan Cali Khaliif waxa uu sitaa saddex kaadh oo uu kaga duwan yahay ragii isaga ka horeeyay, mid waxa uu yahay Magaciisa gaar ah oo ah mid haybadiisa leh iyo kan labaad oo ah Khaatumo oo iyada lafteedu muddo kusoo jirtay warbaahinta, kan saddexaad oo ah isaga oo saaxiib dhaw lahaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Haddaba hadaynu waxyar dib ugu soo noqono shirka dhawaan ka dhacay magalada Caynaba, muran kama taagna in waxbadan oo qabya ah lagu dhameeyay Telfoonada iyo wadahadalada qarsoodigaa ,balse waxa kaliya ee iminka keenay in Caynaba lagu shiraa waxa ay tahay in dadku ogadeen ,taasi waxa ay ina tusinaysaa in waxbadan oo qabyaha lagasoo gudbay.

Dadka qaar ayaa waxa ay iswaydiiyaan Khaatumo Somaliland heshiiska ay la galayso ma ku jirtaa in Khaatumo ay ku raali noqotay gooni u goosad-nimada Somaliland sidaasina ay kusoo afjaraan raadintii midnimadii Somaliyeed.

Aniga waxa ay ila tahay hadii shuruudaasi ay meesha ku jirto heshiiskanba lama fureen,wadahadalna suuragal muu noqdeen, waayo waxa an dareemayaa shacbiga Somaliland halka ay ka tagan yihiin waxa loo yaqaano midnimada Somaliyeed iyo kooxdaasi Khatumo oo warkaasi ka dharagsan.

Waxa kaloo hadalada Dr Cali Khaliif laga dhandhansan karaa marka uu khudbadaynaayo,in uu ku celceliyo dhibatooyinka ay Xamar iyo Puntiland u gaysteen Khaatumo ,taasi aya waxa ay kuu cadaynaysaa in Cali iyo saxibadii ay cadho wayn u qabaan dawlada Somaliya.

Hadaba waxaa marag madoona ,soona bixi doonta ,horteenana imandoonta hadii Allah uu idmo ,Guruubkaasi Khaatumo oo si aan gabasho lahayn wakhti aan fogayn ka dhawaajin doona in dhamaan ay kalsoonidii kala noqdeen dawlada ku meel gaadhka ah,kuna qanacsan yihiin dastuurka iyo gooni isutaaga Somaliland.

Akhristow marka ay taasi cadato waxa ay iswaydiintu tahay masoo afjarmayaa dagaladii iyo isfahan la’aantii ka jirtay Somaliland iyo Dhulbahante,anigu waxa an isleeyahay haaaa ,maya ,haa ,maya ,waxaan sidaa u leeyahay waxa uu muuqda in meelaha la iska diidan yahay aanay ahayn meel dhaw.

Hadii Cali Khaliif iyo Saxibadii ay ku qancaan Somaliland iyo sharciyadeeda waxa aniga ii muuqda in ay goboladaasi kasoo mudh odhanayaan Aktaro cusub oo iyaguna jilaaya Filimo aan sidaasi u xoog badnayn ,balse markasta hantaaqo ku ah goboladaasi.

Khaatumo Muqdisho iyo Garoowaba waxa ay u haystaan in ay yihiin kuwii waxbadan oo ay xaq u lahayeen hagraday amma duudsiyay ,taasi awadeed ayaa Dr Cali Khaliif waxa khudbadahiisii u danbeeyay laga hayaa “walee iyana karis xumi wax ku la” taas oo loo fasiran karo Somaliweyn iyo anagu waanu is daynay.

Cali Khaliif Fikirkii Somaliweyn waxa uu ku lahaa laba Saxiib oo kala ah Dr Axmed Ismaciil Samatar iyo Dr Ismaciil Buubaa ,labadaasina wakhtigan xaadirka ah waxa ay ku sugan yihiin Hargaysa ,waxana la odhan kara waxa aya qayb ka yihiin imatinka Cali Khaliif ee Somaliland.

Cali Khaliif nacaybka iyo colaada aadka u fogaatay ee uu u qaaday Koonfurta Somaliya gaar ahaan Puntiland waxa ku tusinaysaa ,waxa aan xasuustaa Cali Khaliif oo ka khudbadaynaya magalkadisii yarayd ee Saaxdheer ayaa waxa uu dadka u sheegayaa khaasatan wariyayaasha in Magaciisu uu yahay Cali Khaliif Galay(dh) ee aanu ahayn Cali Khaliif Galay(r) iyasa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi waar hoooooy kuwa Galayr igu sheegayoow aniga layma yidhaahdo.

Khaatumo maxay ku qanci kartaa?

Inkastoo wakhtigan xaadirka ah la odhan karo Khaatumo waxa aad mooda in ay tahay mid ka waydaysan sida ay waayo qaar ahayd, hadana lama dhayal san karo awoodaha macnawigaa .

Khaatumo waxa ay ka kooban tahay laba magac oo waawayn oo ay donayaan in ay Somaliland cad kaga goostaan ,sida magaca Khaatumo oo Somaliya oo dhan caan ka noqotay iyo Dr Cali Khaliif Galaydh oo la odhan karo waxa uu yahay misaanka ugu wayn ee ay Khaatumo wax ku goosan karto.

Khaatumo heshiska ay Somaliland la galayso marka hore waxa ay soo bandhigi doonaan kalmado aad usoo jiita deeganada ay ka yimadeen ,sida in cidamada dhulka Khaatumo jooga dhamaan laga saaro,waxa kaloo ay soo bandhigi doonaan in waxka badal lagu samereyo Saami qaybsiga golayasha Somaliland sida Baarlamaanka iyo Guurtida.

Waxa kaloo ay miiska wada hadalada keeni karaan in hay-adaha dawliga iyo kuwa muxaligaba ay deegamadooda si toos ah uga hawlgalaa, iyaga oo codsan doona in dhamaan dibi-dajin lagu sameeyo dadkooda.

Khaatumo waxyabaha laga yaabo in ay la shirtimaado waxa ka mid ah in qaab mamul goboleed oo kale ay dhulkooda uga tashadaan ,yeeshana awooda iyo cidamada gobaladooda,taasi oo Somaliland ku adkaan doonta madama nidaamka wadanka u yaala aanu sidaas dhigayn.

Waxyabaha la fili karo in ay miiska wada hadalka soo dhigaan ayaa waxaa ka mid ah in ay helaan Kursiga Madaxawyne xigeenka Somaliland amma Gudoomiyaha Baarlamaanka ,taasi oo uu isku waddo Dr Cali Khaliif Galaydh.

Waxyabaha aan isleeyahay Khaatumo waa ay la golo iman doonta ayaa waxa ka mid ah in ragbadan oo wakhtigan xaadirka ah ku jira dawlada Somaliland in ay codsan karaan in meesha laga saaro ,taasi oo la odhan karo waxa ay leedahay culayskeeda ,balse hadana waxkasta waa suuragal in ragga hada jooga qaar kamidii ay kuraastooda ku wayaan heshiisdka lala galay Khaatumo.

Waxaa kaloo dhici karta in Cali Khaliif oo dadka qaar ku sheegaan in uu yahay nin kani adayg u samaysan, sida uu horayba looga arkay xiligii u horeeyay ee loo magacabay Raysalwasaraha Somaliya Shirkii Carta , isagoo wali ku sugan Jabouti oo dowladii aanay guryo noqon uu colaadiyay siyaasiyiintii iyo waxgaradkii la joogay madasha shirka .

Cali Khaliif waxa u hada u muuqdaa in uu yahay nin isku halayn wayn ka haysta Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxaamed Maxamud Siilaanyo dadka qaarna ay leeyhiin kursigii Cali Khaliif waa hore ayaa loo carababay ,waana sababta keentay in wada hadalka laga dhigo in ay wada hadlayaan laba garab oo siman.

Marka aynu isku soo wada duub duubno Mudane Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo wax ay ila tahay in ay Somaliland kala kulmi donaan soo dhawayn aad u fiican ,iyaga oo ka raysan doona dibad wareegii iyo duurxulkii .waxa kaloo la odhan karaa waxa ay guul usoo hoyn donaan dadka iyo deegaanka ay kasoo jeedaan hadii siyasada la isla fahmo..

Waxa aynaa wali heshiisyada lawado aynaan maqal halka ay ku danbeyeen Garadadii faraha badnaa ee reer Khatumo gaar ahaan garaadkii uu Cali Khaliif inta badan ku dhaadan jiray ee Garaad Jamac Garaad Cali ,garaad kasii oo isaga laftiisu miisaankisa leh oo aan la dhayal san karin.

Waxa aan qoraalkaygan kusoo gunanadayaa ,Somaliland gudaheeda waxaa isugu soo galayaa iskuna hirdiyaya siyasiyiin marka dhinac laga eego isku reer kasoo wada jeeda (Dhulbahante) balse hadana muddo aad u badan iska werarayay warbahinta kala duwan.

Hadaba maxay ayay ku danbayn doontaa siyasiyiintaasi aynu kasoo sheekaynay iyo kuwii hore Somaliland u joogay ,mid iyada waa lahubaa in anay dhacay in xilalka waawayn ee ay wasiiradu ka mid yihiin aanay wada helayn, balse hadaba yaa wasirada la siinaya yaase meesha ka baxaya maxay ayay yeeli donaan kuwo xilalkooda waayaa ,waa su’aal dadka u taal

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

khadar-aar.blogspot.com

https://twitter.com/khadar_aar