Qaramada Midoobay waxay meelmarisay qorshe ciidan lagu geynayo Koonfurta Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay in la geeyo dalka Koonfurta Suudaan ciidamo nabad ilaalineed oo dheeraad ah oo ka socda waddamada gobolka oo gaadhaya ilaa 4000 oo askari.

Bishii la soo dhaafay ayaa maalmo lagu dagaalamay guddaha magaalada caasimadda u ah Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ka dhashay dil baahsan, tacaddiyo galmo iyo dhibaatada xaaladda bini’aadamnimo oo ka sii dartay.

Waxa xooga la saaray intii uu socday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay mas’uuliyadda aasaasiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah.

Balse milateriga dalkaasi Koonfurta Suudaan ayaa lagu eedeyay in ay ka qeybqaateen dilalkii iyo tacadiyadii loo geeystay dad rayid ah intii dagaalada ay socdeen.

Qarmada Midoobay ayaa ciidan dheeraad ah dalkaasi u dirayso iyadoo xaaladana ay kacsan tahay.

Ciidammadan dheeradka ah oo gaaraya ilaa 4000 ayaa qeyb libaax leh ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda Juba, si ay u ilaaliyan gegida diyaaradaha iyo xaruumo kale oo muhiim ah.

Waxayna amar ku heysataan inay tallaabo ka qaadan koox walbo oo weerar ku qaado xarumaha Qaramada Midoobay, ha’yadaha gargaarka iyo dadka rayidka ah.

Hase yeeshee Koonfurta Suudaan ayaa waxay in badan iska diiday qaraarkan ciidamada lagu gaynayo Koonfurta Suudaan.

Go’aankan ayaa waxay ku tilmaameen go’aan nasiib darra ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyey suuragalnimada cunaqabatayn dhinaca hubka ah waa haddii Koonfurta Suudaan haddii aanay muujinin wado shaqeyn.

bandhige@gmail.com