Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Waddani oo gaadhay Burco

????????????????????????????????????

Wefti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa waxay gaadheen Burco.

Weftigan ayaa waxay ujeedadiisu tahay wacyi-gelinta diiwaan iyo sida oo kale u kuur-gelidda qaabka ay u socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobalka Togddheer.

Weftigan ayaa waxa taageerayaal badani ku soo dhaweeyeen tuulada Qoyta oo halkaas oo ay taageerayaashooda kula hadleen, ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiye-xigeenka Koowaad Axmed Muumin Seed, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Dhammaan taageerayaasha baaxadda leh ee xisbiga Waddani, waxa aan leeyahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida qiimaha badan ee aad weftiga u soo dhaweyseen, waxaana Illaahay mahaddii ah in aynu Burco ku soo dhaweyno Guddoomiyaha Waddani iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo.”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha Waddani uga mahad-celiyey soo dhaweynta, waxaanu u sheegay ujeedada socdaalkooda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dhammaan shacbi weynaha isu dhan ee magaalada Burco iyo degmada Qoyta-ba aad iyo aad ayaan uga mahad-naqaynaa soo dhaweynta qiimaha badan ee qalbiga xaadhan, ee kal-gacalku ka muuqdo, waxa aan idiin ku nimi siddii aanu idin kala qeyb-qaadan lahayn mashruuca qaran ee diiwaan-gelinta, annagu u maanan iman in aanu halkan ka olaleyno, waad na aragtaan oo ciidan ma wadano, koofiyad cas ma wadano, taangiyo ma wadano, waxa aanu doonaynaynaa in aanu Burco kolba xaafad seexanno, oo shacbiga Burco mideynno, haddii Illaahay ka dhiga , waxa aanu doonaynaa in aanu xuduudka iyo meel kasta oo diiwaan-gelintu ka socoto in aanu gaadhno, oo hubino in diiwaan-gelintu ay siddii la rabay u hir-gashay, shacbiga Somaliland dhammaantii waxa  aanu ugu baaqaynnaa in diiwaan-gelinta ay is-diiwaan-geliyaan, gaar ahaan shacabka Togdheer oo ah gobalkii ugu horeeyey oo ay ka billaabantay, waxa aanu ugu baaqaynaa in qof kasta oo muwaadin ahi uu hal mar oo kaliya uu is diiwaan-geliyo si uu xaqqa uu lee yahay uu u helo.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray:

“Diiwaan-gelintaasi wax badan ayey dalka u taraysaa, waxa ay wax-ka-taraysaa aqoonsigeenna, waxa ay wax ka taraysaa doorasho wanaagsan in aynu helno.”

Hore waxa safar safarkan la mid ah Gobolka Togdheer ugu tagay Guddoomiyaha Kulmiye iyo wefti uu hoggaaminayo.

bandhige@gmail.com