Ilaalinta Keydka Cilmi Baadhista Ardeyda Jaamacadduhu sameeyaan

Ilaalinta Keydka Cilmi Baadhista Ardeyda Jaamacadduhu sameeyaan

Hordhac

Ardey aan ka yareyn 6,000 oo isugu jirta Heerka Kowaad iyo Labaad ee tacliinta sarre gaar ahaan Jaamacadda Ayaa sannadkan guud ahaan dalka ka qalin Jebin Doonta.Dhamaantoodna Ardeydaasi waxa ay soo Mareen Hab Dhiska Qorraalka hagaha Cilmi-baadhista bilihii ugu Danbeeyey oo ay difaacdeen lana soo wada bandhigey.Sida Tiradoodu u badan tahay ayaana Cilmi baadhisaha carbiska ah ee ay soo sameeyeen oo kala duwana  u badnaayeen.Waxaaney soo kordhiyeen xog cusub oo ay  diyaareen kuna jirta buggaagtaasi,laguna daah furey  xafladdo difaacasho kala duwan.

Su,aalaha haddaba aan iska weydiin karno Cilmi baadhisahaasi ardeydu soo mareen ayaa waxa ka mid ah Halkee lagu keydinayaa Buggaagtaasi tirada badan ee ardeydu ay jaamacadda ku soo xareeyeen?Rukta kutubta jaamacadduhu meelo u gaar ah Keydka Cilmi baadhista oo la dhiggo buuggaagtaasi intooda labeenta ah ma leeyihiin? Maxaa laga korodhsan karaa ee faa,ido ku Jirta Cilmi baadhisaha badan ee Ardeygeenu  sameeyey? cilmi baadhisaha cusub ee la sameeyeyse maxey horseedi karaan mustaqbalka?sidee ayeyse u u caawinayaan ardeyda iyaga ka dambeysa  hagana ugu noqon karaan mustaqbalka?.muddada bilaha kooban ah ee Tijaabada  ay ku sameeyeen waxa aan aqoon fiican loo laheyn ardeydaasi maxey ka korodhsadeen ee la taaban karaa daraasadahaasi marka laga tago halbeega cabirka ah in lagu xaqiijiyo difaacashada qalinjebinta?Maxaa intifaac iyo waxtar ku jira buuggaagtaasi ee ardeyda ka dambeysa ay ka heli karaan,haddise meel la dhigi waayo oo ay noqdaan wax maalinba qeyb la fogeeyo,la waayo, ama agabka la iska fogeynaayo lagu daro maxaa ardeyda loogu  diraayey.

Bilowgii Cilmi-baadhista   Buggaagta Difaacashada Jaamacaddaha

Aragtida in buugga difaacashada la qoro guud ahaan waxbarashadda somaliland ilaaa herarka shahaadooyinku waa mid hadda si weyn uga dhex muuqata nidaamka waxbarashada ee dalka,waxaasi jirey ayaamo adag oo haddii dib logu noqdo aan wax daraasad iyo cilmi baadhis ahiba haba yaraate jirin.Hab qorraalka Maanta Kumbuyuterada iyo agabka badan ee Tiknolojiyadu fududeynayaan ma aheyn sidan maanta uu idinku muuqdo tobaneeyo sanno ka hor iyo horraantii 2000 intaba guud ahaan somaliland.Jaamacadduhuna Marxalado kala duwan ayey la soo mareen bilowgii daraasadaha lagu difaacdo qalin jebinaha dalka.waxaana aad gaadheyso wakhiyo wax badani ay sidani ka adkaayeen oo la soo marey sannidihii  2000 ilaa 2010 u dhaxeysey.

Marxaladaha lala soo marey Cilmi-baadhisaha Dalka

Cilmi baadhisuhu waxa ay inta badan salka ku hayaan dadka wax qora ama akhriya,waxa jirey wakhti  dadka wax qoraa  ay guud ahaan yarayeen somaliland,Maxaa yeellay in wax la qoro sida maqaalo iyo buuggaag waxa ka dhasha daraasadaad iyo cilmi baadhisyo cussub oo tijaabooyin kale horseeda.Marka aad weydo wax kaa saacida mawduuca aad baadheyso oo xog ah waxa ay sababeysa niyad jab hor leh.

markii aan dalka  buggaag ku filan  oo akhris ama cilmi baadhid oolin,Tirada rukta kutubta (Library)yaduna ay yareeyeen isla markaasina aaney jirin buuggag si dhameystiran uga hadlayaa mawduucyada aad doorbideyso wax ay niyad jab ku aheyd dad badan oo wakhtigaa cilmi baadhisyo u diyaar ahaa.Sannadahaasi qofku wuxuu u safraayey oo socdaalo u sameynaayey si uu helo xog meelo khaas ah taaala,raadis buugaag iwm.Helida dadka la tixraaco ayaa yareyd,Akhriska wargeysyada iyo jaraa,idada ayaa ugu dhawaa meel laga heli karo mawduuc iyo wax la akhriyaba,koobiyo duugoobey oo la dhawraayey ayaa dad badan u dhex ahaa,toddobaadyo ayuu cid kale ka soo qaadaneyey buug wax laga akhriyo ama qoro. qorida gacanta ee qalinka iyo warqaddaha ayaan ahaa waxa ugu badan ee la isticmaali jirey marka laga tago meelo gaar ahaan oo Teebka laga heli jirey.xog gabowdey oo cimrigeedu dhacey in aad hesho ayaa aheyd guul.Dal shisheeye in buugg lagaaga soo dhiibo ayaa aheyd hadyadihii wakhtiga adkaa.

Hadda iyo Cilmi-baadhisaha

Maanta qof kasta si fudud ayuu u daabacan karaa wuxuu qorey,Wuxuuna Helayaa Xog diyaarsan oo Meel kasta taala,horumarinta  laga gaadhey tiknolojiyada iyo aaladaha sida kumbuyuterada ayaana fuddudeeyey in cilmi baadhisuhu wakhtigan ay yihiin kuwo heysta fursad,baadhashada xogta Google.com ayaana u sahley dad badan in ay helaan xog wakhti dhow oo xitaa lagu hellaayo hab ka baxsan xuquuqda qorraalka sida xatooyo iyo sheegasho wax aaney laheyn,iyada oo Artifial intelligence AI sahley in xitaa si deg deg ChatGpt kugu qori koraayo mawduuca aad rabto.

Mustaqbalka Cilmi-baadhiseed ee Ardeygeena

meelo badan waxaan ka arkeyna hoos u dhac dedaal oo ku socda,ka dib horumarka laga gaadhey Tiknolojiyada taasi oo sababtey in si dhow oo fudud lagu heli karo xogo iyo daraasado aanu qofku diyaarin hawlihisiina ku dhameysan karo.sida hadda ay wax u socdaan ee loo sameynaayo diyaarinta buuggaagtana  waxey bari kartaa ardeygeena haba badan oo khiyaamo,iyada oo aaney jirin Software’u diyaarsan baadhida cilmi baadhisaha la xado,ama mid lagu keydiyo ardeyda topicskoodi hore iyo buuggaagtoodi dalka.Ardeyguna inkasta oo Tiknolojiyada horumarka laga gaadhey dhanka cilmi baadhisa ah  haddana wuxu dhanka kale galay xaalad akhris la,aan ah oo wax kasta google iyo youtube la weydiiyo marka loo baahdo keliya.

Gunaanad

Sannadaha soo socdaa waa in ay noqdaan kuwo isbedel wax ku oola ku sameeya hab raaca hagaha cilmi baadhiseeed ee ardeygeena qalinjebinaaya haddana u arkaya shaqadani uu qabtey mid aan wax ujeedo ah laga laheyn,sidoo kale ardeydu haddii ay helaan keydka buuggaagtii horre oo jaamacadda meel la dhigey iyaga ayey mustaqbalka akhriska iyo baadhida ka bilaabayaan waxna ka korodhsanayaan.taasi oo ka caawin karta in uu helo xog diyaarsan oo gudaha dalkiisa lagu qorey, iyo tixraac qof ay isku dal yihiin oo cilmi baadhis ku dhow tiisa sameeyey.ugu danbeyntiina waa in mawduucyadan iyo titleladan sannadkasta  soo noqnoqanaya ee isku midka ah ee kuwii horre uun ardeyda loo kala beddelaayo la baadha.

 

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com