Hoos u dhac ku yimid waxbarashada dugsiyada sare ee dalka (W.Q. Cabdifatax Maxamuud kooshin)

Nidaamka waxbarashada dalku waxay ka mid ahayd goobihi ay baabiyeen dagaalkii dalka ka dhacay ee taliskii Siyaad Barre. Dagaalkaasi wuxu keenay in mar labaad goobihi waxbarashada oo dhulka galay dib loo yag leelo gar haan goobaha wax barshada aas aasiga iyadoo ka bilaabantay magaalooyinka waaweyn waxaana lagu bilaabay ardaydii kasoo noqotay xeryihii qaxoontiga ee Itoobiya.

Marxaladan dib u curashada waxbarshada Somaliland waxay taariikh lama ilawaana ku reebtay ardaydii iyo macalimintii barigaa bud-dhiga u ahaa. Waayo ardayda waxa xusuus ku reebtay dugsigii kharaabada ahaa ee dhinac ay wax kaga dhiganayeen dhinac xawayaanku dhasha dhiganayey, daasadihii kursiga u ahaa iyo bugaag yar oo xaashi loxooxa ahaa.

Macalimintii waaga waxa iyagana xusuus ku reebay iyadoo aanay jirin wax manhaj ah oo ay raacaan, tamaashiir la’aan, mushahar la’aan. Iyadoo waxaasi oo dhami soo maray waxbarashada dalku waxay ku talaabstay horumar sannadba sannadka ka danbeeya, iyada oo taasi ay suur galisay xasiloonidii iyo kaladanbayntii dalka ka hana qaaday. Ardaydaa iyo macalimintaasina ay mahadiyeen dadkii kaalinta wanaagsan ka ciyaaray adkayntii nabad-gelyada sida Golaha Guurtida, culimada iyo aqoonyanadiii ka shaqeeyey dib u heshisiinta.

Waxaan maanta odhan karnaa waxbarshada dalku si buuxda ayey uga soo kabatay burburkii baahsanaa ee ku dhacay guud ahaan. Waxbarashadu waxay u kala baxdaa dugsi hoose(elementary), dugsi dhexe (intermediate) iyo dugsi sare (secondary) intaa waxa dheer heer jaamacaddeed (higher education). Markaan soo qaadano dugsiga sare wuxuu gaadhay meel aad u saraysa marka laga eego dhinaca manhajka iyo macalimiintaba, intaa waxa dheer in ardaydu xiiso u qabeen waxbarshada dugsiga sare aad ugu dadaali jireen in ay heer wanaagsan kaga baxaan.

Dadaalka iyo xiisaha ardaydu u qabeen waxa sal u ahaa ardayda fahamsanayd muhiimada aqoontu u leedahay mustaqbalkooda, tayada waxbarashad dugsiyada sare oo aad u saraysay. Wasaarduna qaadi jirtay imtixaan heer caalami ah oo lagu kal reebayey arday dadaashay iyo kan aan dadaalin. Imtixaanka shaadiga ee dalku wuxuu ahaa mid aad looga xiiseeyo dalka oo dhan.

Hadaba sannadiihii u danbeeyey waxa hoos u dhac ku yimid tayadii waxbarsha dugsiyada sare taasina waxa keentay. Iyada oo la badalay derajadii lagu kalbxi jiray sidaa A, B C iyo D halka imika lag dhigay A+, A, A-, B+ , B , B-, C+ , C , C- D+, D iyo D-.

Waxa loo kala saaray saynis iyo arts, Macalimiintii aqoonta lahayd oo u foof tagay dugsiyada gaarka loo leeyahay, Koradhka jaamacaddaha gaarka loo leeyahay oo qaaata deraja kasta halka barigii hore ay C ugu hoosaysay.

Waxaan ku talin lahaa in sidii hore lagu celiyo xaga derajada, in kormeerka la xoojiyo, in la isku xidho maamulka ardayda iyo walidiintooda, In la yareeyo jaamacaddah gaarka loo leeyahay oo qaata derajo kasta.

Fiiro gaara dawlada hada xukunka haysaa waxay horumarisay Iyadoo ku baahisay dusiyayada gobolada iyo degmooyinka Waxbarshada dugsiya hoose dhexe oo lacag la’aana xiligan.

Cabdifatax Maxamuud kooshin