Hiilka qalinka Jaamacadda Hargeysa (W.Q. Mahad Ciise Xirsi “Boos”)

Maanta waxaan qalinka u qaatay in aan ka hadlo mawduuc ku saabsan jaamacadda Hargeysa oo ah iftiinkii, aqoontii, adhaxdii iyo dhaxalkii maduugaanka ee ummaddu lahayd oo qarka u saaran xaalada dhaxal siinkarta burbur, waxaanay u baahan tahay hiil qaran iyo bad-baado qaran.

Jaamacadda Hargeysa waxa ka jira khilaaf culus oo raagaadiyey masiirka kumanaan kun oo dhallinyaro reer Somaliland ah. Jaamacadda Hargeysa khilaafkeedu marxalado ayuu soo maray, mudo dheern wuu soo socday oo runtii waa la xalin karayey, nasiib daro se may dhicin eedda cidii doontaa hala haato gaar ahaan waxay u badantahay in khilaafka maamulku gaadhay ardayda taasina keentay in maalin walba la maqlo warar aanad ku farxayn oo ku saabsan goob waxbarasho waliba heer Jaamacaddeed oo lagu barto khilaafaadka iyo xalintooda iyo waliba aqoon sare oo qofka hagi karta kana ilaalinta karta dhammaan waxyaabaha keeni kara khilaafaadkan joogtada ah ee salka ku haysa kooxaysiga dhinacyada isku haya Jaamacadda Hargeysa.

Jaamacadda Hargeysa khilaafkeeda lama xalin kari waayin anigu waxaan is leeyahay waa la hagranayaa, sababtoo ah annagu waqtigii aan dhiganayey marbaa waxooga khilaaf ahi soo dhax-galay maaamulka, laakiin markiiba waa la dhex-galay waxaana laga saaray maamulkii hore meesha waxaana la keenay maamul cusub taasi waxay keentay in Jaamacadii khilaafkeedu uu halkaa ku dhamaaday kuna qalinjabinay si nabada oo bilaa war-war ah oo nimaadka waafaqsan .

Lakiin halka khilaafkani maraayo waa mid laga naxo oo murugadeeda leh oo runtii ay mudan tahay in meel loogu soo wada jeedo oo dhinaca la iska dhiga farqiqa u dhexeeya darafyada (put a side in all diferrence) waxaa jira arday xidh-xidhan iyo khasaare gaadiid oo ardaydu jajabisay, waxaas oo dhan waxa xalin kara xukuumadda taladda haysa oo madaxwaynuhu hormoodka ka yahay iyo wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare.

Waxaan soo jeedinayaa in lasoo afjaro khilaafka Jaamacadda Hargeysa. Khilaafka oo sii socdaa waxay hoos u dhigaysaa sumcadii karaamadii iyotayadii tacliinta iyo hanaan socodkii nidaamka maamulka suuban iyo kala danbayntii Jaamacadda. Waxaan ku talinayaa in Jaamacadda Hargeysa u baahantahay gurmad qaran oo aayo ka tashi qaran oo deg-deg ah, waxa nasiib darro weyn ah in Jaamacadii waddanka ugu waynayd ee dawliga ahayd uu khilaafkeedo gaadho heerkaa maanta aad arkaysaan subxaan Allaah, Jaamacadda Hargeysa maaha meel sidaa loo dhayalsan karo mana aha meel sidaa loo ilaabi karo.

Mahad Ciise Xirsi (Boss)

Mahadboss2014@gmail.com

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.