Waddani oo cambaareeyey xadhiga Suldaan Sabayse iyo xukuumadda oo sheegtay sababta loo xidhay

Wasiir-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si adag uga hadlay xadhiga Suldaan Sabayse xukuumaddu u gaysatay habeenkii Jimcihii soo galayey, isagoo Suldaanka ku eedeeyay in ay hayaan caddaymo muujinaya in uu kicin dadweyne sameeyay. Wasiir-xigeenka ayaa waraysi uu BBc-da siiyey ka hadlay waxa waxa uu yidhi:

“Ninkaasi Suldaanka ah ee shalay la soo qabtay ee lagu magacaabo Mawliid, wuxuu baryahan ku jiray abaabul xooggan oo nabad-gelyo darro ah, warkiisana waanu haynaa, hadalo xiqdi ah oo dadweynaha kicinaya ayaanu ku hadlay inta badan. Waxa loo haystaa kicin iyo abaabul nabadgelyo darro, iyo hadalo abuuraya nabadgelyo darro. Abaabulka waa marka qofku yidhaa dadka soo kaca oo dawladda waxaad doontaan baad ku samayn kartaan, Suldaana wuxuu ka shaqeeyaa nabadda,”

Wasiir kuxigeenka oo la waydiiyay su’aal ahayd in Suldaan dawladda ku dhaliiley wareejinta haamaha shidaalka Berbera iyo gacan hadalkii shirguddoonka dhexmaray ayaa waxay nabad-gelyo darro, ayaa waxa uu ku jawaabay:

“Adeer waxa weeye haamaha shidaalka xukuumad baa u xilsaaran. Xukuumadda ayuu sharcigu siinayaa in ay iibin karto, in ay kiraysan karto, muwaadiniin reer Somaliland ah baa la siiyay, ninka ka soo horjeeda ee leh maxaa loo siiyay dee waa nin wax kale doon ah. Dimuqraaiyaddu maaha wixii dastuurku i siiyay haddaan ku dhaqmo oo adigoo shacabkaygii ah aad iska shoobarayso waa lagu qaban markaas.”

Dhinaca waxa Guddoomiye-xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, oo warbaahin kula hadlay Boorama ayaa cambaareeyey xadhiga xukuumaddu kula kacday Suldaan Mawliid Sabayse iyo Boqor Raabi, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Runtii waxaan kalmad kooban ka odhanayaa  xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay baryahan dambe la soo baxday in ay xidhxidho madaxdhaqameedka, boqorada iyo salaadiinta. Waxaynu ogayn in hore loo xidhay Boqor Raabi oo muddo ku xidhan Hargeysa, waxaa nasiib darro ah in haddana xalay la xidhay Suldaan Mawliid Sabayse oo ka mid ah Salaadiinta ugu waaweyn. Runtii waanu cambaaraynaynaa xadhiga suldaanka. Waxaanu faraynaa xukuumadda oo aanu leenahay arrintaasi waa arrin ceeb ah. Waa mid ku ceeb ah milgaha dawladnimada iyo gayiga Somaliland ba. In Boqorada iyo Salaadiinta inta guryahooda lagala baxo la xidhaa ceeb bay ku tahay dhaqanka qaranka Somaliland. Waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in si degdeg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo Boqorka iyo Suldaankaba.”

Booliska ayaa cawaysnimadii Jimcuhu soo galayay xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Sabayste oo xukuumadda ku dhaliilay wareejinta haamaha shidaal Berbera, sidoo kalena ka hadlay gacan ka hadalkii dhexmaray shirguddoonka Wakiilada oo khaladka dusha u saaray Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax oo taageersanayaa mooshinka wareejinta haamaha shidaalka Berbera.

Boqor Raabi isagu muddo afar maalmood ah ku xidhan Hargeysa oo isaguna xukuumadda ku dhaliilay qorshaha banka ay kaga dhigayso seerayaal xidhan oo jiilaalkii xoolo, Boqorka ayaa isagu bankaasi doonaya in uu ahaado dhul daaqsimeed.

Warar ay baahisay shabakada wararka ee Wajaale News ayaa sheegtay in shir ay isku yimaadeen masuuliyiinta amniga iyo xubno talada dalku ka go’da ay qorshaynayaan sidii Suldaanka loogu wareejin lahaa jeelka Mandheera, isagoo maanta laga wareejiyey xarunta C,I,D oo xalay lagu soo xidhay loona wareejiyey jeelka Hargeysa.

bandhige@gmail.com

.