IMTAXAANKA SHAHAADIGA AH EE SOMALILAND W/Q:(Cabdifataax Rashid Maxamed)

Aan ku bilaabo hambalyo aan u diro dhammaan ardayda gudubtay imtaxaanaadka shahaadiga ah ee dalka, si gaar ah ardayda dhibcaha sare keenay iyo dugsiyada kaalmaha hore galay. Waxaan sida oo kale hambalyaynayaa waalidka iyo macallimiinta qaybta ka ahaa guusha ardaydaasi gaadhay. Waxa kale oo aan dhiirigalinayaa ardayda aan gaadhin darajada lagu gudbayo, waxaanan leeyahay isku day mar kale. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa xafiiska imtaxaanaadka qaranka madaxdiisa iyo hawlwadeenadiisa sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen hawshaas baaxada iyo culayskaba lahayd ee wakhtiga badan socotay. Ugu dambayn waxaan u hambalyaynayaa wasaarada waxbarashada madaxdeeda iyo hawlwadeenadeeda sida ay uga qaybgaleen qiimaynta ardayda u fadhiisatay imtaxaanaadka qaranka sannadkan.

Waxaan ka baxay dugsiga sare sannadkii 2003 dii, waxaanan dareemi karaa xaalada aan ku jiray maalintii natiijada imtaxaanaadka uu yeedhiyay isla Gudoomiyaha maanta ku dhawaaqay. Inkasta oo aan darajo wanaagsan keenay, haddana waxaan ka baqayay in aan gaadhi waayo darajada lagu gudbayo, waxaanan ku tashaday in aan dib ugu noqdo sannadka dambe hadday taasi dhacdo. Waxaan arday badan oo aan dugsiga sare u soo dhigay u sheegay in imtaxaanka shahaadiga ah uu yahay ka ugu adag ee soo mara qofka inta uu dunida joogo. Hadda marka aad jaamacadda gasho wixii aad dugsiga sare ku dhiganaysayba waxaa ka balaadhanaya hal kooras oo aad qaadanayso e, bal isqabadsii labadaas arrimood!!!!!!!!!!!!!!!.

Marka la eego habka imtaxaanka loo qaado, waxaan qirayaa in ay jiraan goldoloolooyin muuqda kuwaas oo laga arki karo heerarka kala duwan ee imtaxaanku maro sida diyaarinta, qaadista, kormeerka iyo sixidaba. Laakiin waxaan qirayaa marka la eego xafiisyadeena dawlada in xafiiska imtaxaanaadka qaranku ka mid yahay kuwa ugu horreeya marka loo eego ka soo bixida shaqadii loo igmaday, kaydinta xogta imtaxaanada ardayda, bixinta shahaadooyinka iyo qiimaynta waxbarashada qaranka guud ahaan. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa Baarlamanka iyo Madaxweynahaba in la dhammaystiro xeerka madaxbannaanaynaya xafiiskan, miisaaniyadiisana loo kordhiyo. Sida oo kale waxaan ku talinayaa in waxbarashada qaranka fidinteeda iyo tayadeedaba culayska la saaro si aynu mustaqbalka caruurteena iyo dalkeenaba horumar u gaadhsiino.

ALLAA MAHAD LEH

Qore :Cabdifataax Rashid Maxamed
14/09/2023