Obama oo ka hadlay dagaalka Suuriya iyo heshiisyada Kuuba iyo Eeraan

Madaxweyne Obama oo ka hadlayey shirka Golaha Amaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal dhexe oo siyaasi aha laga gaadho si loo dhameeyo dagaalka Suuriya.

Sidoo kale waxa uu Obama sheegay in Maraykanku diyaar u yahay in uu la shaqeeyo dalkasta oo ka shaqaynaya xalka siyaasiga ah ee lagu soo afjarayo colaada Suuriya oo ay ku jiraan Ruushka iyo Eeraan.

Waxa kale oo uu sheegay in aany marnaba Suuriya kusoo noqon doonin sii ay ahayd dagaalka ka hor, balse loo baahan yahay in lagu tuuro Bashaar Al-asad kaasi oo uu sheegay in uu dhibaateeyey dadkiisa, isagoo u adeegsaday hubka kimikada iyo duqaymo aan loo meel dayin.

Sidoo kale waxa uu Obama ka hadlay heshiisyadii Maraykanku la galay Kuuba iyo Eeraan, heshiisyadaasi oo ku tilmaamay in ay diblomaasiyadu mararka qaar ka waxtar badan tahay dagaalka.

Gebo gebadii waxa uu Obama sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo in aqal sare ee Kongarasku ka qaadi doonaan cuno-qabataynta Kuuba ee ay ku soo rogeen in ka badan 50 sanno.

bandhige@gmail.com