Qisaasta hala joogteeyo, ribadana halaga dheeraado! (W.Q:  Xamse Baashe M “Wiyeer”)

Anigoon marnaba ku hadli karin shacabka tirada iyo tayada leh ee ku dhexnool Somaliland iyo waliba kuwa ku abtirsada ee daafaha dunida jooga. Haddana waxa jira dareen mid ah oo dhammaan aanu ka wadda midaysan nahay, iskadaa Somalilanderska oo xitaa dhammaan ummadda Islamka oo dhan ayaa dareen farxadeed ay u tahay, marka ay maqlaan xukun ay fulisay xukuumadda Somaliland oo la waafajiyey Shareecada Islaamka ee aynu ku abtirsano, xukunkaas oo ahaa qisaas ama dil lugu fuliyey dad gacan ku dhiiglayaal ah oo hore iyagu u geystay dilal iyo falal xun xun oo si kas ah ay ugu dheceen jariimad dil ku sababtay iyagana.

Somaliland waxay fulisay Xukun sharci ah oo in badan Rabbi (SW) uu kaga hadlay Qur’aanka kariimka ah, halka Suubanaheenii Nabi Maxamed (CSW), isaguna Axadiis badan inoogu sheegay xukunka Qisaasta oo la fuliyo iyo faa’iidada ay ummaddu gaadhayso, halka marka laga tago ee sharci kale la qaatana ay cidhib xumo leedahay,  bal aynu fiirino Aayaddaha Qur’aanka ah ee waajibka ka dhigaya in la fuliyo :-

البقرة

من الاية 178 الى الاية 179

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِصَاصُ فِي الْقَتْلَى الْحُرُّ بِالْحُرِّ وَالْعَبْدُ بِالْعَبْدِ وَالأُنثَى بِالأُنثَى فَمَنْ عُفِيَ لَهُ مِنْ أَخِيهِ شَيْءٌ فَاتِّبَاعٌ بِالْمَعْرُوفِ وَأَدَاء إِلَيْهِ بِإِحْسَانٍ ذَلِكَ تَخْفِيفٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَرَحْمَةٌ فَمَنِ اعْتَدَى بَعْدَ ذَلِكَ فَلَهُ عَذَابٌ أَلِيمٌ (178) وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَاْ أُولِيْ الأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (179)

Dadka Caqliga wanaagsanow, Qisaasta Nolol ayaa idiinku jirta”.

Sidoo kale waxa mid runtii haddii aynu nahay ummad islaamka ku abtirsada, aaminsan wixii rabi inaga xarimay iyo wuxuu inoo baneeyey, aynu samaysano gole aynu u bixinay “Golaha sharci dajinta” taas oo marka horeba ah gef aynu ka galnay sharcigii ahaa kitaabka Qur’aanka iyo axaadiista Rasuulka ee Rabi inoogu talo-galay in ayun raacno.

Waxa dhawaan buuq iyo qaylo ka dhex taagnaa golaha wakiilada dhexdooda iyo culimada oo runtii Ilahay xaqa ha waafajiyee si aad ah uga hadlay Sharci ay in badan golaha wakiilada Somaliland ahi ugu ololeynayeen in waddanka uu ka hir galo oo ah xeerka bangiyadu in ay isticmalaan nidaamka Ribbadda.

 

In kasta oo Culimaddu aad uga hadleen, haddana waxa uu Rabi SW Qur’aanka ku yidhi:-

﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَذَرُوا مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبَا إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ * فَإِنْ لَمْ تَفْعَلُوا فَأْذَنُوا بِحَرْبٍ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ ﴾ [البقرة: 278،279]

Waxaa ayaddahan Quraanka ah ee ku jirta Suradda Al-baqra ka dhex muuqa Goodi iyo digniin ah dagaal oo rabi u dirayo cida ribadda xalaashata”.

Haddaba  iyaga oo ay jiraan daliilo baddan oo Rabi iyo Rasuul-ba iyaga ayey sharafi u sugnaataye inagu farayaan in aynu Qisaasta fulino, Isla markaana ay jiraan kuwo kale oo la inugu farayo in aynu Ribadda ka dheeraano ayaa hadda u muuqda in ay ka hir galayaan sharciyada Somaliland dhexdeeda laga isticmaalo, halka la fuliyey dilal sharciga islaamku xukumay, isla markaana culimada diintu qodobo ay kasoo saareen Ribadda Barlamaanku u codaynayo ay sababtay in laga joogsaddo oo dhinacayada diintu banaysay ee ganacsiga loo dhaqaaqo.

Gebo-gebadii Reer Yurub iyo dhammaan dadka kaafiriinta ah ee haysta Qaramada Midoobay iyo ururada isku sheega samo-fal wax kasta ha sheegaan, oo waddo kasta oo ay u mari karaan sidii sharciga Islaamka ay u hor istaagi lahaayeen ha sameeyaan laakiin waxa mid runtii guul u ah ummadda Islaamka gaar ahaan kuwa Somaliland, niyad jab iyo calool xumana ku keenaya Reer galbeedka iyo Ha’yadaha shisheeye ayaa ah xukunka la fuliyey ee dhinaca qisaasta iyo kan culimaddu ka hor istaageen Baarlamaanka ee Ribadda la xidhiidha.

Haddaba marka Caqliga caafimaadka qaba aynu ku fikirno tanni waxay dalka ka dhigaysaa mid horumar gaadha halka uu hiigsanaayo ee ah Aqoonsi helida iyo horumarka dhinacyo badan . Waayo waxaa la fuliyey amarkii Rabi iyo Sunihii Nabaiga Csw oo waxaynu ka tagnay dhaqankii xumaa ee Gaaladda iyo Fikirkoodii khaldanaa, “Rabi ayey Talladu gacantiisa ku jirtaa”.

 

Wa bilaahi Tawfiiq 

Dhammaad

W.Q:  Xamse Baashe M “Wiyeer”