Xatooyadda ayaan Hor-marayaa! (W.Q: Maxamed Xasan Daacad)

Waxay ahayd maalin tilmaamteedda iyo tirsigeedaba lahayd, hawlo shaqo oo aad u badan ayaa ii taalay oo qaarkood waayi-taankoodu uu Saacaddo  iga xigay. Waxaan eegayaa goor-sheegta, anniga oo ka wel-welsan wakhtiga kooban ee ii hadhsan iyo hawsha balaadhan ee i sugaysa. Xaafadda markii aan ka soo baxayey waxaan  soo kiraystay Tagsi gaar ahaana noocan ay bulshadda Raaxo u taqaano. Waxaan deg-degsanayaan inta uu jidka igula jiro iyo saxmad kooban oo aanu kolba galayno. Marka uu jidku banaanado waxa uu ku soconayaa xawaare aad u sareeya, isaga oo ka jawaabaya dalabaadkayga is-taba-joogta ah ee aan kaga codsanayo in uu wax-ku-daro xawaaraha gaadhiga, si aanay hawshu iiga baaqan ama fursadda i sugaysa si aanan u seegin.

Telafanakayga gacanta waxa  si is-daba-joog ah ugu soo dhacaya wicitaano, kuwaas oo ka imanaya shaqsiyaad hawsha ila wada oo habsankayga baahsan raagsanaya. An-na taagga waxaan dedaalayaa oo inyar baan soo jiraa iyo saxmadd baanu ku jirnaa, ayaan ugu laab-qaboojinayaa, balse wali dhawaaqii Mobile-ku ma istaagin. Waxaan soo ordaba, kooxdii i raagsanaysay soo gaadhay, waxaanuna si toos ah u gudo-galay hawshii noo taallay. Muddo Saacad ku dhawaad ah ka dib hawshii waxay noogu soo dhamaatay jawi degan oo turxaan la’aan ah. Kooxdii aanu asxaabta ahayn ee hawsha ila waday, ayaan u sheegay inay shaqo kale i sugayso, aanan jeclaa in aanu  sii wada shaahayno, balse  uu wakhtigu igu yar yahay. Hawraarsan iyo guddoon ayay iigu jawaabeen, waxaanuna isu rajaynay kulamo danbe oo xiiso leh, haddii Eebe laga helo.

Waa Ilaa 10:15 Daqiiqo ee subaxnimo. Suuqa weyn ee Hargaysa waxa ka muuqda mashquul xoogan iyo sawaxan aan xad-lahayn. Waa maalmo khayraad, waxaana badhtamaha lagaga jiraa tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan, taas oo keentay in dhaq-dhaqaaqa Suuqu uu si weyn kor ugu kaco.

Waddooyinka waaweyn ee Suuqa waxa la deris ah saxmadd balaadhan oo aan kala go’a lahayn. Ciidankii baabuurta kala hagi lahaaba goobta ma joogaan.Waxa jira mid mid is-goysyadda taagan ,kaasna tamartiisu ma badna. Dirawaladda baabuurtu iyagaaba fursadda isa-siinaya oo jidka isku banaynaya, waxa kale oo jirta qaar iyaga ka mid ah oo sabab u ah saxmadda balaadhan ee jirta oo waxay ka soo gelayaan waddooyin qaldan, taas oo keenaysa in ay baabuur badani isku xidhmaan. Qaar ka mid ah baabuurta ayaaba isku-dhac fududi soo kala gaadhay, waaxaanay taasi dhabbaha u xaadhay saxmadd hor leh oo Jidkii ku timid.

Dad faraban ayaa si weyn uga wer-wersan hawlo badan oo kaga dayacmaya saxmadda ay galeen ee aanay kusoo talo-galin ee kusoo dariday, waxaaanay si isba-joog ah u tumayaan hoonka baabuurta ay wataan, taas oo laf-haanteedda ay qaar kale dhibsanayaan dhawaaqa hoonka baxaya.

Waxaan dhinaca qabsaday oo aan iska laaladiyay mid ka mid ah basaska dadweynaha ee u kala baxa xaafadaha Caasimadda, gaar ahaaana kuwa xaafadda Jig-jiga yar. Marka la eego heerka saxmadda waddada ka taagan, waxaan islahaa baskaaba lugta ayaad kaga dheeraynaysaa, balse qoraxdda oo Kulul iyo An-niga oo soomanaa, waxay  danni i baday in aan baska iska raaco. Inta  badan gaadiidka dadweynaha dhex-diisa waxa ku badan buuqa iyo sawaxan, iyada oo ay ku kulmaan dad aan qaarkood muddo is-arag iyo qaar is la’aa oo wakhti ay ku kulmaan isu waayay, waxaanay taasi keentaa in sheeko badan oo qolaba dhinaceeda wax u wadato ay meesha ka dhex-dilaacdo, balse baskani intaas wuu ka fayoobaa. Haddii laga tagi waayo waxa jira hadalo kooban oo kasoo baxayay dhawr qof oo isku hawlay in ay darawalka lacagta rakaabka uga ururiyaan, waayo basku muu lahayn Inan lacagta u ururiya (Kirish-booy).

Dadku inkasta oo ay u muuqdaan badankoodu qaar aan xalay wakhti badan seexan oo kusoo jeeday Salaadii Taajudka, haddana wejiyadoodu wey wada iftiimayaan, mana jirto cid sheeko-wadaag ah oo hawlo-aduun ka hadlaysaa. Inan (Gabadh) dhallinyaro ah oo rakaabka ka mid ah oo Xijaaban ayaa waxay Mobile-keeda gacanta  ka Shiday muxaadaro  wacdi ah, taas oo ku saabsan Cadaabta iyo waxa lagu mutaysto, waxaana si dareen-taabad leh usoo  jeedinaaya  Sheekh Berberaawi oo ka mid ah Culimadda caanka ah ee reer Somaliland. Qeybaha kala duwan ee Rakaabku waxay si weyn ugu dheg-raaricinayaan wacdiga Sheekha. Dhinaca kalena, gaadhigu waxa uu ku  soconayaa xawaare aad u hooseeya Jidkuna wali waa mashquulkiisii. Waxaanu soconaba markaanu hormarayno Aqalka Madaxtooyadda horteeda, ayaa telafan kusoo dhacay mid ka mid ah dadweynihii rakaabka ahaa.

Kuye; “Hello,haa waan soo socdaaye’, i sug”.

Soo hadlihii: “ dee haaye halkeed maraysaa? Ilaa maanta uun baanu ku sugaynaaye’”?

La-lasoo hadlihii: “ waar na sug niyaw! Meeshan Xatooyadda ayaanu hormaraynaaye’”.

Soo hadlihii: “ Yaa! Xatooyo maxaya? Niyaw maanad nin weyn ahayn? Maxaad noogu ciyaaraysaa,waanu sooman nahaye’.

La-la soo hadlihii “ dee kuguma ciyaarayee’ waxaan u jeedaa meeshan ay Madaxtooyadda yidhaahdaan,waa Xatooyo’ eh”.

Dadkii khushuucnaa oo qaarkood meel kale qalbigoodu tagay, ayaa mar kaliya ninkii kusoo wada jeestay; mid qosla, qaar is gujiya iyo qaar isaga si toos ah ula hadla ayay kala noqdeen. Mid ka mid ah dadkii su’aalaha weydiiyay ayaa ku yidhi: “ Waar maxaad sidaas u leedahay? Sawdigan ninka weyn ah ee ciradda-na leh”?

Isma buu dhibine’ aayar uunbuu ugu jawaabay:

“Dee meesha dalka laga xado miyaanay ahayn? Ee wax walba laga iibiyo”?. Halkaas marka laysla marayo ayaan baskii ka tagay.

W.Q: Maxamed Xasan Daacad