Laba Xildhibaan Habeen-Nooleyaal ah W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dhaqanka habeen-soo-jeedka waxa lagu gartaa xanaaq badan, cadho joogto ah, qofka oo hadalka qaadi kari waaya iyo gacan-qaad deg deg ah. Waayo naftii ayaan nasan ileyn waa qofka saamaleylka ahe. Dhaqanka Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Axmed Khaliif waa kaasi ku aroor saamalaylka iyo Marfashka ay ka soo barteen tororogta hadalkooda ku ladhan. Dhaqanka habeen soo jeedku wuxuu dilaa caqliga sida maangalka ah u fikiraya, waxaanu qofka ka dhigaa caaddifi aan waxba qiimeyn karin oo fudud iyo seef-la-boodnimo ay waaliyi weheliso.

= Labada Xildhibaan waxa ay ka mid yihiin kooxaha Marfiyashada ka sheekeeya, ee kolba hadalkooda la dhegaysto ka bixiya kharashka Marfishka ee raaciya shaaha, sharaabka iyo biyaha. Qofkaasi lagama daba hadlo, waa dhaqanka ah ‘ Af wax cunay xishoo’. Muqayaliintaa Marfishka ku xidhani waxa ay u nacamleeyaan hadba ka bixiya Qaadka, shaaha iyo sharaabka kelmadna kuma soo celiyaan, halkaasi waxa ka bilaabma in qofkaasi uu kibir iyo isl-weyni gasho inuu dadka ka caqli badan yahay. Markaasuu meelaha dhaqankaasi la tagaa. Waana dhaqanka ay la yimaadeen Golihii Wakiillada.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com