Ka garaab Xaqiiqda (WQ: Mukhtaar Cabdi Jaamac “Barbaraawi”)   

????????????????????????????????????

Qofka bini-aadamka ahi waa noole uu illaahay ‘SWC’ uumay oo ku dul nool arladan guudkeeda, waxaa uu soo maraa marxalado badan oo kala gedisan, meerto-nololeedkiisa wuxuu leeyahay han iyo hiigsi nololeed, wuxuu ku barbaaraa iyadoo la leeyahay hoo, cun, cab iyo daaya waa ilmo yare, wuxuu isku qaataa wax kastoo adduunka yaala inuu kaligii leeyahay, cid ka saraysaana aanay jirin inta adduunka guudkiisa ku nool.

Aadamaha adduunka ku nooli wuxuu kala leeyahay jinsiyado, midabo kala duwan, wuxuu ku kala noolyahay adduun-waynaha, waxay kala haystaan diimo kala duwan, waxay kala aamin-sanyihiin mabaadii iyo afkaar, hadana qof waloo bini-aadam ahi wuxuu rumaysanyahay in tiisu ay tahay ta saxda ah, wuxuu yaqiin-sanyahay inuu yahay qofka ugu wanaagsan, inta og dhaliishoodu ama og meelaha lagaga fiicanyahay ee ka garaabaysaa waa faro ku tiris.

Qaaradaha adduunka ee tirade badan, qof walba tuu ku noolyahay baa la qiimo iyo qaayo badan in yar oo maan-gaab ah mooyaane, oo hunguri wadkii ma arkee la yidhi arsaaqdaadii qaaradaasay taalaaye udoono halkan waxba kuuma yaalaane.

Siyaasiga dalkeenuna wuxuu ka dhiganyahay sidaasoo kale waxaa ku jirta qab ah dalka adigaa kaligaa saxsan, aragti dheer umada hor-mood u ah hadii wax lagu waydiin waayo xaajaba hagaagi mayso. Waxaana laga yaabaa inaanu mabda’ iyo aragti wax-ku-ool ahna aanu la iman oo uu bulshada ku hogaamiyo ee sababta uu ku yimi tahay aad ka fara-qabsatid, jaha-wareerna soo kordhisid, waayo haddii ay wax hagaagaan isaga dan uma aha oo ujeedadiisii horaan ahayn sidaas.

Qof walba wuxuu sitaa muraayad kaliya tusta uun muuqiisa oo qudha, markaasuu maankiisa u sheegaa inuu yahay ka kaliyee udoor-roon, waana ta la yidhaa qofkaa qumanihiisa ayaa qoorta u sudhan. Waxaad arkaysaa qof ay wax ka baylah-sanyihiin haddana aan isku qabin, waxaad arkaysaa qof meel ku fashilmay haddana isku arka inuunan isagu sababin guul-darrada ee  uu hannaanku‘system-ku’ qaldanyahay.

Noloshu waa cayn-ba-cayn, waa hadhka labadiisa gelin, mar wakhtigaa kuu roon marna way kaa yara dhantaalan-tahay. Qof baa qaba in qiimo uu leeyahay oo uu dadka kale dheeryahay wax ku taransaday, qof na maba yaqiinsana ee wuxuu dhaleecaynayaa qaabka ay wax u socdaan laakiin way yartahay qof qirta inay isaga wax ka qaldanyihiin.

Dhinaca nolosha arimaha bulshada dadku way cabanayaan, curyaamin dhaqaale iyo mid maskaxeed bay tirsanayaan, cod-dheer bay ku hadlayaan haddii wax loo qabtana ma qirayaan oo sababo kale oo ay qabyaalad ka mid tahay ayay ku qiimeynayaan tusaale ahaan Dalkeena Somaliland waxaynu soo marnay marxalado adag oo nololeed, waxaynu kasoo gudubnay duruufo dhaqaale oo qallafsan oo sag-xadda laga soo bilaabay. Waxaynu soo tirsanay guyaal badan haddana waxaad moodaa inaanay haantii wali tolmin, hadaynu maanta dadka ra’yigooda waydiino inta wax qiraysaa waa wax yar.

Dhinaca xisbiyada mucaaridka: waa xaq dastuurkeenu siiyay in xisbiyada mucaaridku dhaliilo u soo jeediyaan hadday arkaan meelo ay dawladdu ka gaabisay, waxay kale oo ay xaq-u-leeyihiin inay dawladda ku bogaadiyaan meelaha ay wax fiican ka qabatay. Wali maan arag mucaarid qiray horumar la sameeyey, oo xisbi ahaan bay isku waafaq-sanyihiin inaanay wax kasta mucaaridaan. Oo hadday ku bogaadiyaan waxay isku odhanayaan waxaad ku waayaysaan taageerayaal badan. Sidoo kale wali lama arag Dawlad ama xisbi muxaafid ka garaabay hor-umar xisbi mucaarid ahi sameeyey ama wax uu hor-umar ah bulshadiisa kusoo kordhiyey.

Wali lama arag masuul xil-haya oo culayska iyo miisaanka masuuliyada uu hayo awgeed intuu umadda uu u hayey xilka u tagay oo ku yidhi way igu adkaataye wax badan oon qorsheeyeyna way ii suurta gali waayeene cid kale u igmada. Laakiin waxaa dhacday marar badan inuu markuu hayana wax walbaa ay sax ula muuqato, markuu ka tagana ama laga qaadana waxyaabihii saxda ula muuqday ay dhinaca kale ula muuqdaan oo wada khalad uu u arko, eedana uu u jeedo ciddii markii hore u igmatay.

Gabo-gabadii waxaan ku talin lahaa fikirkayga gaaban

  • Adduunka cid laga maarmayaa ma jirto ha yaraado ama ha waynaadee, cidna cid kama xoog wayna in maskaxda la maalo oo la isku noqdo arimahana cagta loo dhigo ayuun baa haboon
  • In dadku ay xaqiiqda iyo horumarada la sameeyay ka garaabaan, wixii qaldan ee ay arkaanna ay ka qeyb qaataan sidii loo sixi lahaa.
  • In dib la isku xisaabiyo si aan caadifadi ku jirin
  • In Muxaafid iyo Mucaarid bad anta guud iyo horumarka dalka iyo dadka laga wada shaqeeyo oo la iska joojiyo midi-midi ku taagta.

Waxaa la yidhi ‘laba caaqil way kala baxaan laakiin laba caamo ma kala baxaan.

Hadday adhiyeysi tahay

Hadday adhax-tuujin tahay

Ilduuf iyo jeeble tahay

Hadday wada ‘Anniga’ tahay

Siyaasi aabe ma leh

Ku daalka abaabulkeeda

Alooskiyo baaneheeda

Ujeeddo ka keeni maysid                                               

“Abwaan ‘Hadwaari’

W.Q: Mukhtaar Cabdi Jaamac “Barbaraawi”