Dugsiga Nuuradiin oo labaatan jirsaday: Tusaale ku-dayasho mudan

Dugsiga Nuuradiin ayaa maanta u dabaaldegay labaatan-guurada ka soo wareegtay maalintii la aasaasay.

Mahad Ibraahim oo ah mulkiilaha dugsiyada Nuuradadiin oo maanta la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in markii uu dugsigan aasaasay 1995-kii uu ku bilaabay hal qol oo ay cawi taalo iyo 8 arday, maanta ay tirada ardaydu marayaan 21,000 iyo macalimiin kumannaan ah.

Dugsiyada sare ee Nuuradiin ayaa sannadihii ugu dambeeyey guulo ka soo hoynayey imtixaannada dugsiyada sare, taasina waxay sabab u noqotay in ay waalidiin badani jeclaystaan in ay carruurtooda iskuulkan gaystaan.

Sidoo kale Nuuradiin wuxu ka mid yahay dugsiyada mudnaanta siiya arrimaha diinta iyadoo wiilasha iyo gabdhaha Nuuradiin ay wax ku dhigtaan dhismeyaal kala duwan.

Arday badan oo dugsigan ka soo aflaxday ayaa hadda ka hawlgala dalka iyo aqoono kale duwan soo bartay.

Mahad Ibraahim waa hal-abuure ganacsi oo da’yar, guushiisuna waxay tusaale lagu dayan karo u tahay dhallinyarada Somaliland.

Bandhige@gmail.com