Isbarbar-dhiga labadda musharax ee ku loollamaya xisbiga Kulmiye dhexdiisa (W.Q: Maxamed Xuseen “Maxamed-Roodhi”)

Fiiro Gaar Ah: Waa Qormo urursan oo soo koobaysa shakhsiyada, taariikhda iyo khibradda Shaqo ee murashaxiinta ku hirdamaya hanashada hoggaaminta xisbul-xaakimka Somaliland (Kulmiye)

Taariikhda Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland

Maxamed Maxamed Biixi Yoonis wuxuu ahaa diblomaasigii ugu darajo sareeyey dunida afka soomaliga ku hadasha marka laga reebo Cabdiraxiim Caabi Faarax oo noqday ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Iyo Cali Sanyare oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorshaynta Dawladii Daahir Rayaale oo ahaa u qaabilsamaha Afrikada dhexe iyo Wakiilka Guud ee Tansaaniya Qaramada Midoobay, oo labaduba ka soo shaqeeyey Qaramada Midoobay.

 Waa Kuma Maxamed Biixi Yoonis ?

Maxamed Biixi Yoonis wuxuu sannadkii 1947-kii ku dhashay Hargeysa, isagoo dugsigii hoose ku bartay Hargeysa, dugsigii dhexe ayuu ka baxay dugsiga Sheekh isagoo kii sarana ku bartay dugsigii sare ee Camuud.

Wuxuu sannadahii 1970-naadkii shahaado sare ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta Hargeysa oo uu ka qaatay shahaadada (High Diploma), wuxuuna ka noqday Hargeysa macalin iyo Deeganada Hargeysa hoos yimaada wax ka bara. sannadahii 1971-kii ayuu waxbarasho sare ka helay dalka Maraykanka isagoo waxbarasho ka helay jaamacadda weyn ee Harvard University.

Jaamacadda Harvard University ayuu Degree-giisa hore wuxuu ku qaatay barashada culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, isagoo sidoo kalena qaatay shahaado kale oo Bachelor ah oo isla jaamacadda Harvard University uu ka qaatay culuumta maamulista dhaqaalaha, isla jaamacadda Harvard University ayuu ka qaatay shahaado sare (Master Degree) oo ah cilmiga maamulista arrimaha bulshada iyo siyaasadda (Master Degree of International Relations, Political Science and Public Relations Management)

Sannadahii 80-maadkii Maxamed Biixi Yoonis wuxuu ku biiray bangiga horumarinta Afrika ee loo yaqaano (African Development Bank) isagoo muddo dheer ka soo shaqeeyey bangigaasi kana soo qabtay xilal ay ka mid yahiin madaxa Bangiga ee dalalka Beriga Afrika, madaxa maalgelinta ee baanka (head of Investment), madaxa maamulka daymaha ee Bangiga, isagoo noqday madaxii xidhiidhka siyaasadda ee Bangigaas.

Badhtamahii 90-naadkii ayaa Maxamed Biixi Yoonis waxaa loo magacaabay madaxii qaybta hawlaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsanayd barnaamijkii Qaramada Midoobay ee Beriga dhexe, isagoo saldhigiisuna noqday magaalada Beeruut ee dalka Lubnaan.

Sannadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay Agaasimahii fullinta ee hawlgalkii Qaramada Midoobay ee Lubnaan iyo Isra’iil, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii Qaramada Midoobay ee magaalada Talaafiid ee caasimadda dalka Isra’iil, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Lubnaan iyo Israel.

Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Isra’iil iyo Carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka iskaga dab qaaday jiray dalalka beriga dhexe, waxaa lagu xasuusta qaybtii weynayd ee uu ka gaystay maxaabistii isra’iil iyo dalalka Carabtu ay is dhaafsadeen. waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Gobolka Daarfuur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda Midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha Qaramada Midoobay ee gobolka Daarfuur.

Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Daarfuur, Isra’iil, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, sida xogo ay Durdurnews iftiiminayso tibaaxayaan waxaa la filaayey in uu dhawaan noqdo ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday in uu shaqada caalamiga ah ka nasto oo uu dib ugu soo laabto Somaliland.

Muxuu ku soo kordhin karaa siyaasadda Somaliland ?

Haddii Maxamed Biixi Yoonis ku soo baxo musharaxniada xisbiga Kulmiye iyo ama xisbiyada kaleba in Somaliland aqoonsi buuxda ay ka heli karto bulshada caalamka, waxaanan aaminsan ahay in uu yahay masuul aad looga qiimeeyo bulshada caalamka agteeda buuxin kara jagadaa madaxtinimo ee dalka, wuxuu badiba la saaxiib yahay hoggaamiyayaasha caalamka, jaamacaddaha ay ka mid tahay Harvard ee dalka Maraykanka oo ay wax ka wada baran jireen madaxweynaha haatan ee dalka maraykanka Barack Obama, wuxuuna ka soo shaqeeyey 22 dawladood oo dunida dacaladeeda ku yaalla Iyo Qaramada Midoobay, Waxaana uu aqoon u leeyahay ,aamulida dawladnimo, Waxaanu aqoon u leeyahay dawladaha Afrika, Eeshiya, Yurub Iyo Maraykanka.

Hadaba Maxamed Bixi yoonis Waa shaqsi dabeecad ahaan degan, una dhuun daloola arrimaha siyaasada dalka, dhaqanka Iyo dhaqaalaha dalkaba, waana shaqsi ku haboon hoggaan daacada.

Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa taariikh nololeed Muuse biixi Abdi .

Muuse biixii waxaa uu ku dhashay Galbeedka Hargeysa, gaar ahaan Tuulo yar oo hada ah laba dargadood ka dhisan yihiin oo u dhaxaysa Farowayne iyo Arabsiyo, Muuse markii uu hana qaaday waxa uu reerkoodu u soo guuray Hargeysa oo Aabihii dukaan yar ka yegleelay Heegadii hore, Muuse waxa uu waxbarashadiisu u horeysay ka bilaabay Malcaamad Qur’aan ku taala Dooxa una dhawayd Saldhiga dhexe ee Hargeysa, Sanadkii 1959-kii waxa uu ku biiray dugsiga hoose dhexe ee Biyo dhacay waxaana uu uga sii Gudbay Camuud oo waqtigaa ahaa Dugsi sare ku qaatay, 1970 ayaa dawladii milateriga ahayd ee uu hoggaaminaayey laligii taliye Maxamed Siyaad Barre u dirtay xubno tiro yar oo uu ka mid ahaa Muuse biixi tababar Ciidan, oo loo soo tababaraayey dawladii milatari Siyaad Barre, waxaaana loo qaaday dalwaynihii la isku odhan jiray Ruushka oo waqtigaa dano siyaasadeed ka dhexeeyey dawladii Siyaad Barre Iyo Ruushka, waxaana uu ka degay dalka hadda liyaahdho Kirkistaan (Kirkistown) oo waqtigaa ka mid ahaa Ruushka, khasatan magaalo xeebeedka Toklite , waxaana loo tababaray Duuliye Sare iyada oo uu tababarka ku qaadan jiray diyaarado waqtigaa Ruushku Isticmaali jiray oo la odhan jiray 2028 oo nooca Miiga ah, intaa ka bacdi waxaa uu ku soo noqday Muqdisho oo waqtigaa ahayd magaalo madaxdii dalwaynihii la isku odhan jiray Soomasliya oo haatan laba dal u kala go’ay.

1981 Muuse waxa kale oo uu ka mid noqday wafti dhowra oo u hoggaaminayo Wasiir-xigeenkii Wasaarada Gaashan dhiga ee Dawladii Siyaad Barre oo la odhan jiray Cumar Xaaji Muuse oo Safar ugu tegay Maraykanka, waxaanu halkaa ku soo qaatay tababar 8 bilooda Dalka Maraykanka, intaa ka bacdi Muuse 1985 bishii May waxaa uu ku biiray Ururkii Xaqa ahaa ee Dhaqdhaqaaqa Ummadda Soomaaliyeed ee ka soo hor jeeday kaliye Taliye Siyaad Barre, Muuse waxaa uu ka mid noqday dawladii labaad ee Somaliland ee uu hoggaaminayey Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal 1993 ilaa 1997 oo uu noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha, hadana uu yahay hoggaanka xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Hadaba Muuse isna waa shaqsi u taagan musharaxnimada madaxtinimo ee dalka, Muuse aqoon ahaan lama mid aha Maxamed Biixi Yoonis, mana laha saaxibo dawladaha Afrika, Eeshiya iyo Maraykanka ba. laakiin Waa shaqsi u dhuun daloola dalka, balse ma la odhan karaa waa shaqsi ku haboon in uu hoggaamiyo dalka, Muuse waxaa lagu xantaa waa nin askari ah, dabeecado adadag oo aan ahayn khilaaf xaliye, waa hoggaan laakiin mid Askarino, waxaas oo dhan waxaan uga baxaya Ummadda.

Qormadan Waxaa Diyaariyey :

Maxamed Xuseen Jaamac (Maxamed-roodhi)

Hargeysa, Somaliland

muhamedamiin@gmail.com