Masar: Wararka qarax bam oo loo adeegsaday diyaaraddii Ruushka oo isa soo taraya

Diyaaradda burburtay ayaa kasoo duushay magaalada Sharma Sheekh oo ku socotay  St Petersburg ayaa burburtay markii ay 23 daqiiqo hawada ku jirtay, waxaana ku dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa  oo dhannaa 224-kii qof.

Masar ayaa waxay xaqiijisay in dhawaq qarax laga maqlay macluumaadka uu duubay sanduuq madow, inkasta oo Khubarada baadhay shilalka diyaaraduhu  sheegeen in aanay sahlanay in la ogaado in shanqadhaasi  ay tahay qarax bam iyo in kale.

Ayman el Mokadem oo ah khabiirka horkacaya baadhitaanka shilka diyaaradan ayaa sheegay in burburka diyaaradda uu ku baahay dhul masaafadiisu gaadheysa 8 mayl, taasi ayaa muujineysa in diyaaraddu ay burburtay xilli ay ku duuleysay joog aad u sareeya sare.

Waxa uu intaa ku daray in qalabka ku xidhan sanduuqa madow ee diyaaradda uu ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay duubay shanqadh aan la fahmin oo diyaaradda dhaxdeeda ah.

Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa hore ugu dhawaaqay tuhunka in diyaaradda loo adeegsaday bam qarax.

bandhige@gmail.com