Wasiirka Arrimaha Dibeddu waxa uu sheegay in aanay doorashada Soomaaliya khusayn Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aaanay  qayb ka ahayn Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya ee dhici doona daba-qaayada sannadkan lagu jiro,  isla markaana aanay waxba ka khusayn saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka loo soo xuli doono kuwaasi oo ay saluug ka muujiyeen xubnaha dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ee xilalka u doontay Xamar.

Wasiirka wasaaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay dhawaaq ka soo yeedhay xubno xilal u doontay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo saluug ka qaba saamiga loo qoondeeyey in ay ka helaan kuraasta baarlamaanka dalkaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay yihiin waddan jaar ah, ayna Somaliland gooni ka tahay Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in aysan jirin wax u dhexeeyay 25-kii sannadood ee la soo dhaafay. Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Soomaaliya iyo Somaliland waa labo wadan oo jaar ah, cid nagu matasha ma jirto Doorashooyinka ka dhacaya Somalia, horayna waanu u sheegnay, haddana waan ku celinaynaa, Arrimaha geeddi-socodka Siyaasadda Soomaaliya wax innaga na quseeya ma ahan,”

Sidoo kale waxa uu sheeegay wasiirku in ay Somaliland sanadka soo socda uu ku soo fool leeyihiin Doorasho, taasna ay tahay mid khuseysa shacabka deegaanada Somaliland ku nool, oo aanay quseyn Soomaaliya.

bandhige@gmail.com