I xidha aan soo shaac-baxee (WQ: Cabdimajiid Iid Aaden “Dhinbiil”)

 

“Aniga igu daaya anaa ku soo shaac-baxayee , tani waa fursad qaali ah oon magac ku heli karo wallee saaxiib”.

Weedhahan kor ku xusani waxay kamid yihiin kuwa ay isticmaalaan dhalinyarta khalad fahanatay micnaha xoriyatul qowlka waxan ay u yaqaanaan qolyahan saxaafadda iyo qolyahan kaleeto ee xisbiyada dalka ka jiraa soo uruur-sadeen.

Waxaad  arkaysaa nin dhalinyaro ah oo waraysi qaadaya ama cid su’aal weydiinaya oo luuqadda uu ku hadlayo anshaxii ka dhintay oo su’aal sharafta iyo karaamada qofka meel ka dhac ku ah oo shaqadiisii loo igmaday ka baxsan weydiinaya, taasina waxay ku tusinaysaa in nidaamkii iyo kala dambayntii iyo weliba ixtiraamkii meesha ka maqan yahay oo aanu qofku xirfaddan uu magaceeda sito aanu aqoonteediiba lahayn sharcigeedana garanayn keliya se ay ka tahay uun inuu magac ku raadsado ceebaynta iyo fadeexadaynta dadka kaleh.

Waxa iyana taa lamida oo aad ku arkaysaa baraha bulshadu ku wada xidhiidho kooxo dhalinyaro ah kuwaasi oo iyaguna sheeganaya inay yihiin  masuuliyin xisbi qaran balse hadalkoodu aanu ka turjumaynin xilkaasi ay sheeganayaan , hadhowto markay ciin daaqaan ee xadkoodii ay ka gudbaanna xadhig lala tiigsado, intaa ka bacdina koox kaleeto oo ay xulafo ahaayeen mawjado kicinayaan oo halkaa ay ka bilaabaan hadalo deelqaafa.

Runtii marka arintan laga hadlayo wax fudud maaha laakiin waa caado inagu soo dhex badatay imika keliyaatana maaha dad gaara oo la garanayo balse cid walba oo  mihnadeeda ama shaqadeeda ka been abuuranaysa oo sharcigeedii jabinaysa ayuu qoraalkani tilmaamayaa.

Waxa aynu maqalnaa in badan iyadoo meelahaa laga leeyahay hebel iyo hebel baa la xidhay balse aan la’ is waydiinaynin waar tolow muxuu  ku xidhanyahay, sababta loo xidhayna maxay tahay muu qaldanyahay mise waa laga gardaranyahay, balse la eegayo heshiiskii ahaa hebel uu xidhanyahay ee aynu banaanada kasoo qayl-qaylino ee ina marsha saaxiibayaal

Guntii iyo gunaanadkii waxaan anigu soo jeedin lahaa in mar walba runta laga hadlo oo cid jeclyasiga iyo beenta layska daayo.