Jaamacad

 

Somaliland gudaheeda Maanta haddii dadka la weydiiyo Jaamacaddi maxey tahay, waxa suurto-gal ah in qofba wax gooni ah ku jawaabo,Maxaa yeellay waxa dad badani ay ka biyo diidsan yihiin hab maamulaadka iyo hanaanka waxbarasho ee jaamacaddo badan.Jaamacaddi waa goob lagu koriyo caqliyada aadamiga,haddii ardey kastaa weydiiyo ardeyda kale waa Maxey Jaamacaddani aynu dhigganeynaa?jawaabo kala duwan oo siyaasad,maamul,waxbarasho,arrimo bulsho iwm la xidhiidha ayuu ku cabiri karaa doorka waxbarasho ee jaamacaddu ay ugu jirto nolosha.

Somaliland Jaamacadduhu waxa ay ugu jiraan halka ugu sarreysa ee waxbarashadda dalka,waana adduun gaar ah oo ardey soo tabcey uun gaadho,hase ahaate maanta qof kasta uu tagi karo isaga oo aan jidkiii saxda aheyd soo marin.Jaamacaddu waa Adduun Dhameystiran oo laga heli karo sida adduunwaynaha waxyaabaha guud ahaan dalka oo dhan lagu arko sida,dhaqano kala duwan,diimo,dadyow kala duwan,taariikho,siyaasad,dhaqaale,maamulo,caafimaad,luqado iwm.Jaamacaddu waa duni waxaasi oo dhan dhexdeeda ay ka socdaan,waa xarun waxbarasho oo leh hab maamul daadajiya si gaar ahna u maamula qeybaha kala duwan ee gudaheeda ka socda.jaamacadd waa meel dadyow kala duwan oo dunida daafaheeda iyo dalka gudihiisa ka kala yimi isugu iman karaan,maskaxahaasi oo ah kuwa  wadaaga wax badan oo ka baxsan waxbarashadda ay meesha ay u soo doonteen.

ka bulsho ahaan somaliland dadku intiisa badan wuxuu aaminsan yahay in aan qofna mustaqbalka waxba qabsan karin haddii aanu waxbarashadisa heer jamacaddeed gaadhsiin,waxaan nahay bulsho si dhab ah u rumeysan in jaamacaddu qofka u diyaarin karto mustaqbal ifaaya,taasi oo marka dambe haddii qofkii jaamacadda ka baxey lagu khasaaro ama aanu waxba ka korodhsan sannadaha dunida jaamacadda bedesha fikirkii horre ee jaamacadda laga  aaminsanaa.

marka ay jaamacadda timaado,waxaan xaqiiqsanahay in ay haboon tahay in guud ahaan dadka dalka iyo qoysyaduba ay ubbadkooda u diyaariyaan socdaalka jaamacadda,iyada oo la rajeynaayo in Mustaqbalka marka waxbarashada laga midoobo,dalka midnimadiisa lagu ilaalin doono aqoon iyo caqli hagaagsan

jaamacadduhu waa meelaha ay ka soo baxeen dadka dadyowga fikradaha kala duwan sida,waa halkii ay soo wada mareen kuwooda doodaya ee mufakiriiinta ahi,waa halkii soo saartey dadyowga doonaya in hadalku xor noqdo,waa halkii ay ka soo qalin jabiyen kuwa badan ee isku qadarinaaya shaqooyinkooda iyo xafiisaadkoda.

Jaamacaddu waa halka ay ka soo baxeen kuwa bidixda fog iyo midigta dhow xagga fikradaha marka dambe isugu yeedhaa.Jaamacaddu waa halka kuwo badan oo ka baxey qaar ka mid ah maggacoodu ku hadho ama loo bixiyo sida Aabbihii tacliinta iyo saynisyahanada caanka ah.Jaamacaddi waa meel dadyowgaasi badan ee kala fikirka iyo afkaarta duwan ee ka soo baxaaya mustaqbalka laga rabo in ay si caaafimaad qabta rayiyadooda isugu ixtiraamaan suuqa iyo fagaarayaasha gudaha iyo dibaddaba.

inteena badan ee jaamacaddaha barashadooda dhameystirtey waxa xasuustooda aan ka bixin fasalkii u gaarka ahaa,kuraastii rugta kutubta (library) ,maqaaxidii cunta iyo xafiiskii imtixaanaadka

la  Soco Qeybta Labaad insha Allah

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com