Diyaaradaha dagaalka Suuriya oo weeraro is-daba-joog ah ku qaaday magaalada Palmyra

Magaalada Palmyra oo ay gacan ku hayaa kooxda dawladda Islaamiga ayey diyaaradaha dagaalka Suuriya ku qaadeen weeraro laxaad leh oo galaaftay ku dhowaan 26 qof oo ay ku jiraan 12 ka mid ah kooxda gacanta ku haysa.

Diyaaradaha dagaalka Suuriya ayaa dhowaan bilaabay weerarada dhinaca cirka.

Kooxda dawlada Islaamiga ayaa qabsaday magaalada Palmyra oo halkaas oo ay ku yaalaan xafiisyo ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay xarunta Hide iyo Dhaxal aadame oo qadiimi ah.

Weerarada duqaynta cirka ciidamada Suuriya ee goobaha kale ayey ku 17 ruux sida ay sheegeen qolyaha la socda xaaladda.

Wararka laga helayo ilo wareedyo u dhow milateriga Suuriya ayaa sheegay in milateriga adeegsanayaan hub cusub oo casri oo ay ka heleen dalka Ruushka oo ay saaxiib yihiin.

bandhige@gmail.com