Islaamka iyo xoriyadda hadalka (WQ: Aadan Ducaale Cali)

Waxa lagu jiraa waqti uu soo badanayo caadaadiska iyo duullaanka fikir ee lagu hayo dadka islaamka ah iyo diintooda, kaas oo ah tacaddi iyo loolan ku salaysan xujo iyo caqli sababi kara in dad badan diintooda islaamka si dhib yar looga fara-maroojiyo.

Diinta islaamku u may soo degin inay cabudhiso xoriyadda hadalka iyo aragtida, hase yeeshe waaba ay dhiirigalisay, run ahaantii hadaad u fiirsato nasuusta diinta islaamka waxaad ogaanaysaa sida ay diinta islaamku u ilaalisay cabiraada rayiga iyo xoriyada hadalka, kaliya islaamku wuxuu dadka faraa inay hadal fiican ku hadlaan.

(وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا)

“Dadka wanaag kula hadla”

(وَقُلْنَ قَوْلًا مَّعْرُوفًا)

“Hadal wanaagsan ku hadla”

Inta taariikhda lagu hayo, dadka muslimiinta ahi waxa ay ahaayeen dadyowgii ugu horeeyey ee damaanad qaada xoriyada fikirka iyo inaan la isku qasbi karin diinta sida ku cad nusuus badan oo diini ah.

لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ ۖ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ ۚ فَمَن يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِن بِاللَّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىٰ لَا انفِصَامَ لَهَا ۗ

” ma jiro khasab xagga diinta ah waayo way kala cad yihiin hanuunka iyo baadidu, ninka iska diida daaquudka )wax kasto alle sokadii la caabudo( oo alle kaliya caabuda wuxu qabsaday laan adag oo aan go’ayn(

﴿ وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ )

” waxaad ku tidhaahdaa, xaqu (islaamku) wuxu ka yimi xagga rabbigiin kii doonaa ha rumeeyo kii doonaana haka gaaloobo”

Nusuustaa waxaynu kala soo dhex baxaynaa in aan qaadashada diinta islaamku aanay khasab ahayn ee ay tahay doorasho uu qofku dooranayo.

1. Waa maxay xoriyaddu (freedom) ( الحرية)?

Xoriyaddu ( الحرية) waa erey af carabi ah waxana uu kasoo horjeedaa addoonimo ( العبودية) oo macnaheedu yahay in laguu sii daayo inaad wax kasta dooran karto.

Macnaha faafay ee xoriyaddu waa: qof kasta inuu doorasho dhamaystiran u leeyahay inuu u dhaqmo, ku hadlo, sameeyo, aamino wuxuu doono isaga oo aan ka baqanayn cid bani aadamka ka mid ah ama aanay saamayn ku yeelanayn.

2. islaamka iyo fahanka xoriyadda

( الحرية في مفهوم الإسلامي)

Aragtida islaamiga ah ee xoriyadu (Islamic view of freedom) waxa weeye, xoriyadu waa waxa keliy ee bani aadamku kaga soocan yahay noolayaasha kale una suurta galinaysa inuu sameeyo una dhaqmo sida doonistiisu ay tahay iyada oo aan la qasbayn, taas oo leh dayr iyo xayndaab xadidan. ( limitations) (حدود معينة).

3. Fahamka sharci ee xiriyadda ( مفهوم القانوني للحرية)

Sida uu xadeeyey iclaanka xaquuqda bani aadamka ee faransiiska qodobkiisa 4aad ee soo baxay sanadki 1789kii: Xoriyadu waa awoodda qof kasta uu ku samayn karo hadal ama fal aan cid kale dhibayn.

Qaanuun kasta oo wadci ah ama islaam ahi wuxu qirayaa in aanay xoriyadu ahayn mid si dhamaystiran loo fasaxay oo aanay lahayn xad iyo xayndaab toona.

Waxa la isku waafaqsan yahay in xadka xoriyadu ay tahay inta aanay xoriyadu cid kale dhib u gaysan, lkn waxa la isku khilaafsan yahay maxaa dhib ah ( limit of hate speech?).

Arintaas aqoonyahanada sharciga u dhuun daloolaa waxa ay soo jeediyeen in dhibka loo celinayo dhaqanka iyo waxa ay bulshadu dhib u taqaan, waayo bulshada caalamku waxa ay leeyihiin dhaqamo kala duwan, wax ay bulsho dhib u aragto ayaa bulsho kale sax ah agtooda.

Islaamku waxa uu ku daray oo uu xayndaab xariyada hadalka uga dhigay inay tahay mid khayr iyo wanaag u leh qofka, mid waxtar iyo maslaxo u ah ummada islaamka ah, hadii kale qofku xor uma ah inuu iska hadlo.

Rasuulku wuxu yidhi SCW:

(من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيراً أو ليصمت)

” qofkii rumeeyey ilaahay iyo maalinta aakhiro ha ku hadlo wanaag ama ha iska aamuso”

Dad badan ayaa waddo khalada u maray fahanka xoriyada gaar ahaan xoriyada hadalka, iskana dhaadhiciyey in aanay lahayn xad iyo xayndaab toona.

Islaamku waxa uu ku dayray xoriyada laba dayr oo kala ah:

B. Dayr gudeed (internal limit) قيد داخلي

Waa xayndaab gudeed oo kasoo baxaya qofka gudihiisa kaas oo amraya nafta in ay u bandhigto ficiladeeda iyo tasarufaadkeeda xukunka caqliga iyo damiirka caafimaadka qaba.

Xadkan islaamku wuxu u yaaqaana xishood, xishoodku wuxu kuu diidayaa in ay naftu raacdo hawadeed iyo wax kasta oo ay jeceshahay.

T. Dayr dibadeed (external limt) قيد خارجي

Waa xayndaab dibadeed oo xadidiya xoriyadda qofka, hadii uu qafka qaban waayo xishoodka iyo damiirka qofnimo. Waxaana ka mid ah sharciga iyo qaanuunka.

Isku soo wada xooriyoo, xoriyadu qofku waa mid xadidan goob kasta iyo goor kasta.

 

Qalinkii: Adam Duale Ali